Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Madaxweyne Siilaanyo Ka Hadhay Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda

0
Sunday October 12, 2014 - 07:33:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Madaxweyne Siilaanyo Ka Hadhay Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda

    Hargeysa (xogreebnews_Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartankii doorashadda madaxtinimo ee lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka, sida ay baahiyeen laba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews_Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartankii doorashadda madaxtinimo ee lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka, sida ay baahiyeen laba ka mid ah wargeysyadda madaxa banaan ee ka soo baxa caasimadda Hareysa. Hargeysa (xogreebnews_Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war sheegayay in madaxweyne Siilaanyo uu ka tanaasulay tartankii doorashadda madaxtinimo ee lagu wado inay ka qabsoonto dalka sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka, sida ay baahiyeen laba ka mid ah wargeysyadda madaxa banaan ee ka soo baxa caasimadda Hareysa.Sidaasna waxa daboolka ka qaaday Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo caawa khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda Gudgudenews.com, isagoo ku sugan magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya.Afhayeen Dhuxul waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu u taagan yahay una sharaxan yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo badhtamaha sannadka 2015-ka, waxaanu been cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war maanta ku soo baxay boggaga hore ee wargeysyadda Geeska afrika iyo Ogaal.“Waxaan halkan ka caddaynayaa in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u taagan yahay murrashaxna u yahay doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo, waxa kale oo aan beeninayaa war maanta ay daabaceen wargeysyadda Ogaal iyo Geeska afrika oo ahaa mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin, ma jirto meel madaxweynaha Somaliland kaga hadhay tartanka doorashada, waxaanu u sharaxan yahay kalkiisa labaad ee dastuurka dalku u baneeyay,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu,Mr. Dhuxul waxa kale oo uu u soo jeediyay warbaahinta inay axadhaan oo ka baraan degaan xaqiiqadda wararka ay baahinayaan xambaarsan yihiin, “Waxaan ku boorinayaa wargeysyadda Ogaal iyo Geeska Afrika inay ka waantoobaan wararka been abuurka ah, isla markaana ay hubiyaan wararka ay bulshadda u gudbinayaan,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured