Weftigii Madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayay ee Wasiirka Maaliyaddu ku wehelinayay oo caawa u Duulaya Dalka Ingiriiska Safaarada Ingiriiska Addis ababa oo manta si rasmi ah u siisay Fiisayaashii

0
Tuesday May 14, 2013 - 19:23:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayay ee Wasiirka Maaliyaddu ku wehelinayay oo caawa u Duulaya Dalka Ingiriiska Safaarada Ingiriiska Addis ababa oo manta si rasmi ah u siisay Fiisayaashii

    Addis ababa(xogreebnews.com-Weftigii Somaliland eek a ambabaxay hargeysa eek u sugnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis ababa(xogreebnews.com-Weftigii Somaliland eek a ambabaxay hargeysa eek u sugnaa Weftigii Madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayay ee Wasiirka Maaliyaddu ku wehelinayay oo caawa u Duulaya Dalka IngiriiskaSafaarada Ingiriiska Addis ababa oo manta si rasmi ah u siisay Fiisayaashii
Addis ababa(xogreebnews.com-Weftigii Somaliland eek a ambabaxay hargeysa eek u sugnaa Dalka Itoobiya ee uu hogaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa caawa ka dhoofaya madaarka Poli ee Caasimada Itoobiya ee Addis ababa.Weftiga uu horkacayo Madaxweyne ku-xigeenku waxa ay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska kala qayb gali doonaan xuska munaasibada 18 ka May oo sanadkan si balaadhan daafaha Dunida looga xusayo, waxaana weftiga Madawxeyne ku-xigeenka sugaya dadweyne fara badan oo Munaasibada Ingiriiska uga yimi dalal kala duwan.Weftiga Madaxweynaha ee caawa Duulaya waxay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed , Xildhibaan C/laahi Xuseen (Balaaki), Maxamed Kaahin Axmed, Amaal X Miisaan iyo Marwada Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.Xildhibaan C/laahi Balaaki ayaa Waaheen u xaqiijiyay in manta si rasmi ah loo siiyay Fiisayaashii toddobadoodii xubnood ee weftiga ahaa, isagoo intaas raaciyay Wasiirka ganacsigu in uu habeen danbe soo bixi doono.“ caawa ayaanu baxaynaa, oo manta ayay hawshii Fiisayaashu noo dhamaatay, todoba xubnood baanu ahayn caawa lix ka mid ah ayaanu ku baxaynaa, wasiirka Ganacsiguna habeen danbe ayuu naga daba imanayaa.” Ayuu yidhi Xildhaibaan C/laahi Balaaki.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured