Obama Iyo Ra’isal Wasaaraha Britain Cameron Oo Washington Kana Wada Hadlay Arrinta Soomaaliya Iyo Sababta Somaliland Shirkii London Uga Qayb Gali Wayday

0
Tuesday May 14, 2013 - 07:48:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama Iyo Ra’isal Wasaaraha Britain Cameron Oo Washington Kana Wada Hadlay Arrinta Soomaaliya Iyo Sababta Somaliland Shirkii London Uga Qayb Gali Wayday

    Madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama ayaa xarunta guriga cad xafiiskiisa gaarka ah ee Oval Office-ka loo yaqaano wuxuu ku qaabilay hogaamiyaha ugu dhaw dalka maraykanka waa ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron oo socdaal rasmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama ayaa xarunta guriga cad xafiiskiisa gaarka ah ee Oval Office-ka loo yaqaano wuxuu ku qaabilay hogaamiyaha ugu dhaw dalka maraykanka waa ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron oo socdaal rasmi ah ku jooga dalka maraykanka. Obama Iyo Ra’isal Wasaaraha Britain Cameron Oo Washington Kana Wada Hadlay Arrinta Soomaaliya Iyo Sababta Somaliland Shirkii London Uga Qayb Gali Wayday

Madaxweynaha dalka maraykanka Barack Obama ayaa xarunta guriga cad xafiiskiisa gaarka ah ee Oval Office-ka loo yaqaano wuxuu ku qaabilay hogaamiyaha ugu dhaw dalka maraykanka waa ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameron oo socdaal rasmi ah ku jooga dalka maraykanka.
Labada hogaamiye ayaa waxay si wada jir ah ugu qabteen shir jaraa’id xarunta guriga cad ka dib markii ay soo dhamaysteen wada hadal dhawr saacadood qaatay oo ay kaga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaaladda Suuriya, Afghanistan, Soomaaliya (gaar ahaan shirkii Soomaaliya ee London), Iran, beriga dhexe, xaaladda midawga yurub, iyo weliba xidhiidhka labada dal oo ah kuwa iskugu dhaw dunida waxaana sidoo kale ay ka wada hadleen shirka G8 ee dalalka wershadaha ka horumaray oo dhawaan lagu qabanayo waqooyiga Ireland.

Ra’isal Wasaare David Cameron Oo Madaxweyne Obama Warbixin ka Siiyey Shirkii Soomaaliya Ee London
Sida madaxa xidhiidhka arrimaha dibadda ee xafiiska ra’isal wasaaraha Britain ee Downing Street u sheegay telefishanka SKY NEWS ra’isal wasaaraha Britain Cameron ayaa wuxuu madaxweyne Obama warbixin ka siiyey shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, iyadoo warbixinta lagu sheegay in Soomaaliya ay qaaday waddo ay dib uga soo kabanayso labaatan sannadood oo burbur iyo colaado ah, isla markaana ay dawladaha Britain iyo maraykanku iska kaashan doonaan sidii loo taageeri lahaa dawladda Soomaaliya.
Ra’isal wasaare Cameron ayaa wuxuu madaxweyne Obama uga waramay sababta keentay in Somaliland oo ah qayb Soomaaliya ka mid ah siday aaminsanyahiin ay uga soo qayb gali wayday shirkiii Soomaaliya ee London, isagoo ra’isal wasaare Cameron u sheegay in Somaliland ay shirka ka hor usoo gudbisay fekrado aan u saamaxayn inay shirka yimaadaan, waxaana uu David Cameron u sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay u socdaan wada hadalo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured