Xukumada Axmed Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Kala Jajabinta Beesha Reer Biniin Ee Gaashan Buurta Axmed faarax GAF Una Adeegsanaysa Xubno Kamida Xisbiga Kulmiye Oo Laaluush Qaatayaal Ah Oo Ku Sugan London.

0
Sunday October 26, 2014 - 20:10:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Axmed Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Kala Jajabinta Beesha Reer Biniin Ee Gaashan Buurta Axmed faarax GAF Una Adeegsanaysa Xubno Kamida Xisbiga Kulmiye Oo Laaluush Qaatayaal Ah Oo Ku Sugan London.

    London( xogreebnews.com_ Beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) oo jawaab kulul ka bixisay hadalo lagu baahiyay qaar kamida warbaahinta oo uu ka mid yahay website ka dawlada qorto.Madaxwayne siilaanyo iyo Wasiiradiisa ayaa si qarsoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London( xogreebnews.com_ Beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) oo jawaab kulul ka bixisay hadalo lagu baahiyay qaar kamida warbaahinta oo uu ka mid yahay website ka dawlada qorto.Madaxwayne siilaanyo iyo Wasiiradiisa ayaa si qarsoodiya kula kulmay xubin ka mida beesha reer biniin oo ka tirsan xisbiga kulmiye

London( xogreebnews.com_ Beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAF) oo jawaab kulul ka bixisay hadalo lagu baahiyay qaar kamida warbaahinta oo uu ka mid yahay website ka dawlada qorto.Madaxwayne siilaanyo iyo Wasiiradiisa ayaa si qarsoodiya kula kulmay xubin ka mida beesha reer biniin oo ka tirsan xisbiga kulmiye magaciisana la yidhaahdo maxamed yuusuf liibaan kuna nool magaalada london loona balan qaaday mashariic la siin doono hadii uu kala jajabiyo qurbajooga beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax GAF oo go,aan adag iska taagtay bixinta dhulka baliga diiriye guuleed ee ku yaala waqooyiga burco.Ninkaas lagu magacaabo maxamed yuusuf liibaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa shir balaadhan oo ay isugu yimadeen qurbajooga beesha reer biniin oo lagaga soo horjeeday go,aankii cadaalad darada ahaa ee xukumada siilaanyo iyo guurtidu ku riday deegaanka baliga diiriye guuleed.Gudoomiyaha afhayeenka iyo dhamaan qurba jooga beesha reer biniin ayaa waxay isku wada raacsanyihiin in aan lagu gorgortami karin dhulka baliga diiriye guuleed go,aankii iyo warsaxafadeed yadii ay beesha reerbiniin ka soo saartay ee isdaba joog ahaa uu yahay mid aan cidina beenin karin oo nin xukumada u guulwadaynayaa ka badali karayn iskuna wada waafaqsanyihiin beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax guda iyo dibadba.

Waxaanu halkan shacabka reer somaliland iyo cidkasta danaynaysa nabad galyada iyo xasiloonida gobolka togdheer inaanay beesha reer biniin aqbali doonin in dhulkooda degaamada baliga diiri la bixiyo kana taaganyihiin go,aamadii hore.

Qodabada aanu ka soo saarnay kuna beeninayno warkaa aan salka iyo raadka lahayn ee saxafada lagu shaaciyay.

1-In aan shirkaa balaadhan ee beeesha reer biniin isugu timi ee ka dhacay magaalada london 18ka aktoobar 2014 shakhsi ka mid ahaa iyo cidkale toona beenin karayn go,aamadii ka soo baxay iyo halka beesha reer biniin ka taagan tahay cadaalad darada xukumada siilaanyo ee isku dayayso inay ku xalaalayso dhulkooda baliga diiriye guuleed ee waqooyiga magaalada burco.

2-Qof dan khaas ah wataana aanu awood u lahayn go,aamada beesha ee ay ka soo saartay baliga diiriye guuleed beenin karina.

3-Ninka isku magacaabay maxamed yuusuf liibaan waxay beesha reer biniin dibad iyo gudaba u dirayaan digniin iyo inuu faraha kala baxo arimaha beesha reer biniin ee baliga diiriye guuleed oo xukumada isku hayaan kana wada qateen go,aan iskaga mid ah meelwalba oo ay joogaan aduunka iyo gudaha somaliland.

4- Waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa sawiradiisi ninka ku hadlaaya magaca beesha reer biniin ee leh shakhsiyaad ayaa isugu yimi shirkaas ka dhacay london oo ahaa mid si wada jira oo raga ugu tunka wayn leh qurba jooga beesha reer biniin ku kulmeen.

5- Waxaanu halkan ku beeninaynaa in aanay shakhsiyaad ahayn ee ay ahaayeen odayaasha waxgaradka aqoonyahanka gudiga beesha reer biniin ee jaaliyada dibada isugu yimi shirkaa ka dhacay london 18kka Actobar.

6- Shirka ka dhacay london iyo dalka gudihiisa ee raga go,aanka beesha reer biniin lehi isugu yimadeen ayaan nin qudhi beenin karayn oo dana gaara lehi awoodna ku lahayn beesha dhexdeeda.

Allaa Mahad Leh.

London Uk

Afhayeenka Qurbajooga Beesha Reer Biniin Ee Gaashaan Buurta Axmed Faarax GAF,

Maxamed Xuseen Geele Wacays

Mhgeelle@outlook.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured