Maxkamadeynta Kenyatta oo la hakiyay sabaabo aan wali la ogaan

0
Wednesday October 08, 2014 - 18:55:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadeynta Kenyatta oo la hakiyay sabaabo aan wali la ogaan

    Hague(xogreebnews.com-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Waxa la soo gabagabeeyey dhagaysiga in dacwada loo haysto madaxweyna Kenya ay sii socoto ama la joojiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hague(xogreebnews.com-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Waxa la soo gabagabeeyey dhagaysiga in dacwada loo haysto madaxweyna Kenya ay sii socoto ama la joojiyo. Hague(xogreebnews.com-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta Waxa la soo gabagabeeyey dhagaysiga in dacwada loo haysto madaxweyna Kenya ay sii socoto ama la joojiyo.Maxkamada ICC ee ku taala Hague ayaa qabatay laba maalin oo dhagaysi ah, oo uu maanta ka qeyb galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.Mr Kenyatta kama aanu hadlin maxkamada horteeda, waxaana uu wakiishay mid ka mid ah qareennadiisa, Steven Kay. Mr Kenyatta ayaan qadarin gaar ah ka helin maxkamada, waxaana loola dhaqmayaa si la mid ah sida eedeysanayaasha kale ee maxkamada.Dadka badan oo Kenyan ah ayaa doonayay in ay qeybta shacabka ugu tallagashay maxkamada ka la socdaan dacwada, balse uma aanay suuraglin.Taageerayaasha madaxweyne Kenyatta ayaa ka kala yimid Kenya iyo dalal ka tirsan Yurub.Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha Kenya uu ku tegay maxkmada, waxaana ay ku tilmaameen mid muujinaya sida uu xushmada ugu hayo hannaanka garsoorka.Qareennada Mr Kenyatta ayaa horay maxkamada uga codsaday in aanu hortagin maadama uu yahay madaxweyne dal ayna u yaallaan howlo badan, iyaga oo maxkamada ka codsaday in dhagaysiga dib loogu dhigo ama lagu sameeyo qaab maqal iyo muuqaal ah oo isaga oo jooga Nairobi.Maxkamada ayaa codsigaasi diiday, waxaana ay ku dooday in arrinta laga hadli rabo ay si toos ah u khuseyso eedeysanaha iyo dadka dhibanayaasha ah.Dacwad oogayaasha ayaa qiray in aanay haynin cadeymo ku filan oo kiiska loo adeegsan karo, waxaana fadhiga maxkamada ee maanta looga doodayaa suurtagal nimada ah in la hakiyo dhagaysiga kiiska.Mr Kenyatta ayaa sheegay in uu maxkamada u hortagay isaga oo shakhsi ah, oo aan wadan xilka madaxtinimada dalkiisa. Waxa uu madaxtinimada dalkiisa si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, William Ruto.Mr Kenyatta ayaa loo haystaa 5 dacwadood, oo la xiriira dilalkii qabiilka ku salaysnaa ee ka dhacay Kenya kaddib doorashadii natiijadeeda lagu murmay dhammaadkii 2007-dii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured