Gudoomiyeyaaysha Sadexda Xisbi Ee Somaliland Oo Maanta U Ambabaxaya Nairobi, Sababta Loogu Yeedhay Iyo Seefta Beesha Caalamka

0
Sunday October 19, 2014 - 18:53:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyeyaaysha Sadexda Xisbi Ee Somaliland Oo Maanta U Ambabaxaya Nairobi, Sababta Loogu Yeedhay Iyo Seefta Beesha Caalamka

    Hargeysa(xogreebnews.com_Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa la filayaa inay Maanta oo Axadda u duulaan xarunta Dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa la filayaa inay Maanta oo Axadda u duulaan xarunta Dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo ay Hargeysa(xogreebnews.com_Saddexda Guddoomiye ee Xisbiyada UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa la filayaa inay Maanta oo Axadda u duulaan xarunta Dalka Kenya ee Nairobi, iyadoo ay magaalada Hargeysa ka qaadi doonto diyaarad khaas ah oo loo soo diri doono Siday sheegeen xoggo aanu ka helnay illo ku sugan magaalada Nairobi iyo qaar ku sugan Magaalada Hargeysaba, socdaalka saddexda Guddoomiye waxa uu salka ku hayaa yeedhmo uga timid dhinaca Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Kobcinta Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka, isla markaana waxay wararku sheegeen, in lagala hadli doono arrimo la xidhiidha qabsoomidda doorashooyinka iyo dhammaystirka qaban-qaabada sidii ay Doorashadu u dhici lahayd xilligii loogu talo galayWarku waxa uu intaa ku daray, in sidoo kale lagala hadli doono Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo sidii loo bilaabi lahaa, si loo beegsado doorasho dhacda wakhtigeeda. Xoguhu waxa kale oo ay intaa raaciyeen, in dhinaca Qaadhaanbixiyeyaasha Somaliland taageeraya, ay wax kastaaba ka dhan yihiin, oo aanay jirin qabyo la xidhiidha taageerada ay Somaliland ugu talo galeen ee doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod bixiyeyaasha. Hase yeeshee ay werwer iyo walaac ka qabaan dhutis wax u dhimaya hannaanka doorashooyinka oo ay rumaysan yihiin inuu ka jiro dhinaca Somaliland.Inkastoo Xukuumaddu ay hadal ahaan ku celcelisay inay diyaar u tahay, doorashaduna ay dhacayso xilligeedii, haddana, waxay Qaadhaan bixiyeyaashu qawadsan yihiin hakinta Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee uu ku tallaabsaday Gollaha Guurtidu iyo fasaxa dheer ee Guddoomiye Saleebaan ku dhawaaqay ee Mudaneyaashu galeen, taas oo ay Mucaaridku ku tilmaameen xeel siyaasadaysan oo lagu luminayo wakhtiga, si doorashadda loo dhaafiyo xilligii loo qorsheeyey.Sidoo kale waxay Mucaaridku u arkaan tallaabadaa mid ay isugu hiiliyeen Guddoomiye Saleebaan iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay qorshaheeda isla og yihiin. Hase ahaatee Shirguddoonka Guurtidu markuu hakintaa ka hadlayay, wuxuu sheegay in sababta ay u joojiyeen ay ku saabsan tahay, Xeerkii Gollaha Wakiilladu ansixiyay iyo Xeerka loo soo gudbiyey oo is khilaafsan, isla markaana ay ku jiraan Xeerka loo soo gudbiyay Qodobbo aan ku jirin Xeerkii wakiilladu ansixiyeen.Wararka dhinaca muxaafidiinta ka soo yeedhay qaarkoodna, waxay tilmaameen, in Guddoomiye Cirro Xeerkii Golluhu ansixiyey aanuu u gudbin Guurtida, balse uu u gudbiyay mid Qodobbo aan la ansixini ku jiraan, haseyeeshee Guddoomiye Cirro laftiisa ayaa beeniyay arrintaas, kuna tilmaamay Galgallasho loogu qiil samaynayo muddo kordhin. Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo aan ka gaban jirin wax ka sheega madaxweyneyaashii hore ee dalka soo maray, isla markaana mucaaradnimo adag la hor taagnaan jiray, ayaa isna dadka siyaasada iyo hogaaminta Siilaanyo dhaliilaa ku tilmaamaan, nin heshiiskii Gar adag dartii, wixii khaldan afka ka xidha wax kastana ku garab taagan xukuumadda.Dhanka kale, go’aankii ay Wakiilladu ku middeeyeen doorashadda Madaxtooyada iyo ta Baarlamaanka ee ay ansixiyeen in mar la wada qabto, ayaa la tuhunsan yahay in aanay farax gelin Madaxtooyada, isla markaana dadka Siyaasadda fallanqeeya qaarkood waxay rumeysan yihiin, inay xidhiidh leeyihiin dhammaan dhacdooyinkaasi. “Mudaneyaasha Wakiilladu go’aankii ay doorashooyinka isku dul saareen wuxuu ahaa mid danneed oo ay ku xaqiijinayeen inay kusii fadhiyaan Kuraasta oo aanay doorashada Wakiilladu ka horreynin ta Madaxtooyada. Sidaa darteed, Muxaafidiinta Wakiilladu waa inay helaan qiil kale oo ay ku saacidaan Madaxtooyadda”, sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Xeel-dheereyaasha dhexdhexaadka ah ee fallanqaynta iyo Jimaynta Siyaasadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured