“JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA WAXAANU UGA DIGAYNAA IN AY FARAGALISO AMA AY GACAN KA GAYSATO WAXKASTA OO KA DHAN AH KARAAMADA, HAYBADDA IYO QARANIMNADDA SOMALILAND” CALI WARANCADE

0
Thursday May 16, 2013 - 07:43:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA WAXAANU UGA DIGAYNAA IN AY FARAGALISO AMA AY GACAN KA GAYSATO WAXKASTA OO KA DHAN AH KARAAMADA, HAYBADDA IYO QARANIMNADDA SOMALILAND” CALI WARANCADE

    Hargeysa, (xogreebnews.com) — Wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Xukuumadii Rayaale Mr Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay warar ilaa shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, (xogreebnews.com) — Wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Xukuumadii Rayaale Mr Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay warar ilaa shalay “JIMCIYADDA QURUUMAHA KA DHAXAYSA WAXAANU UGA DIGAYNAA IN AY FARAGALISO AMA AY GACAN KA GAYSATO WAXKASTA OO KA DHAN AH KARAAMADA, HAYBADDA IYO QARANIMNADDA SOMALILAND” CALI WARANCADE
Hargeysa, (xogreebnews.com) — Wasiirkii Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Xukuumadii Rayaale Mr Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay warar ilaa shalay soo baxayay oo sheegayay in maamulka hawada Somaliland iyo Somalia ee ay qaramada midoobayd gacanta ku haysay lagu wareejinayo dawladda Somalia.

Cali Warancade oo sidaas ku sheegay warsaxaafadeed kooban oo Magaalada Hargeysa ka soo saaray ayaa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Mar I Dage Alla Ha Dago, Laba Goor I Dagana Anaa Is Dagay
Warka shalay ay soo wada saareen Muumulka Muqdisho iyo Hay´adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Duulimaadyada, wuxuu meel ka dhac ku yahay Go´aankii Ummadda Reer Somaliland ay ku gaadheen in ay dib ula soo noqdeen Madax banaanidoodii luntay Lixdankii, iyo karaamada Qaranka Somaliland. Mana aha wax loo dulqaadan karro.
Arrintan iyo qaar kale oo badani waxay ka mid yihiin hagar daamooyinka la doonayo in lagu mijaxaabiya Qaranimada Somaliland, arrimahan ay ku kaceen maamulka Muqdisho oo ay ka mid yihiin in ay Gidaarka dabadiisa uga gacan haadiyaan Madaxda Qaranka somaliland qaarkood, oo aanu u aragno in ay doonayaan in ay shaki kala dhex dhigaan ummadda reer somaliland,waxaanay arrimahani keeni karaan in ay si dhaqsi ah u soo nooleyso colaadii hore iyo kala fogaansho hor leh oo la dhex dhigo Ummadaha Deriska ah ee Reer Somaliland iyo Somaliya.

Sidoo kale Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa waxaanu uga digaynaa in ay faragaliso ama ay gacan ka gaysato waxkasta oo ka dhan ah Karaamada, Haybadda iyo Qaranimnadda Somaliland. waxaanu si cad ugu sheegaynaa in Taladda iyo xukunka Xuduudaha Somaliland, haddii ay tahay dhinacyadda , BADDA, BARIGA, IYO CIRKABA ay ka go´aa n Qaranka Somaliland, cid kale oo amar ka bixin kartaana ayna jirin.
Talaabooyin kan iyo qaar kale oo badan oo ay hore isugu dayday Hay´adda Jimciyadda Quruumaha Midoobay u qaabilsan duulimaadku way ku guul dareysatay.
Maantana anagoo ku bogaadineyna Talaabada uu ka qaaday wasiirka duulista iyo Hawadda somaliland arrintan foosha xun ee ay ka muuqato eexda iyo cadaalad darradu, waxaanu fileynaa in maantana ku hungoobi doonaan qorshahoodan laab la kaca ah”
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured