Dhacdo Layaab Leh: Wiil Dhalinyaro ah oo kunool Magaalada Muqdisho oo iska jaray Xubinta Taranka Raga

0
Wednesday October 15, 2014 - 16:26:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Layaab Leh: Wiil Dhalinyaro ah oo kunool Magaalada Muqdisho oo iska jaray Xubinta Taranka Raga

    Muqdisho(xogreebnews.com_Wiil 19-sano jir ah oo kunool Xaafada Ceymiska ee Degmada Yqashiid ayaa lagu soo waramayaa in uu iska jaray xubinta Taranka raga, kadib markii wiilkaan ay lasoo daristay xaalado caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Wiil 19-sano jir ah oo kunool Xaafada Ceymiska ee Degmada Yqashiid ayaa lagu soo waramayaa in uu iska jaray xubinta Taranka raga, kadib markii wiilkaan ay lasoo daristay xaalado caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale. Muqdisho(xogreebnews.com_Wiil 19-sano jir ah oo kunool Xaafada Ceymiska ee Degmada Yqashiid ayaa lagu soo waramayaa in uu iska jaray xubinta Taranka raga, kadib markii wiilkaan ay lasoo daristay xaalado caafimaad daro iyo dhibaatooyin kale.Cali Cabdulaahi Colaad, oo Abti u ah Wiilkan Xubinta taranka iska jaray ayaa Warbaahinta u sheegay in Dhibaato xoogan ay hada heesato Wiilkan , waxa uuna tilmaamay in Sakiin uu isaga jaray xubinta taranka kadib markii ay lasoo daristay xaalad caafimaad daro.‘’Wiilkan waa 19-sano jir waxa uuna mudo la jiifay dhibaato caafimaad darao , waxa uu ka dhacay gaari waxa uuna ka jabay laf dhabarka taa oo keentay in dareenka hoose dhan uu ka tago, Isbitaalo kuyaala Muqdisho ayaan geynay oo mudo ku jiray waxna wey u qaban waayeen waxa ayna kasoo saareen Isbitaaladooda , waxaana markii dambe la iska geeyay gurigiisa, hadana xaalkiisa aad uu u xun yahay’’ Ayuu Yiri Cali Cabdulaahi Colaad.Waxa uu intaa raaciyay Cali Cabdulaahi Colaad in Wiilkan markii ay wareesteen uu u sheegay in nolosha uuba nacay maadama ay heesato dhibaato xoogan sidaana uu u go’aansaday in uu iska jaro xubinta taranka Raga.‘’ Wiilkan xaalkiisa waa ay sii xumaaneysay nolosha ayaana ku adkaatay waxa uuna wiilal yar oo u tagay u dirsaday sakiin markii loo geeyayna waxa uu iska jaray Xubinta taranka, markan weydiinay sababta ku kaliftay waxa uu noo sheegay in nolosha aysan dhadhan u laheen uuna ku jiro dhibaato xoogan sidaana ay ku kaliftay in uu xubinta taranka iskaga jaro’’ Ayuu yiri Cali cabdulaahi Colaad.Wiilkan Dhibanaha ah ayaa hada waxaa heesta xaalad ka daran midi hore , waxa uuna la dhibtoonayaa dhibkii horey u gaaray iyo waliba dhibkan kale uu isku geestay , waxa uuna sheegay ninkan abtiga u ah Wiilkan in ay ku adagtahay in ay wax u qabtaan Wiilkan dhibanaha ah .Dhacdadan ayaa noqoneysa mid kamid ah Dhacdooyinka xanuunka badan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho , waxa ayna dad badan oo arintan maqlay ama arkay ku tilmaameen wax aad looga naxo dhibka isugu darsamay wiilkan dhalinyarada ah.Muqdisho-office xogreebnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured