Yuu Matalaa? Yuu Wax Taraa? Qormooyin taxane ah (Qaybtii 3-aad) By: Sakaria Abdi Sulub

0
Wednesday October 15, 2014 - 16:06:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuu Matalaa? Yuu Wax Taraa? Qormooyin taxane ah (Qaybtii 3-aad) By: Sakaria Abdi Sulub

    “Wuxuu wasiirku ka cadhooday in aan ra’yigeyga cabiro oo aan ku amaano Cali Warancade shaqo fiican oo uu qabtay”Xilka masuuliyadeed iyo wadaniyada ayaa ku fareysa in mararka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Wuxuu wasiirku ka cadhooday in aan ra’yigeyga cabiro oo aan ku amaano Cali Warancade shaqo fiican oo uu qabtay”Xilka masuuliyadeed iyo wadaniyada ayaa ku fareysa in mararka “Wuxuu wasiirku ka cadhooday in aan ra’yigeyga cabiro oo aan ku amaano Cali Warancade shaqo fiican oo uu qabtay”Xilka masuuliyadeed iyo wadaniyada ayaa ku fareysa in mararka qaar aad iskaa u shaqeyso si aad uga hortagto waxkasta oo hadimo iyo dhibaato ku ah dalkaaga iyo qarankaba.Anigoo taas ka duulaya ayaan u kacay islamarkaasna abaabulay shirar si aan ugu qanciyo waxgarad, odayaal iyo xubno firfircoon oo ka mid ah bulshada reer Hargeysa, gaar ahaan xaafadihii ka mudaharaaday biyo la’aanta.Markaas ujeedadeydu waxa ay ahayd in aan isku soo dhaweeyo maamulka/dowlada iyo bulshada. Sidaasi derteed waxa aan u sheegay in shir jara’id la qabto oo la muujiyo dareenka dhabta ah.Kaas oo ahaa mid ka madax banaan siyaasad, mucaarad iyo cid kastoo ujeedooyin kale lehba.Waxa aan u soo bandhigay in loo mahadnaqo madaxdii maalintaa u guntatay sidii ay u joojin lahaayeen rabshadahaasi.Waxa xusid mudan wasiirka arimaha gudaha JSL. Mudane Cali Maxamed Waracade oo isagu maalintaa bilad sharaf ku helay dhacdadaas kadib markii la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen masuuliyiinta ama wasiirka dhiga Cali ah ee ku maxaafsada inuu matalo bulsho aanu arxan uhaynin ehelna u ahayn.Bal dib u eeg markii rabshadu faraha ka baxday ee daryanka rasaastu ay magaaladu la gariirtay.Wasiir warancade ayaa inta uu gaadhigii iyo ciidankiisii ilaaladaba iska diray isaga oo uu weheliyo taliyaha ciidanka booliska Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo isagu aad uga taxadaray in khasaare soo gaadho dadka rayidka ah.Wasiirku waxa uu lug ku dhexmaray goobihii qaaca iyo ololku qariyay iyo wadooyinkii ay dadku gooyeen.Wuxana amakaag noqotay in dhalinyaradii iyo haweenkii xanaaqsanaa ee cabanayay ay marqudha ku nexeen wasiirkii arimaha gudaha oo badhtanka ugu jira, waxa ayna bilaabeen inay sacab iyo mashxarad ku qaabilaan lana banneeyaan wadooyinkii ay gooyeen.Wasiirku waxa uu u balan qaaday dadkii in uu xallinta khillaafka uu isagu faragalinayo.f Booyadihiina uu la soo kulmay oo isla imaka ay biyihii u dhaamin doonaan, arrintana wada hadal lagu dhameyn doono.Halkaas ayuuna si fudud ugu dhamaaday filinkii shacabkii cabanayay iyo maamulkoodiina isku afgarteen.Hadaba waxa fajiciso igu noqotay fikirkaygii noocaa ahaa ee aanay xumaantu ku dhex jirin in uu wasiirka warfaafintu Cabdilaahi Cukuse cudur ka qaado oo uu igula colloobo. Waxa ayna taasi ii horseeday inuu wasiirku si kabaxsan diblamaasiyada geeska iigaliyay kuna carqaladeeyay shaqadeydii sifo sharci darro ah.Taas oo aan iiga duwaneyn xaq duudsigii aan kala kulmay nidaamkii Daahir Rayaale ee umadu wada ogeyd, balse tani waxa ay ahayd mid aanan fileyn. Maamulka iyo xukuumada talada haysana aanan ka fileyn. Kamase hadhi doono in aan cabashadeyda horgeeyo meel kasta oo ay khuseyso.La soco qeybaha dambe……By: Sakaria Abdi SulubSenior journalistEmail: sekriasulub@gmail.comMob: +252 63-441-3932


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured