"Ha Laga Daayo Xag-xagashadda Maayarka Iyo Ku Xigeenka Caasimadda Oo Ha Lagu Gacansiiyo Wixii Horumar Ah Ee Ay Ka Waddan" Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan.–

0
Monday October 20, 2014 - 19:14:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 826
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ha Laga Daayo Xag-xagashadda Maayarka Iyo Ku Xigeenka Caasimadda Oo Ha Lagu Gacansiiyo Wixii Horumar Ah Ee Ay Ka Waddan" Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan.–

    Hargeysa [xogreebnews.com_ Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan [Afey] oo ka mid ah Cuqaasha reer Somaliland, ayaa baaq isagu jira talo iyo hadal waayeelnimo ah u diray xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa [xogreebnews.com_ Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan [Afey] oo ka mid ah Cuqaasha reer Somaliland, ayaa baaq isagu jira talo iyo hadal waayeelnimo ah u diray xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa
Hargeysa [xogreebnews.com_ Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan [Afey] oo ka mid ah Cuqaasha reer Somaliland, ayaa baaq isagu jira talo iyo hadal waayeelnimo ah u diray xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa
ee uu ka dhex-taagan yahay muranka la xidhiidha xil ka xayuubinta ay
ku waddan Xildhibaanaddu Maayarka iyo ku xigeenkiisa.


Caaqilku, waxaa uu sidan ku sheegay Shir-jaraa'id oo uu galabta ku
qabta magaaladda Hargeysa, kaasoo uu sheegay inuu talo waayeelnimo iyo
dar-daaran isugu jirta uu dirayo xubnaha Golaha Deegaanka ee
Caasimadda Hargeysa. Isagoo sheegay in aan loo baahnayn xiligan in la
rido Maayarka iyo ku xigeenkiisa oo uu ku tilmaamay inay u adeegayaan
bulshaddii soo dooratay. Waxaanu u soo jeediyey xubnaha Xildhibaanadda
ah ee ku hawlan inay xilka ka tuuraan labaddan masuul inay ka
waantoobaan ficilka khaldan ee ay waddaan, kuna badelaan taageeridda
horumarka iyo u adeegista ummaddii soo dooratay ee caddceedda iyo
dabaysha u taagnay markii ay codkoodda ku soo dooranayeen. Caaqil
Cabdiraxmaan Afey, isagoo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi "Ha laga
daayo xag-xagashadda Maayarka Caasimadda iyo ku xigeenkiisa oo halagu
gacansiiyo wixii horumar ah ee ay ka waddan Caasimadda wixii toosin
ahi yey noqon waanu idin rideynaa, waxaan qaba in horumarku ku jiro
inay joogaan [Maayarka iyo ku xigeenka]. Iyagana waxaan odhan lahaa
qaata wixii tallo ah ee danta caasimaddu ku jirto, taasoo ah wixii la
idiin soo doortay. Xildhibanadda idiin doortay ee ku wadda jirtaan
Golaha deegaanka ka qaata wixii fikir ah ee wax saxaya, wixii qalad
ah-na si talo-wadaag ah ugu qanciya"
Caaqil Afey, Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu Maayarka iyo
xigeenkiisa u soo jeediyey inay ka shaqeeyaan midaynta Golaha
Deegaanka oo xusay Caaqilku inay muraayad u tahay sharefta caasimadda
iyo kan Xildhibaanimadooda-ba. Sidoo kale Xildhibaanadda looga baahan
yahay inay ku taageeraan horumarka Maayarka iyo ku xigeenka. Waxaanu
yidhi "Ugu danbayntii waxaan idin soo jeedinayaa ku midooba danta guud
ee Caasimadda. Waxaan ku soo gunanadayaa, hadalkayga waanadda iyo wax
u sheega ah oo leeyahay Maayarka iyo ku xigeenkiisu-ba waa inay ka
shaqeeyaan midaynta Golaha deegaanka. Taasaa murayadda Caasimadda
sharef u ah, idinkana Madax-nimadiina sharef u ah kuna hawlgal".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured