Fadeexad weyn:Maareeyaha Dekeda Berbera oo Qandaraas lacag buuran laga helo isa siiyey

0
Saturday October 11, 2014 - 16:42:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad weyn:Maareeyaha Dekeda Berbera oo Qandaraas lacag buuran laga helo isa siiyey

    Fadeexad weyn:Maareeyaha Dekeda Berbera oo Qandaraas lacag buuran laga helo isa siiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad weyn:Maareeyaha Dekeda Berbera oo Qandaraas lacag buuran laga helo isa siiyey Berbera-(xogreebnews.com_Sida ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews Maareeyaha dekeda Berbera Eng.Cali Xoorxoor ayaa dhawaan isa siiyey Qandaraaska Nadiifinta Kunteenarada lagu keeno Badeecadaha dalka debediisa laga soo waarido.Ku darsoo Eng.Cali Xoorxoor ayaa fulinta hawshaas Qandaraaska nadiifinta Kunteenariska u qoondeeyay ama u kooteeyay laba Wiil oo uu mid Adeer u yahay halka kan kalena la sheegay inuu Abti u yahay.Hawsha nadiifinta Kunteenarada badeecadaha lagu keeno ayaa awel hore waxaa fulin jiray shirkadaha ka wakiil ah Kunteerada,Ha yeeshee dakhliga ka soo baxa oo buuran awgeed ayaa waxa hawshaas hungureeyay oo ay haatan u xuurtaysan tahay Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali Xoorxoor.Eng.Cali xoorxoor ayaa hawsha nadiifinta Calaa kunteenar ka qaada $15,waxaana sida xogguhu sheegayaan lacagtaas u qabta ama u qaada Xoghayntiisa gaarka ah oo ku shuba sanduuq xisaabeed gaara (Akawn) oo Cali Xoorxoor ku leeyahay Bangi gaar loo leeyahay.Lacagta ka soo xaroota qandaraaska Nadiifinta Kunteenariska ee Cali Xoorxoor xuurtaysatay ayaa lagu sheegay ilaa $30.000 bishiiba.La soco xoggo kale..cource Qarannews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured