Hay Dagin Siyaasi: Waa (Maanso Duur-Xul Ah): Erayadii: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye
Beerkayga ha duban
Marlabaad durbaan iyo
Daasado jaan haytumin,
Beerkayga ha duban Marlabaad durbaan iyo Daasado jaan haytumin, Digniinbaan qabaa wayn Dareenbaa jira dhaba Markaad dantaa u socotaad Diirkaad ila wadaagtaa, Markaad daaqsin furateed Daruuruhu dushaadiyo Dagalkaad ku noolayd Dirir cawlku ka onkodo, Doogiyo barwaaqada Durduurato xareedeed Ku dabaalato hawshiyo Daalkaan anigu soo maray, Anigu diiftaan qabiyo Daranyadaan ku suganahay Marna kama damqatidoo Dubku iiguma kaayaal, Marka aad damaashaad Damdamtiyo ciyaaraha Sida dabayl xagaayada Docwalba u socoto, Kuwa aad diraysee Duufaanadu sitaane Iyagoo daalan hadhaw Dooxu qaado baan, ahay Haddaan doobirtaadiyo Danigaaga u dhacana Soo dayid gacaltooyo Nafta kuma dabiibtid, Nimaad daraato hankiyo Isku diideen aragtida Oo waabayda damaciyo Dacar kala dhanteen adag, Ana baryahan daraadaa dusha kala coloobay Dakanaduu ii hayo Ninka u dilan baan ahay, Markay ay dantiinuna Dabar iyo seeto noqoto Idinkoon is daw marin Ayaad dacal dhaqaaqdaan, Dadkii aanu awgiin Midida daabka culusiyo Micirta isku darnay Namaydaan kala dabiibin, Sidii baan duhur iyo habeen Dabuubtaad tidhaahdaan Markasta danqaabiyo Doog noogu shidaa wali, Siyaasi dabkaagu Sidibuu ducdayda Uga daaran yahayoo Cidi aanay wali damin, Danta guud marnaba Dadaal dheer umaad galin Kursi doonistiisaad U daldashaa naftayda. Dirirtiyo colaadahaad Duunyo aad ka dhalisaa Hadba sidaan u dabar go,aad Darajo sare ku gaadhaa, Dhiigayga doolar iyo Adaa siista diinaar Duruufaha i soo mara Ku dawarsada aduunkee, Hadba meesha ku darane Udoog dhabato naftaadu Waxaad ku dabaashaa Xaajo iblays soo diray, Agtaadaa nin daacadi Nuurkiisu ma daalacoo Duliga guudkaaga sudhanbaa Ka damiya nashaadee, Sidii aad damane tahay (Eeg Bogga 4aad) Ama ruux la duufsaday Beentaadi darraad Ta maantaa ka sii daran, Waxaase kaa daciifsan Kuwaan dareenba kaa qabin Kolba wixii aad doonto Ugu daabacdo laabaha, Shaydaankaad dir sooca Damiir xumada wadaagtaan Kolba danab hilaaciyo Duufaano mar soo kici, Dockastoo lagaa xidho Sidii daadka meelkale Kasoo dulundulceeyoo Hadba dawyo iska raarid, Doqontiyo ma garatadu Ha ku dabaal dageene Markale daluun aad u dheeriyo Hoobaaq ka dabatuur, Hobaley iyo deelqaaf Ku daadihi aayaamo Carab dalable iyo kibir Ul iyo diir ku kala dir, Dadkiyo duunyada ooman Kaligaa darka uun jiif Dawlis qudha dadkaaga Deeq ha u siin maalin, Danyartiyo maatida Duxdooda aad dhamaysana Waa dabar nabsiguye Daymadoodu kugu maqan, Dockastoo lagaa dayo Diric meelna kama tihid Guudkaa dayn iyo Diifbaa saaran aayaha, Haddaan doorkan maanta ah Dadku aanay idin baran Durusahaad dhigtaan wali Ka daalacan waxaad tihiin, Noloshuba dayriyo Dibadyaal ma dhaaftood Daraadbaa wacneydiyo Dub u socod ma dayso. Dhamaad Waa Erayadii Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye EMAIL:halgan82@hotmail.com Leave a comment |
|
Hay Dagin Siyaasi: Waa (Maanso Duur-Xul Ah): Erayadii: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye
Beerkayga ha duban Marlabaad durbaan iyo Daasado jaan haytumin,