jamacadda New Generation ay ka dhigatay shaqo inay dad suuqa jooga ama jamacadda kale ee nidaamka ilaalinayaa ay u diideen inay qalin jabiyaan ay lacag ka urursadaan, sanad kan oo kaliya waxa dhacday ilaa 35 arday

0
Tuesday October 21, 2014 - 17:44:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    jamacadda New Generation ay ka dhigatay shaqo inay dad suuqa jooga ama jamacadda kale ee nidaamka ilaalinayaa ay u diideen inay qalin jabiyaan ay lacag ka urursadaan, sanad kan oo kaliya waxa dhacday ilaa 35 arday

    Somaliland waxay leedahay wasaarad u xil saaran hasa yeeshee hadii ay ka gaabisay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waxay leedahay wasaarad u xil saaran hasa yeeshee hadii ay ka gaabisay

Sanad ba sanadka ka danbeeya waxa sii siyaadaya dhalinyaradda ka qalin jabinaysa jamacaddaha dalka iyo kuwa dibadda wax ku soo baranaya, taas oo markaad aragto boqolaal arday oo dhamaystay waxbarashadoodii aad ku diirsanayso ahna runtii nimco ilaahay loogu mahad naqo, waxa mahadda labaad leh waalidiinta u suurto galinaya ubadkoodu inay wax-bartaan, kana soo baxaya wajibaadkii ilaahay saaray, xaqna inoogu leh inaynu u ducayno, waxa mahadda labaad leh jamacadaha dalka ee tiradoodu ka badan tahay tobanka jamacadood ee dadaalka muujiyay.

Dulucdaydu waxay tahay lama waayo khalad ka dhaca bini-aadamka, lakiin waxa haboon in la is-tuso isla markaana la saxo, tusaale ahaan waxa jira jamacaddo fara ku tiris ah oo khaladaad sameeya, lakiin waxa ayaan daro ah qaarkood oo u badheeday khaladka, tusaale ahaan waxa dhacday in jamacadda New Generation ay ka dhigatay shaqo inay dad suuqa jooga ama jamacadda kale ee nidaamka ilaalinayaa ay u diideen inay qalin jabiyaan ay lacag ka urursadaan, sanad kan oo kaliya waxa dhacday ilaa 35 arday oo ka kala yimid jamacaddaha ADMAS iyo ALPHA, isla markaan jamacadihii ay dhiganayeen aan ka wadan wax badal ah ayay u fasexeen inay ku qalin jabiyaan Jamacadda New Generation. Dariiqa loo marayaanu uu ahaa oo kaliya lacag bixi hana loo qiimeeyo wax aanay soo dhiganba.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay wasaarad u xil saaran hasa yeeshee hadii ay ka gaabisay waxa haboon in dadka masuulka ka ah jamacadaha ay masuuliyad ka saaran tahay inay ilaaliyaan qawaaniinta iyo xeerarka, waxaan kusoo gaba gaynayaa fadlan ilaahay xasuusta oo ubadka iyo dalka ka daaya luggooyadda.

Allah Mahadleh qoraa axmed nuur axmed [axmed86@hotmail.com]




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured