Xukuumada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Taxadar Ka Muujineyso Weeraro Ay Al Shabaab Ka Geysato Dalkaasi

0
Sunday October 19, 2014 - 18:58:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Taxadar Ka Muujineyso Weeraro Ay Al Shabaab Ka Geysato Dalkaasi

    Muqdisho(xogreebnews.com_)-Xukuumada Itoobiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerarada la sheegay inay qorsheynayaan Xoogaga Al Shabaab, oo ka dagaalama Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_)-Xukuumada Itoobiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerarada la sheegay inay qorsheynayaan Xoogaga Al Shabaab, oo ka dagaalama Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya. Muqdisho(xogreebnews.com_)-Xukuumada Itoobiya, ayaa waxay shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerarada la sheegay inay qorsheynayaan Xoogaga Al Shabaab, oo ka dagaalama Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.Safaarada Mareykanka ee Magaalada Addis Ababa, ayaa waxay toddobaadkii hore ka digtay in Al Shabaab ay maleygeyso weerao argagaxiso, oo ay ka fuliso Degmada Bole ee Magaalada Addis Ababa.Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo lagu magacaabo Amb. Taye Atske Selassie, ayaa wuxuu iftiimiyay marka laga soo taggo warka ka soo yeeray Mareykanka, in dalku uu xasiloon yahay.Wuxuu kaloo sheegay in Dowladda Itoobiya ay ka feejigan tahay weeraro ay xilligaan dalkeeda ka geystaan xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay ku dadaali doonto sidii aysan ugu suurta geli lahayn, inay gudaha u soo galaan Addis Ababa iyo dalka intiisa kale.Afhayeenka oo Magaalada Addis Ababa kula kulmay diblomaasiyiinta ka hawlgasha, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ammaanka dalka Itoobiya uu aad u wanaagsan yahay, lagana feejigan yahay weeraro ay ka geysato Al Shabaab.Al Shabaab, ayaa waxay ku goodisay inay weeraro ka fulin doonto wadamada ay ciidamadu ka jooggaan dalka Somaliya, ka dib markii ay ku dhaliishay inay duulaan qaawan ku soo qaadeen madax banaanida Somaliya.Ciidamada Midowga Afrika, ayaa Dowladda Somaliya ka caawinaaya sidii loo soo afjari lahaa Ururka Al Shabaab, oo lagu eedeeyay mid caadeystay daadinta dhiigga shacabka Somaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured