Go’aankii Xukuumadda Somaliland Hawadeeda kaga Mamnuucday Diyaaradaha UN-ka oo luxay Nairobi iyo Xarunta Qaramada Midoobay

0
Wednesday May 15, 2013 - 10:03:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go’aankii Xukuumadda Somaliland Hawadeeda kaga Mamnuucday Diyaaradaha UN-ka oo luxay Nairobi iyo Xarunta Qaramada Midoobay

    “Laga bilaabo saaka lixda Aroornimo Xukuumadda Somaliland waxa ay Mamnuucday in ay Diyaaradaha UN-ku maraan Hawda Somaliland, kuwa jooga Madaaraduna ma kici karaan” Wasiirka Duulista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Laga bilaabo saaka lixda Aroornimo Xukuumadda Somaliland waxa ay Mamnuucday in ay Diyaaradaha UN-ku maraan Hawda Somaliland, kuwa jooga Madaaraduna ma kici karaan” Wasiirka Duulista

“Laga bilaabo saaka lixda Aroornimo Xukuumadda Somaliland waxa ay Mamnuucday in ay Diyaaradaha UN-ku maraan Hawda Somaliland, kuwa jooga Madaaraduna ma kici karaan” Wasiirka Duulista

“Go’aanka ay Somaliland qaadatay waa mid aanu aad uga xumahay, waxa bilaabmay wada hadalo u dhexeeya ICAO ISAF iyo qaramada midoobay ha’yadaheeda sida UNDP iyo UNPOS, wixii ka soo baxana waanu idiin soo gudbin doona” Madaxa Haayadda ICAO

Hargeysa(xogreebnews.com-0 Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ayaa shalay ku dhawaaqay in ay Somaliland Hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, kuwa hada ku sugan garoomada Somaliland-na aanay kici Karin ilaa amar danbe, laga bilaabo saaka lixdii subaxnimo.

“Laga bilaabo beri(manta) lixda Subaxnimo Duulimaadyada Qaramada Midoobay ma soo geli karaan Hawada Somaliland, kuwa hada fadhiya madaaraduna saacadaas laga bilaabo kama duuli karaan Garoomadda ilaa iyo inta amar danbe laga soo saarayo” ayuu yidhi wasiirku

Sidaas waxa uu wasiirka Duulista Hawadu ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta shalay ugu qabtay madaarka Hargeysa isagoo ka jawaabay go’aankii ay doraad Qaramada Midoobay iyo Hay’adeeda UNDP ku hoos geeyeen maamulka Madaaradda Somaliya oo dhan dawladda Somaliya.

Maxamud Xaashi cabdi waxa kale oo uu warfidiyeenada u sheegay in laga bilaabo 25/7/2013 Somaliland si toos ah u maamulan doonto Hawadeeda iyo madaaradeeda, isagoo sheegay wixii xisaab hore ah ee ee ay Somaliland u haysay qaramada Midoobay iyo hay’adda IYATO inay kala xiisaabtami doonaan.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa uu Amar ku bixiyay laga bilaabo bisha Juun ee sanadkan in ay Somaliland qaadan doonto Duulimaadyada Hawadeeda Dul mara iyo kuwa ka duulaya madaaradeedaba isagoo ku war geliyay shirkadaha Duulimaadyada in ay sidaas ula socdaan.

Waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliya uga digay in ay ku talaabsato go’aanka ay qaadatay ee ay ku dalbatay in hawada Somaliland ay maamulato isagoo uga digay cawaaqib xumada ay arrintaasi ku keeni doonto wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay Somaliland in ay guul daro kala kulantay mashruucii hay’adda ICAO ee ay Qaramada Midoobay u dhiibtay maamulka Hawada Somaliya, isagoo sheegay Somaliland in aanay ka soo gaadhi jirin wax muuqda dhaqaalaha ay u qaadi jireen, marka laga reebo afartameeye shaqaale ah oo mushahar laga siin jiray, isagoo ku qiyaasay lacagta sanadkii ka soo xeroon jirtay in ay gaadhaysay toban Milyan oo Doolar.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay in ay Qaramada Midoobay iska indho tirtay Heshiiskii Somaliland iyo Dawladdii Federalka u dhaxeeyay ee ay iyaguna qaybta ka ahaayeen ee labada Dal loogu sameeyay Guddidii wadajirka ahayd ee la ogayd maamulka Hawada Somaliya iyo Somaliland, taasina ay tahay in ay ka leexatay wadadii saxda ahayd ee hawsha Duulimaadyada fududaynaysay.

Wasiir Maxamud waxa uu sheegay Somaliland in ay ka digtoon tahay aatalaabo kasta oo lagu carqaladayanayo Qaranimda Soamliland, isla markaana ay awood u leeyihiin in ay maamushaan Hawadooda iyo khayraadka kale ee ay leedahay Somaliland, cid kale oo uga talin kartaana aanay jirin.

Dhinaca kale Go’aanka Xukuumadda kadib waxa soo baxay dhaqdhaqaaq ay Xafiisyada Qaramada Midoobay bilaabeen si ay go’aanka Somaliland uga gaashaantaan waxaanu Madaxa haayadda u qaabilsan duulimaadyada qaramada midoobay ee ICAO qaybteeda beriga iyo badhtamaha Afrika Mr. Meshesha Belayneh oo shalay u waramay weriye ka tirsan shabakadda Halbeegnews ugu waramay magaalada Nairobi waxa uu sheegay inuu aad uga xunyahay go’aankii ay Somaliland maanta(shalay qaadatay ee ay ku mamnuucday duulimaadyada hay’adaha qaramada midoobay wuxuuna sheegay in qaramada midoobay iyo haayadda ICAO ay isla gelinkii danbe ee maanta(shalay) Nairobi iskugu yimaadeen kulan deg deg ah wixii laga yeeli lahaa go’aanka Somaliland. Mr. Meshesha Belayneh oo Halbeegnews weydiisay bal siduu u arko go’aankaasi Somaliland ku xayirtay duulimaadyadii qaramada midoobay iyadoo kaga aargoosanaysa go’aankii ICAO ku wareejinayso hawada Somaliland iyo Soomaaliya Muqdisho wuxuu yidhi “go’aanka ay Somaliland qaadatay waa mid aan uga xumahay, wax faahfaahin ah hadda kama bixin karo waxaa keliya oo aan ku sheegi kara in maanta gelinkii danbe ay bilaabmeen wada hadalo u dhexeeya ICAO ISAF iyo qaramada midoobay ha’yadaheeda sida UNDP iyo UNPOS, wixii ka soo baxana waxaanu usoo gudbin doona sida ugu macquulsan” ayuu yidhi Meshesha Belayneh

Halbeegnews ayaa waxay weydiisay sarkaalka ugu sareeya ICAO beriga iyo badhtamaha Afrika sababta keenay in xilligani ay ICAO u qaadato go’aankani ka cadhaysiiyey Somaliland oo ah dal ka madax bannaan Soomaaliya wuxuu yidhi “go’aanku ma ahayn mid ICAO iyo haayadaha qaramada midoobay qaadatay waa mid golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo dhawrkii biloodba mar daraasadeeya xaaladda Soomaaliya ay qaateen, ICAO waxaa maamula go’aanadda qaramada midoobay golaheeda ammaanku gaadheen” ayuu yidhi.

Mr. Meshesha Belayneh oo Halbeegnews weydiisay siduu u arko hadalka wasiirka duulista Somaliland ku sheegay in ay Somaliland wixii bisha July ka danbeeya ay maamulanayso hawadeeda wuxuu yidhi “arrimahaasi waa arrimo aanan anigu ka hadli karin, waana arrimo siyaasadeed kuwaasina waa kuwa hadda socda, haddii ay Somaliland sidaasi yidhaahdeen ku odhan maayo xaq uma laha aynu sugno wada hadaladda waxaan rajaynaya in wada hadal iyo is afgarad lagu gaadho” ayuu yidhi Meshesha Belayneh

ayaa tibaaxaya in go’aankii ay xukuumadda Somaliland kaga mamnuucday duulimaadyada qaramada midoobay ay dareen weyn ka dhex dhalisay gudaha qaramada midoobay, waxaana la filayaa in dhawaan uu soo gaadho Somaliland ku xigeenka ergayga qaramada midoobay u qaabilsan xafiiska siyaasadda Peter de Clercq oo isagu ka soo kicitimi doona magaalada Nairobi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured