Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd Oo Shahaado Sharafeed Iyo Xeedho Ku Maamuusay Wasiirka Duulista Somaliland

0
Monday October 20, 2014 - 21:35:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd Oo Shahaado Sharafeed Iyo Xeedho Ku Maamuusay Wasiirka Duulista Somaliland

    Hargeysa (xogreebnews.com_Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd ayaa shaaado sharafeed iyo Xeedho ku maamuusay Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd ayaa shaaado sharafeed iyo Xeedho ku maamuusay Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi. Hargeysa (xogreebnews.com_Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd ayaa shaaado sharafeed iyo Xeedho ku maamuusay Wasiirka Duulista iyo Hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.Dalladan ayaa sheegay in Wasiirka Duulista ay u aqoonsadeen wasiirka ugu waxqabadka badan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, munaasibadan balaadhan oo habeenkii xalay loo qabtay Hotelka Caydiid ee Magaalada Hargeysa.Munaasibadaasi oo si weyn loo soo agaasimeay ayaa waxa ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Wasiir ku xigeenka Shaqada Marwo Shugri Xariir, Agaasimeyaasha Ciyaaraha, iyo Golayaasha, Xildhbaano, Salaadiin iyo marti sharaf kale.Afhayeenka Dalladaasi Mr. Haashin Mahdi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Dalladda dhalinyaradda aqoonyahanka gobolada Hawd, Maroodijeex, iyo Togdheer waxay caawa halkan shahaado sharafeed ku aamuusayaan Wasiirka Duulista Somaliland, oo aanu u aqoonsanay Wasiirka Xukuumadda Somaliland ugu waxqabadka badan, iskama aanu dooran Wasiir Maxamuud Xaashi ee qiimayn iyo u kuurgal aanu wasaaraddaha oo dhan ku samaynay ayuu ka soo baxay, najiitadda daaraasad aanu samaynay ayuu kaalinta koowaad ka galay, hambalyo ayaanu leenay wasiirka, dadaalka halkaas ka sii wad.”Xoghaya Dalldaasi Ayaanle Maxamed Cige oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay ayaa goobta ku soo bandhigay filin kooban oo ka hadlay taariikhda Dalladda dhalinyaradda ee GObolka Hawad, iyo asbaabta ay wasiir Maxamuu Xaashi ugu xusheen Wasiirka waxqabadka.Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ anigu shalay ayaa imid munaasibada hore umaan ogayn, markii lay sheegay ee la yidhi Wasiir Maxamuud ayaa shahadaado la siinayaa, waan farxay, waxaan aqoonsaday inay yihiin dhalinyaro garan kara oo qiimayn kara wixii wadankooda loo qabtay, aad ayaad adeer u mahad san tihiin, Wasiirada kalena sidaas ayaad u qiimayn doontaa, Maxamuudna waxaan leeyahay hawsha halkaas ka sii wad, oo dadaal.”Gudoomiyaha Hay’adda Abaabulka saarka Qaranka ee NDC, Mr. Jamaal Caydiid Ibraahin oo halkaasi ka hdlay ayaa yidhi “ ka Xukuumadda ahaan waxaanu diyaaru nahay tusaalahaas Maxamuud iyo qaar kaleba inaanu halkaas ka sii wadno, iyo in shaqo loo helo dhalinyarada badan ee Jaamacada ka baxaysa, oo sidaa Maxamuud Xaashi dhalinayra badan uu u shaqaalaysiiyey, in loo jiheeyo, aaad iyo aad baan u xusayaa oo aan ugu hambalyenayaa dhalinyarada dalladan.”Agaasimeyaasha Wasaaraddaha Dhalinyaradda iyo Ciyaayaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Agaasimaha Xidhiidhka Golayaasha Maxamed Cali, oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku majeertay waxqabadka uu sameeyey Wasiir Maxamud Xaashi, iyagoo daladaasina ku amaanay sida ay u maamuuseen Wasiirka Duulista.Maamule ku xigeenka Madaarka Hargeysa Nageeye Maxamed Xasan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Wasiirka Duulista ku amaanay shaqo galinta boqolaal dhalinyaro ah oo ka hawl gasha Wasaaradaasi.Suldaan Bare Xaaji Xuseen Caraale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ maanta Horumarka iyo waxqabadku meel kasta oo Somaliland ah wuu ka muuqdaa, Wasiir Maxamuud wuxuu maanta dalka iyo Madaarada ka qabtay waa la ogyahay, Wasaaradda uu dhisyna waad aragteen, inaynu maamusuuno wuu mudan yahay, inaynu amaano wuu mudan yahay, waxa kele oo aan hambalyenaynayaa Madaxweyne iyo Wasiiradiisa sida qiimah leh ee ay dalkan waxa ugu qabteen, dalkani goblan ayuu ahaa, maanta wuu goblan baxay.”Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa iyaduna tidhi “ Wasiirka duulistu bogaadin ayuu mudan yahay, hawshaas uu hayna waa inuu sii laban laabaa isaga oo kaashnayna shaqaalaha Wasaradiisa, Hawlaha madaaradeedna ka socda waa kuwo bilow ah waynu ku faanaynaa wasiirka iyo shaqaalihiina wayxaynu ka codnayaa inay dadaalka siiwadaan waayo hawl badan ayaa u taala, ILAHAYna ha ku garab galo, dhalinyarta Aqoonyahanka ah ee caawa gartay inay waxqabadkaaga bulshada ku baraarujiyaana waan amaanayaa.”Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ka mid yahay Wasiirada uu Madaxweynaha Somaliland uu la helay meelihii uu u magacaabay, waxana uu ka mid yahay raga aanu ku faano, wax kale ugu faano ee waxa aanu ugu faana waxa uu dadkan iyo dalkan u qabatay, iyo sida uu isbadalka ugu sameeyey Madaarada dalka, siday hore u ahaayeen waynu ka garanaynaa, sida ay maanta yihiina waynu aragnay, isbadalka dhacayna waynu ka marag furnaynaa. Waan u hambalynayaa Wasiirka in lagu maamuusay waxqabadka muga leh ee uu miijiyey.”Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan caawa munaasibadan idinka soo qayb galo, waan bogaadinayaa Dallada dhalinyarada ee Gobolka Hawad, wasiirka duulista waan hambalyeynayaa, aad iyo aad ayey u asiibeen inay munaaisbad ku xusaan Wasiirka Duulista, Maxamuud waxaan u malaynayaa wuu ka kasbaday dhalinyaradu inay munaasibada oo kale u qabtaan, waayo Madaaradda dalka oo dhan iyo wasaaraddaba dhalinyaro ayaa ka shaqaysa, Maxamuud sida uu u shaqeeyo laftiisa isagii aya dhalinyaro noqday, hadh iyo habeenba uu jogaa, mar walba wuu taagan yahay.”“ Anigu Madaaro badan oo aduunka ah ayaan arkay, ma dhismaha mise Nidaamka kale?. Dhismaha dee kuwaasi boqolaal sanadood ayey soo dhigayeen keenuna dab yar ma shidayo, laakiin nidaamka kale keenu aad ayuu u wanaagsan yahay, beerta ku taala Madaarka Hargeysa beer la mida oo la qurux ah wali ma arag, imikaan Wasiirka ku lahaa wasiir beertaas waxa wanaagsan inaad Kantaroolka soo gaadhsiiso.”Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo gabagabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Farxad weyn ayey ii tahay inaan caawa xafladan ka soo qayb galo oo aan goobjoog ka noqdo, Yuhuunta iyo niyada wanaagsan leh, waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo dhamaan dadka ka soo qayb galay munaasibadan, si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa dhalinyarada munaasibada soo qabanqaabisay, Dallada guud ee dhalinyarada Aqoon yahaynka Degmada Axmed Dhagax, Gobolka Hawad iyo waxay cagaha ku qaataan.”“ waxaan u qaadanayaa arintan iyada ah dhiiri galin, waxaan qabtay wixii dalku igu lahaa wixii dadku igu lahaa, wax la yaableh oo muscijo ah oo aan saaxiibadan ama Tiimka kale ee Wasiirada ah dheerahayna ma jirto, laakiin dhalinyaradaas arinkooda waxaan u qaadanayaa, niyada wanag, guubaabo iyo dhiiri galin, waxaan is leeyahay waa waxyaabaha dhaqankeeda ka dhiman, bulshooyinka gobta ahi way isku mahadiyaan marka wax la wanaajiyo, qofka waxa la yidhaa waad wanaajisee halkaas ka sii wad.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.Gabgabadii munaasibadaasi ayaa Suldaan Bare Xaaji Xuseen oo ka wakiil ahaa Dallada dhalinyardu uu Wasiirka Duulista gu’doonsiiyey Shahaado sharafeedii loogu tallo galay, iyadoo Garabka Haweenka ee Dalladda Dhalinyarada Aqoonyahanka Gobolka Gobolka Hawd ay iyaguna Wasiirka Duulista ku sharfeen Xeedho dhaqameed, iyadoo uu wasiikuna halkaasi ku gudoomay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured