Turkiga Oo Bilaabay Bixinta Lacagihii Uu Sida Tooska Ahaa U Siinaayay Dowladda Somaliya

0
Saturday October 11, 2014 - 16:34:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Bilaabay Bixinta Lacagihii Uu Sida Tooska Ahaa U Siinaayay Dowladda Somaliya

    ankara(xogreebnews.com_Dowladda Turkiga, ayaa waxay bilowday inay dib u soo celiso lacagihii tooska ahaa ay bil kasta siin jirtay Dowladda Federalka ee Somaliya, si loogu soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ankara(xogreebnews.com_Dowladda Turkiga, ayaa waxay bilowday inay dib u soo celiso lacagihii tooska ahaa ay bil kasta siin jirtay Dowladda Federalka ee Somaliya, si loogu soo ankara(xogreebnews.com_Dowladda Turkiga, ayaa waxay bilowday inay dib u soo celiso lacagihii tooska ahaa ay bil kasta siin jirtay Dowladda Federalka ee Somaliya, si loogu soo noolleeyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Somaliya.Turkiga, ayaa bil kasta Dowladda siin jiray adduun lacageed oo gaaraaya 4.5 milyan oo dollarka Mareykanka, waxaana lacagahaan la hakiyay bishii December ee sanadkii hore.Bishaan October, ayaa waxay Dowladda Turkiga dib u bilowday bixinta lacagahaasi, iyadoona markaan markaliya isku wada bixisay 10-kii bilood ee sanadkaan, oo gaaraaya lacago dhan 45 milyan oo lacagta Mareykanka ah.Dowladda Federalka Somaliya waxay mahdineysaa taakuleynta xoogga badan leh ee ka heleyso Dowladda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, inkastoo Madaxda Dowladda aynaan iyagu ka hadlin dhaqaalaha ay ka helayn dhinaca Turkiga.Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo Sacuudiga uu bishaan Somaliya siiyay lacagihii Zakaawaatka ee sanad kasta uu bixin jiray, wuxuuna sanadkaan ugu tabarucay in wax looga qabto arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo amniga ee Somaliya.Turkiga waa isha kaliya ugu muhiimsan ee Dowladda Somaliya, waxaana waxqabadkiisa ay Soomaalidu u aragtaa mid muuqdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured