Xukuumadda Somaliland oo hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay , kuwa fadhiyana Amartay in aanay Duuli Karin

0
Tuesday May 14, 2013 - 13:09:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay , kuwa fadhiyana Amartay in aanay Duuli Karin

    Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqay Somaliland in ay Hawadeeda ka mamnuucday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqay Somaliland in ay Hawadeeda ka mamnuucday Xukuumadda Somaliland oo hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay , kuwa fadhiyana Amartay in aanay Duuli Karin

Hargeysa(xogreebnews.com) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamud Xaashi Cabdi ayaa ku dhawaaqay Somaliland in ay Hawadeeda ka mamnuucday Duulimaadyada Qaramada Midoobay, kuwa hada ku sugan garoomada Somaliland-na aanay kici Karin ilaa amar danbe.

“Laga bilaabo beri lixda Subaxnimo Duulimaadyada Qaramada Midoobay ma soo geli karaan Hawada Somaliland, kuwa hada fadhiya madaaraduna saacadaas laga bilaabo kama duuli karaan Garoomadda ilaa iyo inta amar danbe laga soo saarayo” ayuu yidhi wasiirku


Sidaasa waxa uu wasiirka Duulista Hawadu ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta goor dhaweyd ugu qabtay madaarka Hargeysa isagoo ka jawaabay go’aankii ay shalay Qaramada Midoobay iyo Hay’adeeda UNDP ku hoos geeyeen maamulka Madaaradda Somaliya oo dhan dawladda Somaliya.

Maxamud Xaashi cabdi waxa kale oo uu warfidiyeenada u sheegay in laga bilaabo 25/7/2013 Somaliland si toos ah u maaulan doonto Hawadeeda iyo madaaradeeda, isagoo sheegay wixii xisaab hore ah ee ee aya Somaliland u haysay qaramada Midoobay iyo hay’adda IYATO inay kala xiisaabtami doonaan. Sidoo kale wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa uu Amar ku bixiyay laga bilaabo bisha Juun ee sanadkan in ay Somaliland qaadan doonto Duulimaadyada Hawadeeda Dul mara iyo kuwa ka duulaya madaaradeedaba isagoo ku war geliyay shirkadaha Duulimaadyada in ay sidaas ula socdaan.

Sidoo kale waxa uu Xukuumadda Somaliya uga digay in ay ku talaabsato go’aanka ay qaadatay ee ay ku dalbatay in hawada Somaliland ay maamulato isagoo uga digay cawaaqib xumada ay arrintaasi ku keeni doonto wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya.

Wasiira Wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay Somaliland in ay guul daro kala kulantay mashruucii hay’adda ICAO ee ay Qaramada Midoobay u dhiibtay maamulka Hawada Somaliya, isagoo sheegay Somaliland in aanay ka soo gaadhi jirin wax muuqda dhaqaalaha ay u qaadi jireen, marka laga reebo afartameeye shaqaale ah oo mushahar laga siin jiray, isagoo ku qiyaasay lacagta sanadkii ka soo xeroon jirtay in ay gaadhaysay toban Milyan oo Doolar.

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawadu waxa uu sheegay in ay Qaramada Midoobay aiska indho tirtay Heshiiskii Somaliland iyo Dawladdii Federalaka u dhaxeeyay ee ay iyaguna qaybta ka ahaayeen ee labada Dal loogu sameeyay Guddidii wadajirka ahayd ee la ogayd maamulaaka Hawada Somaliya iyo Somaliland, taasina ay tahay in ay ka leexatay wadadii saxda ahayd ee hawsha Duulimaadyada fududaynaysay.

Wasiir Maxamud waxa uu sheegay Somaliland in ay ka digtoon tahay aatalaabo kasta oo lagu carqaladayanayo Qaranimda Soamliland, isla markaana ay awood u leeyihiin in ay maamushaan Hawadooda iyo khayraadka kale ee ay leedahay Somaliland, cid kale oo uga talin kartaana aanay jirin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured