Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Isku Daba Maray Beeninta Tanaasulka Siilaanyo Iyagoo Ka Muquurtay In Ay Ka Jawaabaan Dhawaqa Ka Soo Yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade

0
Monday October 13, 2014 - 19:05:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Isku Daba Maray Beeninta Tanaasulka Siilaanyo Iyagoo Ka Muquurtay In Ay Ka Jawaabaan Dhawaqa Ka Soo Yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade

    Hargaysa:(xogreebnews.com_) Xukuumadda Somaliland oo xanbaarsan xisbi xaakimka KULMIYE Ayaa waxa ay si isku mid ah u beeniyay warar sheegayay in madaxweyne Axmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:(xogreebnews.com_) Xukuumadda Somaliland oo xanbaarsan xisbi xaakimka KULMIYE Ayaa waxa ay si isku mid ah u beeniyay warar sheegayay in madaxweyne Axmed
Hargaysa:(xogreebnews.com_) Xukuumadda Somaliland oo xanbaarsan xisbi xaakimka KULMIYE Ayaa waxa ay si isku mid ah u beeniyay warar sheegayay in madaxweyne Axmed siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimadii xisbiga KULMIYE ee 2015 .
warkaas oo ay baahiyeen maalintii sabitidii labada Wargeyse ee ku caanbaxay had iyo jeer in ay soo gudbiyaan warar xaqiiqada ku salaysan ee Geeska Afrika iyo Ogaal .
labada jariiradoo oo warkan ka soo helay illo wareedyo ka agdhaw siilaanyo ayaa ku sheegay in madaxweyne siilaanyo aanu sanadka isku soo sharaxi doonin kursiga madaxtinimada xisbiga KULMIYE ee uu ka tanaasulay kuna hawlanyahy sidii uu u soo xulilahaa cidii isaga badeli lahayd ,
kadib markii ay subaxii warkaasi soo daabaceen labada wargeys ee Geesk Afrika iyo Ogaal ayaa waxa isla habeenimadii ka jawaab celiyay qasriga madaxtooyada somaliland oo war-saxafadeed ka soo saaray ay ku beeninayaan warkaas ,iyagoo si cad u sheegay in aanu madaxweyne siilaanyo ka tanaasulin hankiisii ahaa in uu mar labaad isa soo sharaxo .intaa ka dib ayaa hadana waxa isla shalay ka hadlay arinkaasi wasiir ku-xigeen wasaarada warfaafinta iyo xoghaya guud ee xisbiga kulmiye jaamac shabeel .halka uu goordhaweydna ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse biixii Cabdi
muuse biixii, jamac shabee, iyo wasiir ku xigeen warfaafinta ayaa waxa ay ku xejiyeen saddex-dooduba carabka in aanu tanaasulin madaxweyne siilaanyo waxanay u muuqdaan kuwo xoojinaya war-saxafadeedkii ay madaxtooyada kasoo saartay arinkaas .
Dhanka kalen waxa ay tahli kari wayeen xukuumada iyo xisbiga kulmiye inta ay ku mashquusan yihiin beeninta wararka lagu sheegay tanaasulka siilaanyo .in ay ka jawaabaan hadalka xanafta leh ee ka soo yeedhay siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo horay ugu tirsanaan jiray xukuumada siilaanyo hadana ka tirsan maamul goboleed somaliya ee putland .xaabsade oo shir ka dhacay magaalada garowe sabitidii ka jeediyay khudbad dheer oo uu ku aflagaadaynayo gooni isu taaga iyo madaxbannaanida somaliland isla markaan wuxuu xaabsade ka sheegay goobta in aanay Somaliland iyo Somaliya wada hadlin karayn ilaa la ogaysiiyo beesha dhulbahanta waxana uu ku celceliyay in ay shirkan qayb ka noqdaan haddii kale uu noqondoono shir beeleed .ma jirti ilaa hada cid ka fal celisay hadal kaas ka soo yeedhay xaabsade .
isku soo wada duuboo waxa ay u muuqataa in xuukuumada iyo xisbigeedu ka muqurteen in ay Ka Jawabaan dhawaqa ay dhibsedee dhegaha shacabka somaliland ee ka soo yeedhay Axmed Cabdi Xaabsade.
cource oodweynenews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured