UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixin Fadeexad Ku Ah Madaxweynaha Somaliya Kuna Sheegtay In La Taliyihiisu Hubka U Geeyo Al-Shabaab

0
Wednesday October 15, 2014 - 16:20:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UN Monitoring Group Oo Soo Saartay Warbixin Fadeexad Ku Ah Madaxweynaha Somaliya Kuna Sheegtay In La Taliyihiisu Hubka U Geeyo Al-Shabaab

    Muqdisho(xogreebnews.com_Kooxda baadhayaasha Qaramada Midoobay ee UN Monitoring group ee qaabilsan Somaliya iyo Ereteriya, ayaa soo saaray warbixin fadeexad ku ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sheegaysa in la taliyihiisa gaarka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Kooxda baadhayaasha Qaramada Midoobay ee UN Monitoring group ee qaabilsan Somaliya iyo Ereteriya, ayaa soo saaray warbixin fadeexad ku ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sheegaysa in la taliyihiisa gaarka Muqdisho(xogreebnews.com_Kooxda baadhayaasha Qaramada Midoobay ee UN Monitoring group ee qaabilsan Somaliya iyo Ereteriya, ayaa soo saaray warbixin fadeexad ku ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sheegaysa in la taliyihiisa gaarka ahi uu xidhiidh wada shaqayneed la leeyahay kooxda Al-Shabaab.Warbixin ay UN Monitoring group soo saareen oo ay u gudbiyeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakaaladda wararka ee Reuters aragtay, ayaa waxa qayb ka mid ah ku jira in Mr. Muuse aaji Maxamed Ganjab oo ku magacaaban la taliyaha gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hub lagu caawiyay dawladda Somaliya u leexiyay dhinaca kooxda Al-Shabaab.Mr. Ganjab oo sidoo kale ah ganacsade caan ah, ayaa waxa ay kooxda UN Monitoring group ku eedaysay inuu hubkaas u gudbiyay Al-Shabaab. “Monitoring group waxay heshay cadaymo muujinaya in Muuse Ganjab oo ah la taliyaha Madaxweynaha uu hub u weeciyay Al-Shabaab iyo ciidamo aan ciidamada ahayn.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanay intaas raacisay in hubka dawladda Somaliya loogu deeqo la geeyo suuqyo gaar ah, iyadoo ay dawladdu ku doodo inay ka hortagto arrimahaas.UN Monitoring group waxay soo bandhigtay email ay sheegtay inay cadaymo u yihiin inuu Mr. Ganjab hub u leexiyay Al-Shabaab.Muuse Ganjab oo email u diray wakaalada wararka ee Reuters ayaa beeniyay eedaymaha loo haysto, waxaanu guddoomiyaha Kooxda UN monitoring group Mr. Jarat Chopra ku eedeeyay inuu qasayo dalka Somaliya.Geesta kale diblomaasiyiin la hadlay wakaaladda Reuters, ayaa sheegtay in arrintan ay soo saareen kooxdan Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto shakiga laga qabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisa. Waxaanay qaadhaan bixiyayaasha ku abuuri doontaa walaac la xidhiidha halka ay deeqahoodu ku dambeeyaan.Qaramada Midoobay ayaa dhawr goor Mr. Ganjab ku eedeeyay inuu si sharci darro ah uga ganacsado hubka.Muqdishooffice xogreebnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured