"Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Yaal" W/Q Fouad Abdisalam
Salaamu Laahi Caleykum.
Waa ii Farxad in maanta laga hadlo ama laga fikiro sidii dalkeena hodanka ah ee Somaliland Maalgashi Shisheeye Loogu heli lahaa, taas oo fursad weyn u ah shacabka somaliland lagana dhaxli karo xalinta ama daboolida dhibaatooyin heysta Bulshada oo Shaqo la'aanto kow ka tahay.
Salaamu Laahi Caleykum. Waa ii Farxad in maanta laga hadlo ama laga fikiro sidii
dalkeena hodanka ah ee Somaliland Maalgashi Shisheeye Loogu heli lahaa, taas oo
fursad weyn u ah shacabka somaliland lagana dhaxli karo xalinta ama daboolida
dhibaatooyin heysta Bulshada oo Shaqo la'aanto kow ka tahay. Somaliland Mudadii dhawr iyo labaatanka sanno ah ee ay jirtey,
Waxaa ka hano qaadey hab iyo hanaan dheerigalin kara maalgashiga shisheeya
xoojineyna maalgashigii Ganacsadayaasha Somaliland dalka ay ka Geysteen,
Inkastoo la odhan karin somaliland waxay gaadhey heer isku filaansho dhinac
walba ah hadana waxaa abuurmey jaanisyo badan oo horumar dhaqan dhaqaale laga
sameyn karo. Fursadaha maalgashiga ee Somaliland Yaal waxaa ugu Muhiimsan: 1.Kheyraadka Badda iyo
Kalluumaysiga Somaliland waxay leedahay Xeeb dheer oo dihin taas oo ah hantida
ma guurtada ah ee shacabka reer somaliland ku faanaan, Balse ay Moogan yihiin
oo aaney ka faaideysan, Xeebta dheer ee somaliland waxay suurogalin karta in
lagu sameeyo maalgashiye balaadhan oo wax soo saarkiisu gaadhi karo wadamada
Geeska africa oo qaarkood aaney lahayn bad sida Ethiopia oo kale. Sidoo kale
ka faaideysiga kheyraadka bada iyo maalgalinteedu waxay shacabku ka heli
karaan kor u kac nololeed iyo horumar qaran waxayna noqon karnaa ilo
nololeed oo muhiim ah oo dheelitiri karta shacabaka maanta inta ugu badan
ku tiirsan yihiin xoolaha nool. Maalgashiga kheyraadka bada iyo kallumeysigu wuu noocyo badan
yahay waxaa hirgalin karaa warsahado waaweyn oo casri ah oo geeska africa
gaadhsiin kara wax soo saarka dalka. 2. Maalgashiga Xoolaha Nool Xoolaha nooli waa laf dhabarta dhaqaale ee maanta somaliland ku
tiirsan tahay, 70% shacabka somaliland waa xoolo dhaqato manaafacadsada xoolaha
nool iyo wax soo saarkooda sida Caanaha iyo hilibka. Waa qeyb muhiim ah oo u
baahan in la maalgaliyo lana horumariyo, lagana faaideyso inta habab kala duwan
loo sameeyo oonta xoolaha nool. 3. Maalgashiga Beeraha Beeruhu ugu horeyn ba waa il cunto oo muhiim ah. dalalka
adduunka ee beeraha ka horumarayna waa kuwo dhaqaale ahaan xoogan oo kobcay.
marka xiga beeruhu waxay sababaan kacdoon warshadeed oo hirgala. taas waxay
sababtaa in waxsoosaarka guud ee waddanku kobco oo koro. Sideynu ognahay maanta in badan cuntada dalka lagu isticmaalo
waxaa laga keenaa dibadaha, taas oo dhibteeda leh inaga dhigtey wadan ku
tiirsan mar walba wadamo kale, horumarinta iyo maalgashiga beeraha iyo wax soo
saarka dalku wuxuu sahli kara in aynu isku filnaasho gaadhno, noqonana umadda
isku tiirsan oo leh gacmaheeda ku heysata cuntadooda iyo quutal daruurigooda. Saddexdaa Ilood ayaa maanta somaliland u baahan in loo helo
maalgashi balaadhan, Loogana faaideysto shirka14 October
2014ka furmaya London ee lagaga Hadlayo Ganacsiga iyo maalgashiga
somaliland. Waa fursad aad u qaali ah Mudana in aan la dayicin beesha
caalamka iyo indhaha aduun weynaha lagu soo jeediyo fursadaha balaadhan ee
somaliland yaal. Shirkani hadii sida ugu haboon looga faaideyso waxaa Jaaniskii
ugu fiican ee somaliland guud ahaan intey jirtay ay heshay, Waxana yaala maanta
shirkaas fursadii lagu heli lahaa maalgashi baalaadhan.s Ictiraaf in la helo waxaa ka muhiimsan in kor loo qaado
horumarka dalka dadaalna loo galo sidii somaliland loogu heli lahaa fursado la
mid ah kuwan maalgashiga, beesha caalamkuna inaga aqbali karto wadankeena iyo
dalkeena ku horumarin karno. Waad Mahadsan tihiin Waxa Qoray Fouad Abdisalam Xogreebnews/Office Hargeisa By Zeki Adem Zuxufi Leave a comment |
|
"Fursadaha Maalgashi Ee Somaliland Yaal" W/Q Fouad Abdisalam
Salaamu Laahi Caleykum. Waa ii Farxad in maanta laga hadlo ama laga fikiro sidii dalkeena hodanka ah ee Somaliland Maalgashi Shisheeye Loogu heli lahaa, taas oo fursad weyn u ah shacabka somaliland lagana dhaxli karo xalinta ama daboolida dhibaat