Wariye C/Risaaq Jaamac Cilmi (Black) Oo Maanta Dhaawac Culus Loogu Geystay Magaalada Muqdisho

0
Sunday October 12, 2014 - 18:59:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye C/Risaaq Jaamac Cilmi (Black) Oo Maanta Dhaawac Culus Loogu Geystay Magaalada Muqdisho

    Muqdisho(xogreebnews.com_Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in maanta dhaawac culus loogu geystay Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black), oo ka tirsanaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in maanta dhaawac culus loogu geystay Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black), oo ka tirsanaa Muqdisho(xogreebnews.com_Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaaya in maanta dhaawac culus loogu geystay Wariye C/risaaq Jaamac Cilmi (Black), oo ka tirsanaa Telefishinka Somali Channel.Wariyaha oo muddooyinkaan dambe ahaa Agaasimaha Telefishinka Somali Channel ee Somaliya, ayaa waxaa barqanimadii lagu dhaawacay afaafka hore ee hoygiisa, oo ku yaala xaafada Black Sea ee Degmada Hodan.Xoogag gaari nooca raaxada ah la socday, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday Suxufiga, waxaana lala dhaawacay barre jaamacadeed oo markaasi ay wada fadhiyeen Suxufiga, iyadoona magaciisa lagu sheegay Injineer Maxamed Yuusuf.Wararka waxay intaa ku darayaan in Suxufigu ay rasaasta ka haleeshay caloosha, dhabarka iyo gacanta, waxaana dhaawaciisa lagula cararay Isbitaalka Madiina, oo ku yaala Degmada Wadajir.Raggii weerarka geystay, ayaa daqiiqado ka dib ka baxsaday halkii ay ku weerareen dhibanayaasha, isla-markaana waxaa weerarka lagu sheegay mid si gaar ah loogu beegsanaayay Suxufiga.Laamaha ammaanka ee Dowladda Somaliya, ayaan wax war ah ka soo saarin dhaawaca maanta ninka Wariyaha loogu geystay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured