Maxaay Tahay Sirta Ka Danbeysey Dabkii Sadexaad Ee Ka Qarxay Wasaaradda Warfaafinta Muddo Bil gudaheeda iyo Wiil uu Wasiirku Adeer u Yahay oo Loo Xidhay Tuhunka Dabkaasi.

0
Friday October 24, 2014 - 19:52:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaay Tahay Sirta Ka Danbeysey Dabkii Sadexaad Ee Ka Qarxay Wasaaradda Warfaafinta Muddo Bil gudaheeda iyo Wiil uu Wasiirku Adeer u Yahay oo Loo Xidhay Tuhunka Dabkaasi.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Mudo bil gudaheed ah , ayaa waxa wasaarada warfaafinta ka qarxay dab,iyadoo dabkii ugu horeeyey ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Mudo bil gudaheed ah , ayaa waxa wasaarada warfaafinta ka qarxay dab,iyadoo dabkii ugu horeeyey ka Hargeisa(xogreebnews.com_Mudo bil gudaheed ah , ayaa waxa wasaarada warfaafinta ka qarxay dab,iyadoo dabkii ugu horeeyey ka qarxay studio-ga idaacada kaasi oo dirqi lagu bakhtiiyey markii ay damdamiska dawlada hoose ee Hargeysa ay u soo gurmadeen,si wanaagsana ay u makhtiiyeen,dabkaasi cid looma xidhin balse waxay ciidamda CID-du su’aalo weydiiyeen qaar ka tirsan hawlwadeenada idaacada,kadibna cid wax lagu helay wakhtigaasi may jirin.Dabkii labaad ayaa habeen hore ka qarxay qayb ka mid ah goobta ay yaalaan ijiinadu,qaraxaasi dabka ah ayaa markiiba la makhtiiyey,waxayna arintaasi yaab ku noqotay guud ahaanba hawladeenada wasaaradda warfaafinta oo la yaabay sida fudud ee dabkaasi uga qarxay goobta muhiimka ah ee mishiinada.Dabkii sadexaad ayaa xalay ka qarxay qaybta maaliyadda ee wasaaradda warfaafinta dabkasi oo dirqi loo makhtiiyey,ciidamadii goobta ka ag dhawaa ayaa gacanta ku dhigay oo xidhay wiil uu wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/laahi Daahir Cukuse uu adeer u yahay,isla markaana ka mid ah dadka inta badan ku xidhan wasiirka ee aan ka fogaanin xafiiska wasiirka,wiilkan oo wasiir cukuse kalsooni badan ku qabay wararka uu u keeno iyo dhaga dhageynta ayaa waxay ciidamada amaanka ee wasaarada warfaafintu u xidheen dabkaasi xalay ka qarxay xafiiska maaliyadda ee wasaaradda warfaafinta waxaana taasi shaki badan ku abuurtay shaqaalaha inuu wasiirku qayb ka yahay. Hadaba arinta muhiim ka ahi waxaa weeye wasiirka oo aan tan iyo markii dabku ka qarxay studio-ga idaacada aan ka hadal isla markaana aan ka soo qaadin wax weyn ayaa arinta xiiso u yeelaysa isla markaana waxay shaki gelinaysaa sababta uu wasiirku uga hadli waayey dabka hadba ka qarxaya goob ka mid ah wasaaradda warfaafinta,iyadoo weliba loo xidhay wiilka uu adeerka u yahaywasiirku oo uu weliba shaqada qoray markii loo magacaabay wasiirka wasaaradda warfaafinta xoggo tiro badan oo ay heelayso shabakadda warar ee xogreebnews.com- ayaa tilmaamaya in wasiirka laftiisa looga yeedhay CID-da . inkasto aanay jirin cid si cad wax uu tilmaami karaysaaWasaaradda warfaafinta oo ka mid ah halbawlaha qaranka ayeysan dhici jirin in wax qarax dab ahi ka qarxo intii ka horeysay wasiir cukuse,balse tan iyo markii wasiir cukuse loo magacaabay wasaaradda warfaafinta waxa ka taagnaa khilaafyo is daba joog ah,wasiirk ayaa waxa uu la soo baxay dhaqano ku lidi ah horusocodka wasaaradda,iyado oo tiraba dhawr jeer wasiir cukuse shaqada ka joojiyey maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas iyo weliba ku xigeenkiisa ,waxa kale oo ay wasaaradadu hoy u noqotay khilaafyo badan oo wajiyo badan leh,intii uu wasiir Cukuse xilka qabtay.Arinta la sugayo ayaa ah talaabada uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaadi doono arimahan khatarta ku ah qaranka ee ka soo cusboonaaday wasaaradda warfaafinta Somaliland?By:C/casiis Bashiir NuurTel:4144434Email: info@xogreebnews.comHargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured