Wax Ka Baro Xanuunka Dilaaga Ah Ee Ebola W/Q Dr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Cali

0
Monday October 20, 2014 - 19:06:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Baro Xanuunka Dilaaga Ah Ee Ebola W/Q Dr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Cali

    marka hore waxaan salaamaya shabakadda daacadda ah ee xogreebnews.com- bacda salaan HORDHAC: Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic fever waa xanuun dilaa ah oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marka hore waxaan salaamaya shabakadda daacadda ah ee xogreebnews.com- bacda salaan HORDHAC: Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic fever waa xanuun dilaa ah oo ku marka hore waxaan salaamaya shabakadda daacadda ah ee xogreebnews.com- bacda salaan HORDHAC: Xanuunka loo yaqaano Ebola Virus disease (EVD) oo wakhtiyadii hore loo yaqaanay Ebola haemorrhagic fever waa xanuun dilaa ah oo kudhaca dadka iyo xayawaanka qaar ka tirsan. Qofka uu ku dhacaa wuxuuu badan yahay dhinaca geeridda (qiyaastii 60% dadka xanuunka qaadaaway dhintaan).. Waxa dhaliya ama keena ili-ma qabatay (Virus) looyaqaano Ebolavirus. Markii ugu horaysay ee adduunka lagu arkaa waxayahayd 1976kii oo uu ka dilaacay wadanka koonfurta Sudan hasayeesheewaxaa la ogaaday inuu xanuunkan yahay isla sanadkaa dhamaadkiisii oolagu arkay Congo/Zaire, gaar ahaan agagaarka wabiga Ebola (Ebolariver), waana halka loogu magac daray.Ili-maqabatayga keena xanuunkawaxaa loo qaybiyaa afar nooc oo la kala yidhaaBundibugyo virus (BDBV),Sudan virus (SUDV), Taï Forest virus (TAFV) iyo Ebola virus (EBOV, oowakhtiyadii hore loo yaqaanay Zaire Ebola virus). Waxaa ugu halisbadan nooca loo yaqaan Ebolavirus/Zaire Ebola virus oo ah ka hadda kadilaacay wadamada galbeedka Africa. Xanuunkan hada dilaacay waxa uu kabilaabmay wadanka Gunea ee ku yaal galbeedka Africa horaantii bishiiMarch ee 2014,hadana wuxuu si dhibyar ugu fiday Sierra Leone, Liberia,Nigeria, Senegal iyo daafaha dunida sida Maraykan iyo yurub (Spain).Qaarada Australia wali lama xaqiijin qof xanuunka qaba hasayeesheewaxaa jira dad looga shakisan yahay oo baadhitaan lagu wado. GalbeedkaAfrica oo kaliya wuxuu xanuunku ku dhacay in ka badan sideed kun ooqof (8000), kala badh in ka badan(60%) dadkaasi way geeriyoodeen.Dalka Maraykanka laba qof oo la xaqiijiyey inuu xanuunku ku dhacaybishan October midkood wuu dhintay, kii kalena wali waa la dawaynayaa.Sidaas oo kale dalka Spain laba qof oo la xaqiijiyey inay xanuunkaqaadeen,mid wuu dhintay, kii kalena cusbitaal ayuu ku jiraa.Xanuunkani wuxuu hore uga dilaacay wadamada Uganda, Congo, Sudan,South Africa, Gabon, iyo Cote d'Ivoire.Wakhtiyadii hore xanuunka waxaalagu arki jiray meelaha miyiga ah laakiin hadda wuxuu ka dilaacaymagaalooyinka.SIDEE LAGU QAADAA XANUUNKA?Fiditaanka xanuunka Ebola uma khatarbadna sida xanuunada ku gudbahabka neefsiga. Xanuunkani waxa uu ugudbaa dadka marka dadku xidhiidh(contact) la sameeyo ama jidhka dadku gaadho jidhka ama dareerayaashaxayawaan qaba xanuunka sida daayeerka iyo cayayaanka duul duula eeshimbirta u eeg ee loo yaqaan fruit bat.Marka uu qofku xanuunka qaado ee uu calaamadaha yeesho dadka kale ayuuu sii gudbin karaa. Hababka ugu badan ee la iskugu gudbiyo waxaa kamid ah qof xanuunka qaba oo aad gacanqaado (salaanto).Dhiiga,dhunkashada, candhuufta, mataga, saxarada, ilmada(tears),caanaha naaska, kaadida, manida iyo dhididkana waa lagu gudbiyaa.Sidaas oo kale qofku xanuunka wuu qaadi karaa hadii qofku cunohilibka xayawaan qababa xanuunka. Xanuunku. Waxa kale oo uu ku gudbikaraa isku taga jinsiga. Xanuun dhaliyaha Ebola wuxuu inta badan qofkaka galaa sanka, afka, indhaha iyo nabaradda daloola ee jidhka kuyaala. Dadka ugu badan ee xanuunka qaada waxaa ka mid ah dadkahawlwadeenada caafimaadka iyo dadka xanaaneeya dadka uu xanuunku kudhacay. Waxa kale oo iyaguna xanuunka qaada dadka maydha maydka dadkaxanuunka u dhintay. Hababka kale ee aad xanuunka ku qaadi karto waxaaka mid ah taabashada qalab caafimaad oo sidda xanuun dhaliyaha sidairbadaha iyo siriijyada.Xanuunka Ebola kuma fido, lagumana kala qaado neefsashada , cuntadaiyo biyaha. Haddii qofku uu qabo xanuunka laakiin aanu lahayncalaamado ma gudbin karo, lagamana qaadi karo xanuunka.CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKA EBOLAQofku wuxuu yeelan karaa calamadaha hargabka ama durayga ookale.Calaamadaha ugu horeeya ee xanuunku waxay u eegyihiin kuwaxanuunka kaneecada/duumadda Calaamaduhu waxay soo bixi karaan labamaalmood gudahood marka uu qofku qaado xanuunka. Waxaa kale oo ay soobixitaanka calamaduhu qaadan kartaa saddex todobaad. Calaamadaha laguarko waxaa ka mid ah xumad aad u saraysa, madax xanuun, isgoysyada iyomuruqyada oo xanuuna (joint and muscle aches),daal, calool xanuun,shuban iyo cunto qaadashada qofka oo hoos u dhacda (lack of appetite).Marka uu xanuunku sii xumaado/xoogaysto habdhiska xinjirawga ayaadhaawacma waxaana bilaabma dhiig bax jidhka gudihiisa ah (internalbleeding). Waxaa kale oo bilaabma dhiig ka yimaada indhaha, sanka,dhagaha, ciridka iyo xubinta taranka ee dumarka. Dadka qaar waxaymatagaan/xunqaacaan dhiig, qaar kalena waxay qufacaan dhiig, halkaqaar kalena saxaradooda ay ku arkaan dhiig.Dadka qaar kalena waxaa kasoo baxa finan yar yar(maculopopular rash). Xanuunku meelaha ugu badanee uu saameeyo waxaa ka mid ah beerka iyo kalyaha. Sidaas darteed,dadka xanuunku ku dhaco waxaa dhaawacma beerka iyo kalyaha oo shaqadadhima ama fadhiista,todobaad ama laba todobaad gudahoodna waxaa suurtogal ah inuu geeriyoodo.BAADHITAANKIISASi loo hubiyo in bukuhu qabo xanuunka Ebola waxaa muhiim ah in lagabaadho inuu qabo xanuunada kale ee ay isku eeg yihiin sidaduumada/kaneecada,shubanka iyo viral hemorrhagic fevers . Waxaa haboonin dhiig laga qaado si looga hubiyo viral antibodies, viral RNA orvirus-ka laftiisa. Shaybaadhka ugu fiicani waa ka loo yaqaanpolymerasechain reaction (PCR) iyo enzyme-linked immunosorbent assay (ELISA).


DAWAYNTAMa jirto daawayn rasmi ah oo uu leeyahay xanuunka Ebola, inkasta oohadda loo dadaalayo. Qofka uu ku dhaco xanuunkani waa in laga ilaaliyoinuu fuuq baxo, sidaas darteed waa in la siiyo biyaha loogu tala galay(fluids and electrolytes). Qofka neefsiga ayaa ku adkaan kara, markaawaa in la siiyo Oxygen. Dhiig baxa qofka ku dhacaa dhiiga qofka ayuuhoos u dhigaa sidaas darteed waa in dhiig lagu shubo. Waxyaabaha kaleee qofka la siin karo waxa ka mid ah xumad jabin iyo matagjoojin.Waxaa jira dawooyinka kale oo xanuun dhaliyaha lagula dagaalamowaase tijaabo oo hadda ayaa gacanta lagu hayaa.KA HORTAGAXanuunka Ebola ma laha talaal lagaga hor tagi karo, inkasta oo hadagacanta lagu hayo qaar tijaabo ah. Ka hortaga ugu wanaagsani waa inaanqofku u safrin/socdaalin goobaha xanuunku ka jiro. Waa in qofku kadigtoonaado siyaabaha xanuunku ku gudbo ee aynu kor k soo sheegnay oodhan.Waxa wanaagsan in gacmaha lagu maydho/dhaqo saabuun markasta.Hawl wadeenada caafimaadka ee gacanta ku haya bukaanka qaba Ebola waainay xidhaan qalabka loogu talo galay ee lagu qariyo jidhka, wajiga,indhaha iyo gacmaha (gowns, masks,gloves and goggles) si ay ugahortagaan inay nafdooda halis galiyaan. Bukaha qaba xanuunka Ebola waain meel gaar ah oo ka go,an bukaanada kale lagu daweeyo si loo yareeyoin xanuunku fido (habkan waxaa loo yaqaan kaaraantimayn). Qofkasta oolaga helo xanuunka Ebola waa in la raadiyo lana baadho dhamaan dadkiiuu macaamilka la lahaa.GABO GABO IYO TALOOYIN:Xanuunka Ebola cabsi wayn ayuu dunida ku hayaa. Waxaa la saadaalinayaain tirada dhimashada iyo tirada dadka xanuunka qabaaba ay kor u kacdobilaha soo socda. Waxaaa la isku raacsan yahay in wadamada nidaamkoodacaafimaad liitaa (poor health care system) ugu halis badan yihiinfiditaanka xanuunka.Xanuunka Ebola wuxuu keeni karaa culays dhinacwalba leh oo aanay inta badan qaadi karin wadamada Africa ee maamulxumada iyo dhaqaale la aantu iskugu biirtay.Sidaas darteed, waxaahaboon in bulshada la baro xanuunka si ay u fududaato ka hortagiisu.Sidoo kale waxa muhiim ah in tababar la siiyo hawlwadeenadacaafimaadka, lana sameeyo qorshe dhamaystiran oo lagula tacaaloxanuunka hadii uu dilaaco.DHAMAADDr Mohamed-Culimo Yusuf Aw Calimculimo@yahoo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured