Waxa aan aad iyo aad uga xumahay sawiradii foosha xumaa ee uu soo ban-dhigay TV-ga qaranka Somaliland munaasibadii ciiddii barakaysnayd ee carrafo

0
Sunday October 12, 2014 - 20:11:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa aan aad iyo aad uga xumahay sawiradii foosha xumaa ee uu soo ban-dhigay TV-ga qaranka Somaliland munaasibadii ciiddii barakaysnayd ee carrafo

    Waxa aan aad iyo aad uga xumahay sawiradii foosha xumaa ee uu soo ban-dhigay TV-ga qaranka Somaliland munaasibadii ciiddii barakaysnayd ee carrafo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan aad iyo aad uga xumahay sawiradii foosha xumaa ee uu soo ban-dhigay TV-ga qaranka Somaliland munaasibadii ciiddii barakaysnayd ee carrafo
Marka ay umadi la soo shaac-baxdo ee ay dibada soo dhigto dambiyo iyo macaasi Ilaahay SW cadho gelinaya, ee ay qarsan waydo macaasidaasi iyo dambiyadaas, waxa aad ogaataa in ay umadaasi qarka u saaran tahay in uu ku habsado hoog iyo halaag Ilaahay ku keeno (Ilaahay ayaanu ka magan galaynaaye). Hadaba hadii aad aragto geyi aan macaasida laga xishoon oo banka la soo dhigo, ka guur oo ka fogow inta aad ka fogaan karayso, waayo, waxa hubaal ah geyigaasi in ay ka dhici doonaan mu’aamarado lagu le’do iyo masiibooyin lagu hoobto oo ay sabab u noqotay cadhada ilaahay laga cadhaysiiyey.
Hadaba hadalladan calaan-calka iyo muusanowga iskugu jira waxa igu kallifay, kadib markii aan arkay TV-ga qaranka Somaliland oo habeenkii barakaysnaa ee ciidul- adxada (carrafada) la soo ban-baxay oo shaashada soo dhigay dumar aan qaabkooga dhar qaadashadu asturnayn, indhahana aanu u roonayn, kuwaas oo aanan jeclayn in aan halkan magacyadooda ku xuso. Qaab labbiska foosha xun ee ay dumarkaasi u labbisnaayeen waxa ka mid ahaa iyaga oo sararaha iyo sinahaba soo banneeyey oo aan cawradooda wax badan oo u qarsooni aanay jirin. Waxa ay ayaan darrada ka weyni ahayd iyada oo raggii sawir qaadayaasha ahaa ( Camera man) ay si aan xishmad iyo xishood midina ku jirin kolba daawadayaasha u dareensiinayeen cawrada dayacan ee dumarkan, kuwaas oo aan marnaba kamarada ka dul qaadayn qaybaha cawradan ee dayacan, iyaga oo aan dhaadayn in goobta ay u shaqaynayaan uu yahay TV-gii qaranka ee dalka (waxaana laga yaabaa in lagu amray in ay qaabka noocan ah wax u sawiraan), TV-ga qaranka oo ah muraayad laga dhex arki karo hab-dhaqanka iyo nolosha bulshada uu afkooga ku hadlo ama qarankooga u hadlo. Ma lihi maxaa ay arrintani u dhacday, laakiin waxa aan leeyahay mar dambe yaanay dhicin, hadii ay dhacdana aniga iyo shacabka reer Somaliland-ba bari ayaanu ka nahay falalkaas ay ku kacayso xukuumada Somaliland iyo TV-ga ay maamushaaba, raallina ka noqon mayno in daawashooyin ( Videos) noocan ah, oo qaabka caynkan ah u akhlaaq iyo asluub xun laga soo daayo TV-ga ku hadla magaca qarankayaga.
Ugu dambayn waxa aan leeyahay xukuumaddu ha ka digtoonaato wixii diinteenna sharafta badan dhaawici karaya in ay dibadda ula soo baxdo, hana ka joojiso umadda asluub xumada ay iyadu calanka u hayso. Allaa mahad leh.
Waxa qoray: Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Sharma’arke.
Mahamed1454@hotmail.com
Mahamedabdirahman72@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured