Ardayda Jaamacadaha iyo Xukuumadda oo Gar-naqsi ka sameeyay Aafada Tahriibka

0
Wednesday May 15, 2013 - 09:58:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Jaamacadaha iyo Xukuumadda oo Gar-naqsi ka sameeyay Aafada Tahriibka

    “Tahriibku faraha ayuu ka baxay, waana Aafo qaran, Aafadaasi qaran cida ugu weyn ee loo eersan karaa Madaxweyne Waa adiga” Jaamacada News Generation “ Xukuumaddu waxay shaqaalaysiisay ilaa shan kun oo qof laakiin bar dhibic ah aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Tahriibku faraha ayuu ka baxay, waana Aafo qaran, Aafadaasi qaran cida ugu weyn ee loo eersan karaa Madaxweyne Waa adiga” Jaamacada News Generation “ Xukuumaddu waxay shaqaalaysiisay ilaa shan kun oo qof laakiin bar dhibic ah ayay noqotay, dadka intoodii badnaydna waa bilaa shaqo” Wasiir Xirsi

Ardayda Jaamacadaha iyo Xukuumadda oo Gar-naqsi ka sameeyay Aafada Tahriibka

“Tahriibku faraha ayuu ka baxay, waana Aafo qaran, Aafadaasi qaran cida ugu weyn ee loo eersan karaa Madaxweyne Waa adiga” Jaamacada News Generation

“ Xukuumaddu waxay shaqaalaysiisay ilaa shan kun oo qof laakiin bar dhibic ah ayay noqotay, dadka intoodii badnaydna waa bilaa shaqo” Wasiir Xirsi

Hargeysa(xogreebnews.com-adaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta arday ka kala socday illaa shan jaamacadood oo ku yaala magaaladda Hargeys, kala Qaybgalay Kulan loogu magac daray soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Xog-waranka Jaamacadaha.


Kulankaasi oo ahaa mid aad u weynaa ayaa wax ka soo qaybgalay Arday ka kala socotay Jaamacadaha Dalka oo kala ah Jaamacadaha Hargeysa, Admas University, Golis University, Alfa University iyo New Generation Universtay, kulankaasi wax uu ka dhacay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Ardaydaasi ayaa halkaasi Hadalo ka jeediyey ay ku sheegen in loo bahan yahay in xukumadu wax ka qabto Tahriibka Xad Dhaafka ee ka jira dalka, iyaga oo sheegay in Arday badan ay u Susumeen Dalalka Yurub si ay halkaasi Tahriib ugu gaadhaan oo ay noolasha Dalka Taala mid dhaanta u doontan, Waxayna Xuseen in loo bahan yahay in wacyigalin weyn xukumadu Sameyso iyaga oo balan qaaday in ay ka qaybqaadan doonan Wacyigalintaasi.
Dhammaan Ardaydii halkaasi ka hadashay ayaa Af mideysan kaga hadlay arrintaasi isaga oo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Qiray in tahriibku Sanadkan aad u badan yahay, waxanu sheegay in Xukumadu dhaliyaro badan ay shaqaalaysiisay, balse hadana Shaqo la’aanta laga cararaya ay jirto.
Niciima Cabdilaahi Galixe oo ku hadlaysay Afka Ardayda Shanta jamacadood ee ka Qaybgalay Munaasibadasi ayaa Waxay dirtay fariin Adag u oo ay ku sheegtay in ay ka turjumaysa Dahlinayrada Faraha Badan ee Tahriibaya “Waxaan Rabbaa in aan Cod dheer ku sheego Aafada Tahriibta, oo baryahan ina soo food saartay, waxa sameysmay shabakado tahriibiya dhalinyarada, arrinka kale ee naxdinta lihi waxa uu yahay in dhalinyaradaasi badankoodu ay yihiin qaar wax bartay, taasi oo u baahan in gurmad balaadhan laga sameeyo, iyo wacyigalin degdeg ah, si loo hakiyo loona baajiyo dhalinyaradan baxaysa, laakiin madaxweynaha waxaanu waydiisanaynaa in shaqo Aabuuris yar yar oo fudud loo sameeyo dhalinyarada, taasi waxay ahayd Fariin ka dhex guuxaysa dhalinayrada reer Somaliland oo aanu jecleysanay in aanu ku soo gudbino Md.Madaxweyne,.” Ayey Tidhi Niciima.
Maxamed Cabdi giire oo ku hadlayey Afka jaamacada New Generation Universtay oo isaguna ka bixiyey Dareen aan ka Fogeyn fariintasi hore ayaa wax uu Si mug leh u soo badhigay Aafada Tahriibta Waxanu yidhi “Arrinta Tahriibka Runtii Waa laga wada Dhawaajiyey, Waxanad dareemi kartaa in uu yahay xanuun inagu wada jira oo Ardayaduna aad u dareemayso, Madaxweyne Mudooyinkan Danbe Tahriibku faraha ayuu ka baxay, waana Aafo qaran, Aafadaasi qaran cida ugu weyn ee lala eersan karaa Madaxweyne Waa adiga waayo madax meel ka sareysa oo la taabtaa ma jirto, Shantii Gurri ee Somaliland ahba wax ka jirta Dhiillo ah in ilmo ka mid aha Qoyskaasi tahriibay, walidkiina way kadeedan yihiin, marka madaxweyne wacyicalinta waanu kala qayb qadandoona ee waa in la sameeya wacyigalin.”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi giire
Mustafe Maxmaed Daahir oo ku hadlayey Afka jaamacada Admas ayaa isaguna Wax uu Shaaciyey in loo bahan yahay in Tahriibka wax laga qabto oo dhalinayrada tahriibaysa lagu Xasiliyo dalkooda waxanu yidhi.“Runtii Tahriibku waa Aafoo Qaran oo dalka ka jirra, Madaxweynaha iyo Xukumadana waxa looga baahan yahay in ay wax ka qabtaan Dhalinayaradaasi tahriibaysa.”Ayuu yidhi Mustafe .
Wasiirka Madaxtooyada oo si Dhago fiiqan u dhegeysanayey Arrimaha Cabashada ee dhaliyarada ka soo yeedhaysa ee ku saabsan tahriibka ayaa isagu tilmaamay in Dadka Somaliland ay yihiin dad Dhoof jecel. Waxanu yidhi. “ Horta Haddii maanta Markab la keeno Dakeda oo la yidhaahdo ayaa dhoofaya waxaan isleeyahay malaha Cidiba Idinkamay hadheen, halka aynu ka dhoof jecel nahay, ee uu dhoofku inaga jirro.”Ayuu yidhi.
Isaga oo hadalkiisa Sii watana waxa uu raaciyay“ “Runtii Waxa jirta in dhinaca Tahriibta iyo Shaqo la’aanta aad loo taabtay, intii Dawladda Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siillanyo) uu hogaaminayey Dalka Wuxuu Shaqo Abuur u sameeyey in ka badan 5,000 oo Dhalinyaro ah waliba waa inta shaqada gashay, laakiin Nasiib darro in ka badan Boqol kun Ama Labba Boqol oo kun oo qof ayaa shaqqo Sugayey, Marka intaasi aanu shaqalaysiinay waxay ka mid tahay Bar Biyo ah oo ku dhex dhacday Bad dhan oo Biyo ah, markaa waxba ka tarimayso, marka shaqo la’aanta taalla intaasi ma kafayn karto, laakiin Da’daalkii madaxweynaha meel fiican ayuu marinayaa.”Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay Shirarkii Caalamiga ahaa ee ay ka qaybgaleen, waxaanu xusay in uu ahaa mid ay somalialnd guulo waaweyni uga soo hoydeen, isaga oo xusay in Somaliland haatan marayso meel aad u fiican.
Dhanka kale wax iyaguna halkaasi ka hadlay Guddomiyaha jaamacada Golis Dr.Siciid Axmed Xassan oo ku hadlayey Afka Jaamacadaha dalka Waxaanu madaxweynaha Somalilnd ku Amaanay Sida Fiican ee uu ugala soo qaybgalay kulanaasi ay ardaydu ku xog wareysanaysay Madaxweynaha, Waxaanu madaxweynaha ku tilmaamay in aanu ahayn qof hanti urursi lagu xanto, basle uu yahay in qaranka somalialnd meel fiican gaadhsiin karaya.

Kulankan oo ahaa mid muhiim ah oo aan noociisa hore loo arag wax su’aalo ah waa loo diiday ardaydu inay ku weydiiso Madaxweynaha hase yeeshee dhinaca kale waxa kulankaasi laga dareemay ka maqnaanshaha Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo aan ka soo xaadirin maadaama uu ahaa mid muhiim u ah bahda Waxbarashada, Xukumadda iyo Ardayda Jaamacadaha.

Sida ay ilo wareedyo u dhuun daloola qaban qaabadii kulankani Waaheen u sheegeen waxa jiray khilaaf ka dhashay abaabulka kulankan oo ay gudidii qaban qaabada iyo Wasaaraddu midba si ay u arkaysay, taasoo dhalisay in Wasiiraddu ka qayb gali weydo munaasibadaasi. Hase yeeshee Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaaradda Waxbarashadu aakhirkii ku xaadiray magaca Wasaaradda Waxbarashada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured