Dawladda Ingiriiska Oo Heegan Ka Gashay Ebola Ka Dib Markii Nin Ingiriis Ahi U Dhintay Cudurka Ebola

0
Friday October 10, 2014 - 21:39:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Heegan Ka Gashay Ebola Ka Dib Markii Nin Ingiriis Ahi U Dhintay Cudurka Ebola

    London(Xogreebnews) Boqortooyada Ingriiska, ayaa heegan ka gashay Cudurka Ebola ka dib markii Nin Ingiriis ahi u dhintay Cudurka. Ninka ayaa ku dhintay Xarunta Cudurada Faafa ee Dalka Macedonia. Saraakiisha Caafimaadka ee Macedonia ayaa sheegay in Ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(Xogreebnews) Boqortooyada Ingriiska, ayaa heegan ka gashay Cudurka Ebola ka dib markii Nin Ingiriis ahi u dhintay Cudurka. Ninka ayaa ku dhintay Xarunta Cudurada Faafa ee Dalka Macedonia. Saraakiisha Caafimaadka ee Macedonia ayaa sheegay in Hotel-ka uu joogay Ninkani si degdeg ah ula xidhiidheen Cisbitaalka ka dib markii Ninkani Xanuunsaday.

London(Xogreebnews) Boqortooyada Ingriiska, ayaa heegan ka gashay Cudurka Ebola ka dib markii Nin Ingiriis ahi u dhintay Cudurka. Ninka ayaa ku dhintay Xarunta Cudurada Faafa ee Dalka Macedonia. Saraakiisha Caafimaadka ee Macedonia ayaa sheegay in Hotel-ka uu joogay Ninkani si degdeg ah ula xidhiidheen Cisbitaalka ka dib markii Ninkani Xanuunsaday.

“Wuxuu sheegay inuu hayo Xanuun dhanka Caloosha ah, isagoo diiday inuu cuntada cuno iyo inuu dhakhtar la kulmo” ayay tidhi Jovanka Kostovska oo Afhayeen u ah Wasiirka Caafimaadka Macedonia

Dhakhaatiirta ayaa sidoo kalena Telefishanka Macedonia u sheegay inuu jiro Nin kale oo Ingiriis ah oo Calaamadaha Ebola lagu arkay.



Bellevue Hospital nurse Belkys Fortune, left, and Teressa Celia, Associate Director of Infection Prevention and Control, pose in protective suits in an isolation room, in the Emergency Room of the hospital, during a demonstration of procedures for possible Ebola patients, Wednesday, Oct. 8, 2014. The U.S. government plans to begin taking the temperatures of travelers from West Africa arriving at five U.S. airports, including the New York area's JFK International and Newark Liberty International, as part of a stepped-up response to the Ebola epidemic

Xafiiska Arimaha dibada ee Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka warqabto Dhimashada Ninkaasi islamarkaana ay degdeg u baadhayso “Waanu ka warqabnaa Wararka labada Nin, si degdeg ahna waanu u baadhaynaa” ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Xafiiska Arimaha dibada Ingiriiska.

Ninkan ayaa London ka tagay 2-dii Bishan October, islamarkaana Tagay dalka Macedonia oo isla Yurub ka tirsan, sida laga soo xigtay Asxaabtiisa Ninkan ayaan u socdaalin wadamada uu saameeyay Ebola.

Dawladda Ingiriiska ayaa Khamiistii ku dhawaaqday inay kor u qaadayso Baadhista Cudurka Ebola siiba meelaha Madaarada laga soo dego iyo Xarumaha Tareenada, si looga jawaabo Cabsida dadweynaha ee sii kordhaysa ee ku saabsan in Cudurku ku fido wadamada Yurub.

Dawladda Ingiriisku waxay sheegtay in baadhista laga bilaabayo Madaarada iyo Xarumaha Tareenada. Waxaa Socdaaleyaasha ka yimid wadamada Sierra Leone, Liberia iyo Guinea la waydiinayaa Socdaaladoodii u dambeeyay,cida ay xidhiidh la sameeyeen iyo Qorsheyaashooda dambe ee Socdaal, iyadoo la marinayo Qiimayn Caafimaad oo Shaqaale u tababaran Ebola ay samaynayaan.

Xogreebnews// Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured