"Cigaal International Airport iyo dadka ka shaqeeyaa midna sidan muu ahaan jirin!, Xukuumadanina waa xukuumadii is badalka iyo Waxqabadka."wasiirka wasaaradda duulista maxamuud xaashi cabdi

0
Sunday October 19, 2014 - 19:09:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cigaal International Airport iyo dadka ka shaqeeyaa midna sidan muu ahaan jirin!, Xukuumadanina waa xukuumadii is badalka iyo Waxqabadka."wasiirka wasaaradda duulista maxamuud xaashi cabdi

    Hargeisa(xogreebnews.com_" Faraxad weyn ayey ii tahay in aan idinkala soo qayab galo munaasibadan qiimaha leh, ee laydinku dhiirigalinayo, madaarkeena oo aynu horumarkiisa iyo wanaagiisa ka shaqaynaa waxa ay guul u tahay guud ahaan qaranka Somal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_" Faraxad weyn ayey ii tahay in aan idinkala soo qayab galo munaasibadan qiimaha leh, ee laydinku dhiirigalinayo, madaarkeena oo aynu horumarkiisa iyo wanaagiisa ka shaqaynaa waxa ay guul u tahay guud ahaan qaranka Somaliland. Hargeisa(xogreebnews.com_" Faraxad weyn ayey ii tahay in aan idinkala soo qayab galo munaasibadan qiimaha leh, ee laydinku dhiirigalinayo, madaarkeena oo aynu horumarkiisa iyo wanaagiisa ka shaqaynaa waxa ay guul u tahay guud ahaan qaranka Somaliland.Madaarkeena oo horumaraa wuxu sare u qaadayaa dalxiisayaasha dalka imanaya iyo dhaqaalaheena, maanta diyaarad caalami ah waxa inoo timaada Ethiopian Airline oo kali ah, si ayanu kuwa kale u kasbano waa in aynu xaqiijinaa Amaanka iyo badqabka madaarkeena, idinkuna hadaad shaqaalaha tihiin waa in aad shaqada aad haysaan dardar galisaan, waana in aad ogsoonaataan inaynu madaarka madaarada gobolka ku dhererinayno.Xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo intii ay tallada haysay is badal weyn ayey madaarkan ka hir galisay, Cigaal International Airport iyo dadka ka shaqeeyaa midna sidan muu ahaan jirin, Xukuumadanina waa xukuumadii is badalka iyo Waxqabadka, waxaa ka markhaati kacaya intaas oo dhalinyaro ah oo labeen ah, oo maanta madaarkii qurxiyey faana maaha taasi, madaarku hore wuxu u ahaan jiray goob lagu Qayilo, ma lihin waxba lagama qaban jirin lakiin meeqaamkii uu joogay aad ayuu u hoosaysay, Qarankuna waa qori isu dhiib, maantana waad arkaysaan halka uu joogo, geeska Afrika waxa kali aha oo inaga horeeya madaarada Adisababa iyo ka Nayroobi, kuwaasna waynu hiigsanaynaa, waynu gaadhi karnaa, waanaynu dhaafi karnaa."ALAA MAHAD LEH.Guul Somaliland, Guul Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured