taageerayaal maw-jado ah oo si layaab-leh usoo dhoweeyeey,masuuliyiinta xisbiga Ucid,masuuliyiinta Gobolka oo saas-ka qaaday

0
Monday October 13, 2014 - 19:41:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    taageerayaal maw-jado ah oo si layaab-leh usoo dhoweeyeey,masuuliyiinta xisbiga Ucid,masuuliyiinta Gobolka oo saas-ka qaaday

    Burco(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Wafti culus oo uu horkacaayay oo mudooyinkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Wafti culus oo uu horkacaayay oo mudooyinkii

Burco(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jagada Madaxtinimo ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Wafti culus oo uu horkacaayay oo mudooyinkii u danbeeyay iskaga dab-qaadaayay gobolada Somaliland ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer .

UCIDBurco1

Waftigan Jamaal Cali Xuseen hugaaminaayay oo ay ka mid ahaayeen Ku Xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Enj: Faysal Cali Waraabe ,Gudoomiye Ku Xigeenka Sedexaad ee Xisbigaasi Muj: Cali Guray iyo masuuliyiin kale ayaa Magaalada Burco si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay ,waxaana arintan Sas weyn ka qaaday Masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo ee gobolka Togdheer.

UCIDBurco2

Masuuliyiintan Ucid oo qisdigooda Burco daar-naa sidii ay u dardargalin lahaayeen qaybaha Xisbiga ee gobolka Togdheer ayaa xadhiga ka jaray Xafiisyo kala duwan oo ay Burco ka furteen.

Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ,Gudoomiyaha Xisbigaasi Enj: Faysal Cali Waraabe iyo Muj: Cali Guray oo la hadlay taageerayaashooda iyo Dadweynaha reer Burco ayaa si weyn uga mahadceliyay sidii baaxada lahayd ee ay usoo dhaweeyeen.

Waxaaney Xukuumada ugu baaqeen in ay joojiso durbaanada beenta ah ee ay tumayso ee ay ku doonayso in ay bulshadda iyo doorashadda ku khal-khaliso ,kuwaasi oo ay mar-na odhanayso Siilaanyaa Sharaxan ,mar-na wuu tanaasulay.

Waxaaney cod-dheer ugu sheegeen Xukuumadda in ay doorashadda qabato xiligii loogu talogalay ama Siilaanyo ha sharax-naado ama hayska tagee.

UCIDBurco3
Geesta kale Masuuliyiinta Xukuumadda ee gobolka Togdheer oo awal hore Wasiir Xirsi iyo Aamina Waris ku amri jireen in ay carqaladeeyaan hugaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ee gobolka yimaada ayaa Saaka markii ay arkeen ama u adkaysan-waayeen Cududa iyo Baaxada taageerayaasha Ucid ee Waftigan soo dhaweeyay inta ay Barkimooyin dhigteen iska seexday isla markaana aan guryahooda ka soo bixin.

Waxaaney arintani cadaynaysaa niyad jabka iyo quusta ku habsatay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee taageeradii bulshadda iyo tii caalamkaba wayday.

UCIDBurco4

Waxa xusid mudan Waftigan Xibiga Ucid ee Burco yimi ayaa ah kii ugu balaadh-naa ee gobolkaa si yimaada isla markaana waxay ku sugnaan doonaan maalmaha soo socda ,halkaasi oo ay kulamo kala duwan kula qaadan-doonaan waxgaradka iyo hormuudka gobolka Togdheer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured