Weriye Mashqac Iyo Sheekh Ex-Samaale: Jawaab: Mashqacow waxa aad tahay Fircoon Yar…kkkk…runtii annigu waxa aan rabay in aan Wasiir ka noqdo Wasaarad aan qorshaheeda iyo hindisaheedaba lahaa oo aan uga talo galay in lagu daryeelo dadka Carabka La’ iyo Gaa-gaalayaasha ama dadka hag-hagada leh…tii markii

0
Friday October 24, 2014 - 21:18:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Mashqac Iyo Sheekh Ex-Samaale: Jawaab: Mashqacow waxa aad tahay Fircoon Yar…kkkk…runtii annigu waxa aan rabay in aan Wasiir ka noqdo Wasaarad aan qorshaheeda iyo hindisaheedaba lahaa oo aan uga talo galay in lagu daryeelo dadka Carabka La’ iyo Gaa-gaalayaasha ama dadka hag-hagada leh…tii markii

    Jawaab: Carablow…kkkkkk. Adeer Berberi waxa ay soo raacaysaa oo soo hoos gelaysaa degaanadayada iyo dadkayaga sida laga wariyay Sheekh Berberaawi, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate eh…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jawaab: Carablow…kkkkkk. Adeer Berberi waxa ay soo raacaysaa oo soo hoos gelaysaa degaanadayada iyo dadkayaga sida laga wariyay Sheekh Berberaawi, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate eh… Su;aal:Waxa farxad weyn noo ah in aanu maanta kula yeelano wareysi Wadaad-Waranle ah oo dhinacyo & darafyo badan taabanaaya. Bal marka hore inta aynaan u guda gelin wareysigeenan waxa aad is-bartaa akhristayaasha sida gaarka ah u xiiseeya barnaamijka Mashqac-geliye ee aan ku aqoonin.Jawaab: Mashqacow adeer xaqiiqdu iyo runtu waxa ay tahay dadka oo dhan waa i wada yaqaanaa oo u maleynmaayo in ay jirto cid aan i garanaynin oo hadii aad ka soo bilowdo Alaybaday, Wajaale, Gabiley, Arabsiyo, Abaarso ila Hargeysa caan ayaan ka ahay oo waa la iga wada yaqaanaa. Magacyo bandanna waa la iiga yaqaanaa oo hadii aan kow ka bilaabo aan gaadhsiin karo kun. Balse inta ugu caansan ayaan wax yar kaaga sheegayaa: Wadaad-la- mood, Diirka-ka-wadaad, Salaan-wanaagsane, Dhuxul Dambas huwan, Ina Xaashi-dhaan, Laba Khamiisle, Allaybaday baa yaabay, Qabyaalad-soo-dhacday, Mujaahid-muquuniye, Xadhig-lama sitaan, Isa-sudhe, Faq-badane, Dusdus iyo Dhuumasho-badane, Axaadiis-nasakhe, Ka-ciideeye, Madaxweyne-doon, Musharax-ku-qabsade, Al-ustaad-Wasiir Carablow…Istaaq-furulaa…Cafwan walaal…Waxa aan ka tagay magaca ‘Dead Sheikh Walking’ oo ah wadaadkii dhintay ee soconaayay oo la ii bixiyay markii aan Khadiibka ahaa ee la i af-duubay ee la igu yidhi waa lagu dilayaaye dardaaran ee aan soo qoray dardaaranka…hadana waa kii Marxuun Cigaal (IHN) xooga igu soo daayay ragii i heystay ama I afduubay…halkaas ayaa magacu ka yimid…Afkeenu waa isku amaane Mashqacow Haamadii beriigaa i duntay weli way i dunsan tahay, huq weyna way igu reebtay…miyay taasi saameyn ku yeelan kartaa damcayga Madaxweynenimo.Su;aal: Mudane Carablow miyaanad xishooneynin waa maxay caanimada aad sheeganaysaa sowdigan dadkii aad tidhi way i wada garanayaan aad ku soo koobtay dadkii deganaa degaankii aad u dhalatay ee aad ka soo jeeday, meeye dadkii kale ee reer Somaliland?Jawaab: (Ex-Samaale): Adeer xasadka iyo xiqdigu ma fiicna mashqacow taasna waxa cadeeyay culumadadeena…runtii iminka daliil aan kuu sheego ma xasuusto oo intii aan siyaasadda galay digrigii iyo xasuustuba way iga xumaadeen balse hadii aad arrinkaasi aad daliil u rabto ugu tag Sheekh Adan Masaajid-Kheyriyada uu Jimcihii khudbada ka akhriyo…dadka waxa ugu badan intaas aan kuu sheegay ee beeralayda ah oo cid kale barasho ugama baahni… markaad ku darto lo’dooda iyo xasiidooda kama yara dhowr Milyan…Waxa kale oo aan isleeyahay cadaab ku mudan meysid hadii aad tidhaadho dakhliga dalka ama miiisaaniyada dalka 80% waxa uu ka soo xaroodaa degaanadaasi oo ah degaanaddayada, dadkayaga…Su;aal Oo dekada Berbera miyaad ilowday?Jawaab: Carablow…kkkkkk. Adeer Berberi waxa ay soo raacaysaa oo soo hoos gelaysaa degaanadayada iyo dadkayaga sida laga wariyay Sheekh Berberaawi, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate eh…Mashqac…Sheekh Berberaawigu muxuu ahaa maba maqal eh?Jawaab Ma Sheekh Berberaawi ayaanad maqal…adeer iska dhukay dhukay-qabiilka kaa gufeeyay dhegaha…Sheekh Berberaawi waxa uu ahaa Sheekhii badda ku dul socon jiray oo inta uu Berbera ka bilaabo lug ku tagi jiray Cadan isaga oo bada dul socda…Waar oohinta joojiya waa kuma kaa sidii Wasiir Cadaani Xasuusta Sheekha iyo Karaamadiisu ay ka oohisay…Waxa aad u baahan tihiin shaqaalihiina Wasaaraddu in la idiin qoro Qardhaastii aan Cadaani u qoray ee ka joojisay ilmada …kkkkk…hada Qardhaastaas waxa aan ku xardhay oo keliya nashiido ay qaadi jirtay Sheekhada weyn ee Khadra oo ahayd: ## Yey ku dhicin Ilmadu dhul abaarsatee isha Sacabka Mari###…Markaas waxa aan u raaciyay in yar oo ka mid ah nashiidada kale oo BK qaado ##Ilmada cesho baan ku idhi## oo aan 100 jeer ku cel-celiyay.

Su;aal: Wasiir wax ma nooga sheeki kartaa sababtii iyo sidii aad ku timid Wasaaradan iyo waxa aad ku dhaanto Wasiirkii kaa horeeyay ee aad kula baxday magaca Ina Xaashi-Dhaan?
Jawaab: Mashqacow waxa aad tahay Fircoon Yar…kkkk…runtii annigu waxa aan rabay in aan Wasiir ka noqdo Wasaarad aan qorshaheeda iyo hindisaheedaba lahaa oo aan uga talo galay in lagu daryeelo dadka Carabka La’ iyo Gaa-gaalayaasha ama dadka hag-hagada leh…tii markii aan dhameeyay ayaa waxa igu qabsaday Maaiyrka Caasimadda oo igu yidhi anniga ii daa Wasaaradaasi waayo anniga ayaa kaa yar, siyaasaddana kaaga soo danbeeyay eh…runtii iyada oo ay meel xun naga marayso ayaa Jinkii Carablow igu yidhi iska daa Wasaaradaasi waxa kuu soo socota Wasaarad kale oo muhiim ah oo aanu kuu sakhiri doono dadka iyo duunyadaba…kkkk…Jinkaa Carablow waa kii hore noola faqay labadayadaba SOLTELCO iyo anniga ee nagu yidhi Madaxweynayaalbaad ka noqoneysaa Somaliland…tii SOLTELCO Carablow socon weyday eh, balteyda ayaanu eegi doonaa.kkkkk…Wasaaradii uu ii i-shaaray Jinkii Carablowna waxa ay noqotay tan aan iminka Wasiirka ka ahay…sida aan ku imid ma sharxi karo laakiin calaf, sakhiraad, dar-dar iyo dubbe uu jinka Carablow uu iigu dhuftay Madaxweynaha intuba waxa loo nisbeyn karaa imaanshahayga. Annigu marna noqon maayo sidii Duurkii is macaashiyay ee yidhi “karti, raganimo iyo hufnaan ayaan ku noqday Wasiirka ugu tunka weyn Somaliland” ee cidnaba u joojin waayay ee markii denbe ee xilka laga qaadayna khashilaadii iyo weji-gabaxii ku dhacay ilaa Koonfur Africa u cararay. Ina Xaashi in aad dhaamo cid waliba way ogtahay…Miisaaniyadii waan kordhiyay anniga oo cashuur diidkii quraan saar u sameeyay 114 ku dhameeyay…qabyaaladii lagu xaman jiray isaga annigu hoos ayaan u dhigay oo ka sii caqaar ayaan gaadhay…waxa aan culimada ka soo gaadhay in sadaqada iyo gacan qabashada aad cid u sameysaa ay ugu ajar & kheyr badan tahay ta aad u sameyso dadka kuugu xiga dad…xitaa xilalka iyaga ayaa mudnaanta siinaysaa…maxaa iga galay qeylada iyo xanta dadka…Mashqacow waxa xaaraan ah in Wasiir Waranle ah aad barbardhigto ama ku dhereriso Wasiir Wadaad-waranle ah…kkkkkk…ka gudub su’aashaas…Ina Xaashi in aan u faano waa la iiga daran yahay isagu wuu galbaday oo meelahaas ayuu urur aan jirin ku biiray oo uu sheegtaaye…u faankoodu waxa uu isugayaa labada ilma Biixi oo aan rabaa in aan kaga soo hadho Koonfurta Africa iyo ta Suudaan.
Su;aal: Musharax ama Madaxweyn-doon ama kursi-caashaqe miyaanad lahayn birmageydo maxaad u wanjashay Madaxweynihii ee markii uu safarka u baxay u tidhi wuu tanaasulay ee aad ololaha u bilowday? Miyaanu Madaxweynuhu ahayn siyaasigii ku keenay saaxadda siyaasadda ee kaa dhigay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-Jeex, markii denbena Xildhibaanimada kuu sharaxay, iminkana kuu dhiibay Wasaaradan shilis ee baruurteeda cid walba oo aragtaaba ay laqanyooneyso?
Jawaab: Mashqacow Fircoon oo kale ayaad tahay…Abuu Lahab jaallihii ayaad tahay…qoomamkii la halaagay ayaad ka sii joogtaa…waar ma aniga ayaa Madaxweynaha wanjalay? Afku yuu ku cadaane ka istaaqfuruleyso ikhwaan… Annigu hadii aan cid wanjalay ama xadiisyo u nasakhay waa labada Ilma Biixi…marna maaha Madaxweynaha…mise Fartaagii uu sheegaayay nin ka mid ah nimankii UDUB-yahanada Kulmiyoobay ee shirka jaraa’id qabtay ayaad aniga ii maleysay…adeer annigu Fartaagaa la sheegaayay ma ahi…hadii aan in uun wax taagana waxa aan taagaa waxa uu noqonayaa Kitaabka Quraanka Kariimka ah…adeer alle halaga cabsado…xisaab iyo qabri iyo aakhiro ayaa inaga denbeysa denbiga ha la iska ilaaliyo…Se lacalla hadii ay dhacdo in aan Madaxweynaha Kursiga ku qabsado ma denbibaa miyaanan geynin? mise deyrkii MAKA ayaan gubayaa? mise la yaab ayuu leeyahay damacu…bal orod oo degaanadayada soo mar waxa ay kuu sheegi doonaa in ruux siyaasi ah oo i dhaama oo anniga la i dhaafsho aanu ku jirin reerkaba haba-yaraate eh…beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye bal waxa aad soo waraysataa gabadha fariida ah ee duqa ka ahayd Gabilay, Gudoomiyayaasha garabyada haweenka ee Xisbiga KULMIYE ee degaanadaasi oo dhan…Wasiirada Waxbarashada iyo Agaasimaha hay’ada samafalka laftigoodu way og-yihiin xaqiida dhabta ah hadii aanay hoosta kala soconin labada ilma Biixi…Mashqac…Wasiir adigu markhaatiyaashaadu ma dumar uunbaa miyaan ragba jirin?Jawaab: MAYA Dumar iyo Wadaad oo dhami waa ii markhaati!…Waranlena markhaati iima galo.Su;aal: Mujaahid-muquuniye, miyaad wax nooga sheegi kartaa sirta aad Mujaahid Biixi ku muquunisay damaciisii musharaxnimo adiga oo lagu xanto in markii aad Institute Burco aad dhigan jirtay aad Ururkii Waxda ee aad ka tirsanayd aad warka uga geyn jirtay NSS-ti Burco. Shaqadaasi Basaasnimada ah (NSS Informer) sida la sheegay ilaa Muqdisho iyo Lafoole aad sii wadatay? Miyaanay arrintani noqonay markii ugu horeysay ee Basaas ka adkaado mujaahid ama laga-xoreeyihii dadkani uu siyaasada ka adkaado xoreeyihii dadkan & dalkan?Lasoco Caddadka Jimcaha dambe..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured