Xukumada Siilaanyo Oo Raxan Wasiiro Iyo Xildhibaano Golaha Wakiilada Ah U Dirtay Beelaha Baliga Diiriye Iyo Saraar Si Ay Ugu Qanciyaan In Ay Kalsoonida Dib U Siyaan Xisbiga Kulmiye Una Jiiday Jawaano Lacag Ah Oo Lagu Kala Jajabinaayo.

0
Saturday October 11, 2014 - 16:32:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumada Siilaanyo Oo Raxan Wasiiro Iyo Xildhibaano Golaha Wakiilada Ah U Dirtay Beelaha Baliga Diiriye Iyo Saraar Si Ay Ugu Qanciyaan In Ay Kalsoonida Dib U Siyaan Xisbiga Kulmiye Una Jiiday Jawaano Lacag Ah Oo Lagu Kala Jajabinaayo.

    Hargeysa,( xogreebnews.com_Waxaa galabta ka shiraacday magaalada hargeysa raxan wasiiro ah iyo xildhibaano golaha wakiilada somaliland ka socoda oo maalinta baritoole ah ku waabariisan doona magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,( xogreebnews.com_Waxaa galabta ka shiraacday magaalada hargeysa raxan wasiiro ah iyo xildhibaano golaha wakiilada somaliland ka socoda oo maalinta baritoole ah ku waabariisan doona magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.
Hargeysa,( xogreebnews.com_Waxaa galabta ka shiraacday magaalada hargeysa raxan wasiiro ah iyo xildhibaano golaha wakiilada somaliland ka socoda oo maalinta baritoole ah ku waabariisan doona magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.
Raxantan wasiirada iyo xildhibaanada ah ee xukumada madaxwayne siilaanyo u dirtay gobolada togdheer iyo saraar ayaa waxaa hogaaminaaya wasiiraka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland siciid cali raygal iyo xildhibaanka ugu dhowdhow xukumada ahna dilaalka wayn ee cali mareexaan,Waxaa kale oo ka mida agaasimayaal wasiiro kale iyo waxagard kale oo ka soo jeeda gobolka saraar iyo baliga diiriye guuleed ee waqooyiga burco.Raxantan wasiirada ah iyo xildhibaanada ay xukumada axmed maxamed siilaanyo u dirtay gobolada togdheer iyo saraar ayaa waxay safarkoodu daaranyahay inay soo xaliyaan beelo isku haysta baliga diiriye guuleed oo wali khlaaf xoogani kadhex taaagan yahay oo sababay in beesha reer biniin ee gaashaan buurta axmed faarax (GAf) kalssoonidii kala noqoto xukumada uu gadhwadeenka ka yahay axmed siilaanyo iyo xisbiga kulmiye oo ay beeshaasi ganafka ku dhufatay go'aan dhawaan lagu riday oo cadaalad daro ah, sidoo kale waxaa raxantan wasiirada ah iyo xildhibaanadu u dhaafi doonaan gobolka togdheer dhinaca gobolka saraar oo ay beelaha deegaamadooda laga helay shidaalka oo diiday in laga qodo wax shidaala oo aan laga wargalin kusoo qancin donaan yagoo u adeegsan doona lacag loo qaybiyo.Khilaafaadkan kusoo cusboonaaday beelaha walaalaha ah ee wada dega baliga diiryiye guuleed ayaa waxaa uu sababay in xukumada siilaanyo jawaano lacaga ula carowdo magaalada burco si laysugu soo jabiyo deegaamada khilaafku ka taagantahay oo loo adeegsanaayo wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha gaaashaan buurta axmed faarax ee GAF oo yagu danahooda uun wata ee aan dan kale ka lahayn una guul wadaynaaya xukumada siilaanyo.Si kastaba ha ahaate beelaha gobolka togdheer ee reer biniin iyo gobolka saraar ee reer yoonis ayaa waxaa kala dhex miranaaya is afgaran waa xoogan yaga iyo xukumada silaanyo xisbiga kulmiye waxayna u dhowdahay hadii aan sid degdeg ah xukumada axmed silaanyo xal waara uga helin ay sababi karto inay ku biraan xisbiyada kale sidaana xisbiga kulmiye kala kulmo waji gabax doorashada soosocota ee dhaci doonta 2015.
xogreebnews.com-office Burco /Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured