UGAASKA DHALLINYARADA BEELAHA GARXAJIS UGAAS AXMED XUSEEN ASKAR OO KA BIYO DIIDAY SHIR LA SHEEGAY IN CADAADLEY LOOGU QABAN DOONO DHALLINYARADA SOMALILAND, KUNA TILAMMAMY MID AAN LOO DHAMMMAYN, DHINACNA U XAGLINAAYA…..

0
Saturday October 18, 2014 - 19:43:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UGAASKA DHALLINYARADA BEELAHA GARXAJIS UGAAS AXMED XUSEEN ASKAR OO KA BIYO DIIDAY SHIR LA SHEEGAY IN CADAADLEY LOOGU QABAN DOONO DHALLINYARADA SOMALILAND, KUNA TILAMMAMY MID AAN LOO DHAMMMAYN, DHINACNA U XAGLINAAYA…..

    17kii October oo ku beegnayd maalinta shuhaddada SNM, ayaa xaafadda Mohmaed Moge ee Caasimadda Hargeisa, lagu qabtay shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen dhallinyarada Beelaha Garxajis ee M.Haibe iyo GAcan Libaax. Ujeeddada iyo dulucda shirkaas aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17kii October oo ku beegnayd maalinta shuhaddada SNM, ayaa xaafadda Mohmaed Moge ee Caasimadda Hargeisa, lagu qabtay shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen dhallinyarada Beelaha Garxajis ee M.Haibe iyo GAcan Libaax. Ujeeddada iyo dulucda shirkaas ayaa lagaga arrinsadey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha adeegga bulshada ee Xaafadaha M.Moge iyo Digaale oo inta badan ay deggen yihiin danyarta ugu badan ee Caasimadda, 17kii October oo ku beegnayd maalinta shuhaddada SNM, ayaa xaafadda Mohmaed Moge ee Caasimadda Hargeisa, lagu qabtay shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen dhallinyarada Beelaha Garxajis ee M.Haibe iyo GAcan Libaax. Ujeeddada iyo dulucda shirkaas ayaa lagaga arrinsadey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha adeegga bulshada ee Xaafadaha M.Moge iyo Digaale oo inta badan ay deggen yihiin danyarta ugu badan ee Caasimadda, waxaana dowladda dhexe iyo Maayorkaba loogu baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka siiba waddooytinka iyo shaqp la’aanta jirta, dowladduna hood u eegto saami qaybsiga , si loo wadaago khayraadka qaran si siman.
Waxa kale oo shirkaas lagu xusay shuhaddadii SNM, iyo waxa kla gudboon dhallinyarada Garxajis difaacista qarannimada So maliland, la dagaallanka tahriibta, falalka amni xumida,ee caasimadda, Balwadaha xun xun , is diiwaangelinta socota, iyo u diyargarawga doorashooyinka soo socda oo lagu baaqay in si siman looga wada qayb qaato. Shirkana waxa lagu taageeray wadajirka iyo midnimada Somaliland.
Ugu dmbayn, waxa shirka soo afjaray Ugaaska guud ee dhallinyarada Beelaha Garxajis Ugaas Axmed Xuseen Askar oo ku dardaaray dhallinyarada iyo shacbiga Somaliland inay ilaashadaan dowladnimada kana fogaadaan wixii ummadnimada, dowladnimada iyo diiintaba nusqaan ku keeni kara.
Ugaas Axmed Xusen Askar, wuxuu halkaas ku caddeeyery inuu ka biyo diidsan yahay shir la sheegay in cadaadley loogu qaban doono dhallinyarada Somaliland, isagoo ku tilmaamaymid aan loo dhammayn, dhinacna u xaglinaaya iyo inaan la garanahaynin cidda ka dambaysa, waxbana aanay kala socon. Ugaasku wuxuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyey in hay’adaha qaranka Dowladda iyo Axzaabtaba si siman oo dhexdhexaad ah loola shaqeeyo, isagoo ku nuuxnuuxsaday in dhallinyarada Garxajis qayb ka yihiin waxa dowladda iyo shacbiga Somaliland isla waafaqsan yihiin sharciyan


Xogreebnews /// Office

Hargeisa Somaliland

By Zeki Adem Zuxufi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured