Muuse Biixi oo Lagu Badaley Maxamed Kaahin waxaana noo cadeeyey Dad jooga Magaalada Adis Ababa

0
Friday May 17, 2013 - 08:02:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Lagu Badaley Maxamed Kaahin waxaana noo cadeeyey Dad jooga Magaalada Adis Ababa

    Adis ababa (xogreebnews.com- Dhawaanahanba waxaa dalka itoobiya joogey waftigii shaley soo gaadhey dalka UK gaar ahaan magaalada london waftigan oo uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis ababa (xogreebnews.com- Dhawaanahanba waxaa dalka itoobiya joogey waftigii shaley soo gaadhey dalka UK gaar ahaan magaalada london waftigan oo uu Muuse Biixi oo Lagu Badaley Maxamed Kaahin waxaana noo cadeeyey Dad jooga Magaalada Adis Ababa

Adis ababa (xogreebnews.com- Dhawaanahanba waxaa dalka itoobiya joogey waftigii shaley soo gaadhey dalka UK gaar ahaan magaalada london waftigan oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka somaliland mudane c/raxmaan saylici .Dadka ayaa isweydiinaayey sababta ay waftigu mudadaa badan ujoogeen dalka itoobiya walow ay qarinaayeen inuu khilaaf jiro saxaafadana loo diidanaa Huteelka ay waftigu daganyiin inay yimaadaan si aan loo ogaan khilaafka cakirmay ee jira oo aaney ugaadhin shacbiga.

Waxa waftiga ku qornaa dalka uk imanaaya Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna sida naloo xaqiijiyey kusugnaa magaalo madaxda dalka Itoobiya ee Adis ababa waxaana dhacdey in si ula kac ah loogu badaley Maxamed Kaahin oo ah ku xigeenka Muuse Biixi Oo aan waftigu markii ay Hargeysa ka imanaayeen aan lasocon oo laga daba keeney isaga iyo wasiir ku xigeenka wax barashada Cali Jibriil amarkaas oo ka soo baxay madaxtooyada somaliland waxaana halkaasi ka dhashey khilaaf iyo isu hanjabaad iyo wayn oo dib udhigtey inuu waftigani xiligii loogu talo galey soo gaadho Uk waxaase arimahan ka gaabsadey madaxdii oo laftigooda rag badan oo aad iskugu dhawaa kala durkisey kuna kala yimaadeen cadho iyo in leysku hanjabo .


Dhanka kalena waxaa laga yimi xubno kale oo qaar kusocdeen dalka Norway hase ahaatee kuwaa waxaa la siiyey lacag gaadheysa 10,000$ si ay uga hadhaan iyaga laftoodu kumay noqon somaliland oo howlahoodii may bilaabine waxa ay ku sugan yiin dalka itoobiya waxaana la sheegey oo naloo cadeeyey in ay halkaa inata ay lacagtaa ku dhameynayaan joogayaan ahaana yaana dalxiisayaal kuna dhameystaan daawashada magaalada iyo kilaabyada .
waxaana markasta dhacda in wafti marka uu soobaxayo dadka lasoo wada diro balse marka ay adis ababa yimaadaan ay dowladu ama xukuumada somaliland si aan iyaga eedi uga raacin ayaa inta ay dooneysana way soo gudbiyaan inata kalena waxay ku qanciyaan in ay safaaradu udiidey fiisaha. Xukuumadan Cusub ee kulmiye ayaa ah mid iyada inta badani baasaboor heysata inta aan heysana ku baratanta in layidhaa hebel wuxuu tagey qurbaa oo moodaaya wax faana waana cudurada iyo ceebaha cusub ee dowladan lasoo Darsey ama ah horumarka waxa ay uheystaan shacbiga somaliland gabagabdii waxaa naloo xaqiijiyey in muuse biixi isaga loo direy meel aanu karaali aheyn balse ilaa hada lama hubo xagii loo direy iyo inuu baxay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured