Daawo xogreeb Tv" Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Badhtamaha Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
Friday October 24, 2014 - 21:18:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo xogreeb Tv" Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Badhtamaha Muqdisho Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

    Muqdisho(xogreebnews.com_Gaari nooca raaxada ah oo ay ku xiran yihiin walxaha qarxa, ayaa wuxuu duhurnimadii maanta uu ku qarxay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Gaari nooca raaxada ah oo ay ku xiran yihiin walxaha qarxa, ayaa wuxuu duhurnimadii maanta uu ku qarxay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho(xogreebnews.com_Gaari nooca raaxada ah oo ay ku xiran yihiin walxaha qarxa, ayaa wuxuu duhurnimadii maanta uu ku qarxay Wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Gaariga oo yaalay agagaaraha Isgoyska Shaqaalaha, ayaa waxaa la sheegay in uu lahaa Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Dowladda Somaliya, wuxuuna qarxay xilli uu gaariga ka soo degay.
Saddex qof oo shacab ah oo ka ag-dhawaa goobtaasi, ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhaawacantay qaraxii ka dhashay gaariga, waxaana dadkaasi lagula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa la soo sheegayaa in hawlgal ay ka wadaan, iyagoona su’aalo weydiinaaya Sarkaalkii qaraxaasi ka badbaaday.Laamaha ammaanka, ayaa isku deyaaya inay ogaadaan garaashkii uu Sarkaalkaasi dhigtay gaariga, si ay u xaqiijiyaan cidda dhabta ah ee uugu soo xirtay qaraxa.
Al Shabaab, ayaa waxay horey u sheegatay masuuliyada gaadiid fara badan oo walxaha qarxa lagu soo xiray, laguna dilay Saraakiil iyo Xildhibaano, ka kala tirsanaa Hay’adaha Dowladda iyo Baarlamaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured