Doorashada sanduuqa lagu Rido oo ka dhacday Jubbaland,si dimuquradi ah"

0
Saturday October 18, 2014 - 16:53:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 830
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada sanduuqa lagu Rido oo ka dhacday Jubbaland,si dimuquradi ah"

    Kismaayo(xogreebnews.com_ Maanta magaalada Dhoobleey waxaa ka dhacday doorasho tii ugu horeysey oo cod sanduuq lagu rido, sanduuqana lagu kala boxo, waxaa isu soo taagay xilka guddoomiyaha Dhoobleey illaa 6 musharax, waxayna guushu raacday Siyaad Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com_ Maanta magaalada Dhoobleey waxaa ka dhacday doorasho tii ugu horeysey oo cod sanduuq lagu rido, sanduuqana lagu kala boxo, waxaa isu soo taagay xilka guddoomiyaha Dhoobleey illaa 6 musharax, waxayna guushu raacday Siyaad Maxamed Xassan Uleex. Kismaayo(xogreebnews.com_ Maanta magaalada Dhoobleey waxaa ka dhacday doorasho tii ugu horeysey oo cod sanduuq lagu rido, sanduuqana lagu kala boxo, waxaa isu soo taagay xilka guddoomiyaha Dhoobleey illaa 6 musharax, waxayna guushu raacday Siyaad Maxamed Xassan Uleex.Siyaad Uleex Muhiimaddu ma ahan qofka ay guusha raacday iyo kan laga guuleystey, ee muhiimaddu waxa ay tahay dhaqanka ah in doorasho sanduuqa lagu kala boxo, iyada oo aysan jirin is maquunin, sida loo kala awood badanyahay ama loo kala qabiil badanyahay.Waxaa kale oo halkan ka dhalanaya in dadka deegaan kasta ama magaalo kasta ay iyagu soo doortaan qofka ay xil u dooranayaan iyo kan aysan dooranaynin, iyada oo aanan qof loosoo magacaabin.Dadka deegaan kasta markaasi waxa ay xaq u heli doonaan in mas’uulkii aanan shaqadiisa qabsanin ama ku xadgudba mas’uuliyadiisa ay sanduuqa ku eryi doonaan, soona dooran doonaan qofka ku habboon shaqada.Doorashada ceynkan oo kale ah waxa kale oo ka dhalanaya in maamulada loo dhaadhiciyo illaa heer degmo iyo tuulo, waxayna arrinkani daawo ka tahay in meel kasta ay gaarto isku filnaansho, kuna xisaabtanto dakhligeeda iyo dhaqaalaheeda, sidaasina lau gaari karo horumar.Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam oo isagu ah injineer dajiyey naqshadani, hormuudkana ka ah waxa dhacaya oo dhan ayaa goobjoog ka ahaa doorashada.Wuxuu maalmahan ku sugnaa magaalada Dhoobleey, halkaasi oo uu si isdabo joog ah ola kulmayay qeybaha kala duwan ee bulshada si uu afkaartooda u dhagaystoQeybtii ugu dambeysey ee bulshada ee uu maanta la kulmey ayaa ahaa ururada bulshada rayidka ah.Qaabka ay wax u socdaan marka la eego waxaa soo baxaya sawir ah Dhoobleey oo isbadal culus ka socda, iyada oo la jaanqaadaysa dalka intiisa kale, kana abuurmayaan dhamaan kaabayaashii bulshada.xogreebnews.com kismaayo office/soomaaliya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured