Xisbiga Waddani Oo Xukumadda iyo Gudoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyay Inay Shuraako Ku Yihiin Muddo Kordhin Doorasho

0
Thursday October 23, 2014 - 17:32:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Xukumadda iyo Gudoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyay Inay Shuraako Ku Yihiin Muddo Kordhin Doorasho

    Xisbiga Waddani Oo Xukumadda iyo Gudoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyay Inay Shuraako Ku Yihiin Muddo Kordhin Doorasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Xukumadda iyo Gudoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyay Inay Shuraako Ku Yihiin Muddo Kordhin Doorasho

Xisbiga Waddani Oo Xukumadda iyo Gudoomiyaha Guurtida Ku Eedeeyay Inay Shuraako Ku Yihiin Muddo Kordhin Doorasho

Hargeysa(Xogreebnews) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Gudoomiyaha Guurtida ku Eedeeyay in Joojinta Xeerka Diwaangalinta loogu xusul duubayo mudo kordhin dalkan ka dhacda, taasi oo Gudoomiye Saleebaan iyo Xukumaddu heshiis ku yihiin.

Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay waddo Carqalado isdaba joog ah oo ay ku hayso arimaha loogu tabaabushaysanayo doorasho dalkan ka dhacda sanadka 2015-ka.

“Xukumadda iyo Odhan maayo Guurtidee Gudoomiyaha Guurtida oo si gaara ugu shuraakoobay inay dalkan Mudo kordhin ka sameeyaan ayaa Xeerkii Diwaangalinta Joojiyay.waxaa cad oo ayaan darana ah in Xukumaddu maalin walba tidhaahdo Doorashada wakhtigeedii baanu ku qabanaynaa iyadoo mudo korodhsi damacsan waana wax bari caddaan doona” ayuu yidhi Xoghayahah Waddani.

Mudane Uurcadde waxa uu Xukumadda ku eedeeyay in labadii sano ee u dambeeyay ay lugta jiidaysay talaabooyinkii Doorashada loogu diyaar garoobayay islamarkaana hadda ay habsaamisay Ansixintii Komishanka, sidoo kalena shaqadii ka joojisay Komishankii hore ee hawlaha sii wadi lahaa.

“Hadda waxaa la marayaa in Odaygii Ugu weynaa Somaliland ee Saleebaan Gaal uu noqday Muddo kordhiye u fadhiya Golaha guurtida iyo qarankaba inuu muddada uun kordhiyo hawl kale oo uu dalka u qabtaana aanay jirin.waxaanu ka digaynaa oo si cad u leenahay heshiiskaa Xukumadda iyo Saleebaan kuwada jiraan ee ay doonayaan inay Umaddan iyo qarankan ku curyaamiyaan oo wanaagaa Caalamku Somaliland la doonayo ay kala weyn tahay Muddo kordhintu, waxaanu leenahay anaga waxaa nala wayn in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, in Caalamka aynu raali galino maadaama ay inaga wax inala doonayaan” ayuu yidhi Mr Uurcadde.

Xoghayaha Waddani, waxa uu u soo jeediyay Xildhibaanada Wakiilada u xusul duuban mudo kordhinta iyo xukumadduba inay ka waantoobaan “haddaanu nahay Xisbiga Waddani marna aqbali mayno in maalin lagu daro Doorashada wakhtigeedii.haddii Xukumaddu intay xilkeedii gudan weydo, waliba ay doonto in abaal marin loo siiyo xil gudasho la’aanteeda oo mudada loogu kordhiyo oo ay Caalamka inaga dhex saarto marna yeeli mayno.waxaanu leenahay Saleebaan Oday weyn baa tahay Kursiga dadka qaar aad ugu danaynayso ha eegin ee dalkan iyo dadkan eeg” ayuu yidhi Mr Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured