Fadeexad ka dhacday Xafiiska Xisabaadka Guud (Idaacaddaan gubi …Tv-gaan gubi doonaa… Samaale iyo Siilaanyo midna ma Aqaan Wasiir baan ahay) “Wasiir Cukuse” W/Q. Free lance Cabdi Cumar Salaxley

0
Wednesday October 22, 2014 - 16:59:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad ka dhacday Xafiiska Xisabaadka Guud (Idaacaddaan gubi …Tv-gaan gubi doonaa… Samaale iyo Siilaanyo midna ma Aqaan Wasiir baan ahay) “Wasiir Cukuse” W/Q. Free lance Cabdi Cumar Salaxley

    Fadeexad ka dhacday xafiiska Xisabaadka Guud kharash Voucher iyo Tv-ga oo sifo sharci darro ah ku Cukuse ula baxay……Idaacadaa gubi …Tv-gaan Gubi doonaa… Samaale iyo Siilaanyo ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad ka dhacday xafiiska Xisabaadka Guud kharash Voucher iyo Tv-ga oo sifo sharci darro ah ku Cukuse ula baxay……Idaacadaa gubi …Tv-gaan Gubi doonaa… Samaale iyo Siilaanyo ma
Fadeexad ka dhacday xafiiska Xisabaadka Guud kharash Voucher iyo Tv-ga oo sifo sharci darro ah ku Cukuse ula baxay……Idaacadaa gubi …Tv-gaan Gubi doonaa… Samaale iyo Siilaanyo ma Aqaan Wasiir baan ahay……..Waa hadallo kasoo yeedhayey Wasiir-Cukuse. Maalintii shalay shalay waxaan ku sugnaa xarunta xisaabaadka guud ee qaranka waxaan si kedisa anoo sii galaya I jiidhi gaadhi aan moodayay in ay ciyaal wataan oo si xawaare ah ku socda dariiqa yare e xafiiska xisaabaadka guud iyo xarunta socdaalka taga. Saa waxa kasoo dagay oo wata wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta ee Somaliland M. Cabdilaahi daahir Cukuse oo qaylo kaga soo degay iyo gaadhiga, wejigiisuna badalan yahay. Tallaabada Ayaan hore u dedejiyay si aan u ogaado arrinta muhiimka ah ee wasiirku u socdo ee cadhada intaa le’eg ka keentay. Wasiirku waxa uu isku qaaday xafiiska ku xigeenka xisaabiyaha guud ahna ku simaha xisaabiyaha guud Kayse, gudaha la isla galay sidan ayay hadaladii dhawaaqa dheer ee wasiirka oo albaabku u furnaa igu soo gaadheen ana dhegtaan maalay;Cukuse yidhi : Kayse I raac ama oo Samaale ii raac ama voucheradan ii sii daa Tv-gaXisaabiyaha; Anagu sharcigaanu ku shaqaynaa oo ma samaynayo wax aan sharciga waafaqsanayne haddii aad doonto wasiirka u tag…..Cukuse; Wasiir baan ahay … idaacada iyo Tv-ga waan gubi ……Samaale …Silaanyo midna ma aqaan
Xisbaabiyaha; wasiir shaqo badan ayaa ii taalla ee ha isoo amro wasiirku haddii sidaad doonto laguugu sii daynayo voucheradan…..
Cukuse; wax kalaad ujeedaa waar maanan wasiir ahayn waa ku side……
Dabadeed markii maan maqal hadal kale inta hoos loo wada hadlay ayaa la is raacay nin ganacsade ah oo vouvher ka yaalay Ayaan la socday oo waxaan sugaynaa xisaabiyah inuu noo saxeexo sugnay . Intii Ayaan war doon noqday oo aan waraystay inamadii meesha joogay waxay ii sheegeen in qoraal wasiirku dhawr toddobaad ka hor keenay u ku dalbaday in aanu wax vouchera oo uu saxeexo maareeye —xigeenka oo ah ku simaha maareeyaha Tv-gu in aanu jirin, inkastoo bay yidhaadeen mar kaste wasiirku la saxeexo maareeyaha iyo agaasimaha guud ee warfaafintaba . Waxaanay inyaa iigu dareen wasiiradu ma saxeexaan voucherada waana sharci darro in wasiir saxeexo mid uu damac aga jiro kharashaadka mooyee. Waxaan inamadii waydiiyay waar muxuu ahaa voucherkan uu sitay maanu arag ee hadhow ayaynu ogaan inamadii ayaa galinkii danbe aan wacay waxay ii sheegeen inuu ahaa voucher nin ay saaxiib yihiin uu u qoray oo dhawr kun oo dollar ahaa. Intii aanu meeshii joognay ayuu soo noqdeen iyadoo jawigii kii hore ka badalan yahay oo aad moodo in in wasiirkii maalliyada ee la ii sheegay inuu markii hore hor is taagay la soo qanciyay oo meel kale (xersi) lagala soo hadlay si loogu fududeeyo wasiirka hawshan uu wato, taasi oo ay ka muuqatay in heer wasiir lagu xaliyay arrinkii. Akhriste la soco qaybaha kale ee shalay iyo wixii ka dhacay xarunta Xisaabaadka guud ee qaranka iyo dabagal aan manta ku sameeyay halka ay arrintu ku danbeysay anoo boqday isla maantana xarunta wasaarada warfaafinta si xogo dheeri ah aan u soo helo.……………
Free lance Cabdi Cumar Salaxley
Hargeysa
JSL
cabdisalaxlay@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured