MAAYARKA GABILEY OO XAFIISKIISA DIBADA UGA SOO SAAREEN WAALIDIIN CADHAYSANI IYO BADHASAABKA GOBALKA OO SIDII DIINKA MADAXA QARSADAY

0
Tuesday May 14, 2013 - 08:00:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAYARKA GABILEY OO XAFIISKIISA DIBADA UGA SOO SAAREEN WAALIDIIN CADHAYSANI IYO BADHASAABKA GOBALKA OO SIDII DIINKA MADAXA QARSADAY

    OGOW DHUUMASHA UU DHABARKU MUUQDAA WAA DHIB IYO HADI MEE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

OGOW DHUUMASHA UU DHABARKU MUUQDAA WAA DHIB IYO HADI MEE MAAYARKA GABILEY OO XAFIISKIISA DIBADA UGA SOO SAAREEN WAALIDIIN CADHAYSANI IYO BADHASAABKA GOBALKA OO SIDII DIINKA MADAXA QARSADAY..
OGOW DHUUMASHA UU DHABARKU MUUQDAA WAA DHIB IYO HADI MEE
waalinta ay ardaydoodu dhigato dugsiga H/dhexe SH.MUXUMED WARSAME ee magaala gabiley ayaa muda haraad ayna u kala hadhin lahortagay xarunta dawlada hoose ee degmada gabiley iya waalidiintani ka cabanayay lacago lawaydiiyay ardayda taas oo lasheegay in macalimiintu ku samaynayeen kuuraasta dugsiga oo guud ahaanba burburtay markii ay waalidiintu cabashadooda is kugu soo bexeen ayaa gabi ahaan masuulinta gobolku ka gaabsadeen inay ka jawaabaan cabashadooda taas oo sababtay inay isku xeeraan xarunta dawlada hoose maayar shayba maxamed muuse isku dayay inuu dadweynihii soo doortay kaga fakado dhuumasho dhabarku muuqdo taasna ay ka diideen dadwaynihii iyagoo albaab walba ka is taagay qasabna ay ku noqotay inuu dibada usoo baxo ka bacdina dabada ay ka kexeeyeen geeyayna khayriyada halkay hadal masuul ka sugayeen ku dhawaaqay(ANIGU WAXBA KA MA OGI ARINTAAS) hadalkaas oo fajiciso waalidiintii cabanayay iyo dadwaynihii kale ee ka dhursugayay wuxuu maayarka ku qanciyo waalidiinta taas oo xamaasad daran dhalisay cirkana ku sii shareertay xaalada maayar shacayb xaalka ayaa ku noqday (jid aan jaro lahayn ) kuna kaliftay inuu halkaa kaga dhawaaqo balan qaadyo aan la ogayn sida ay wax uga fulidoonaan

dhan kale badhasaabka gobalka gabiley yuusuf ibraahim geedi oo ah masuulka ugu sareeya ee dawlada dhexe u soo magacawday gobalka ayaan la arag meel uu jaan iyo cidhib dhigay isagoo siidiinka oo kale madaxa qarsaday arinta aan ka hadlin iyadoon lagaranay sababta uu dadka ula hadli waayay ee iskaga qariyay sikastaba ha ahaatee dugsigan ay arday diisu bilaa kuraasta tahay ayaa ah dugsiga ugu wayn gobalka iya doo ardayda dhigataa ay kor udhaafayso 4000 una jira xarunta dawlada hoose ee degmada gabiley wax ka yar 200m hadaba waxa is waydiinta lihi waxay tahay hadii dugsigii H/dhexe e ugu balaadhnaa gobolka xaruntii dawladana intaa ujiray maxaad umalaynaysaan dugsiyadii kale ee ka durugsanaa ee ku yaalay daafaha magaalada iya tuulooyinka kale ?
Isku soo wada duuboo arintan ayaa ku soo beegmay xili shacabka gobalka gabiley ay cabasho balaadhan ka muujiyeen maamul xumo iyo wax qabad la'aan balaadhan oo ka muuqata maayarka iyo badhasaabka kuna tilmaameen ku iska ilaaway dantii bulshada kuna mash quulsan danahooda gaarka ah
QALINKII: XASAN JIRDE AW MAXAMUUD(Danjir)
email:shabeel450@live.comtell: 0634778586


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured