Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xisbiga UCID XIsbigaUCID :-

0
Tuesday May 14, 2013 - 07:46:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xisbiga UCID XIsbigaUCID :-

    1. Salaantu waxay ka dhaxaysaa guud ahaanba ummadaha ku nool dunida guudkeeda,midab kast oo ay leeyihiin iyo Diin kasta oo ay aamin sanyihiinba,wax kasta oo aad isu qabtaan salaantu waa waajib.Madaxda Somaliland iyo Soomaaliyana ma aha markii ugu hio

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Salaantu waxay ka dhaxaysaa guud ahaanba ummadaha ku nool dunida guudkeeda,midab kast oo ay leeyihiin iyo Diin kasta oo ay aamin sanyihiinba,wax kasta oo aad isu qabtaan salaantu waa waajib.Madaxda Somaliland iyo Soomaaliyana ma aha markii ugu hioreysay ee ay is gacan qaadan,Jabuuti,Uk,Dubia Warsaxaafadeed Ay Soo Saareen Xisbiga UCIDXIsbigaUCID :-1. Salaantu waxay ka dhaxaysaa guud ahaanba ummadaha ku nool dunida guudkeeda,midab kast oo ay leeyihiin iyo Diin kasta oo ay aamin sanyihiinba,wax kasta oo aad isu qabtaan salaantu waa waajib.Madaxda Somaliland iyo Soomaaliyana ma aha markii ugu hioreysay ee ay is gacan qaadan,Jabuuti,Uk,Dubia iyo Turkey intaba hore ayey isu soo gacan qaadeen uguna soo wada qadeeyeen Madaxweynaha,Wasiiro,iyo Gudoomiyayaasha 3 Xisbi Qaran ee Somaliland,salaanta Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal iyo Madaxda Soomaaliyana kama duwaneyn kuwaas hore u soo dhacay.

2. Xisbiga UCID,sida ku cad magaca Xisbiga, mabaadida iyo dhamaan Xeerarka Xisbiga ,wuxuu u taagan yahay ilaalinta,midnimada iyo ka midho dhalinta sidii Somaliland ay u heli lahyd aqoonsi buuxa iyo ka mid noqoshada bulshada caaalamka. Xisbiga UCID ma aha mid lagu xanto,looga baqo,laguna tuhmo wax ka soo horjeeda aqoonsiga iyo madaxbanaanida Somaliland.
3. Shacabka reer Somaliland way yaqaanaan,Gudoomiyaha Xisbiga UCID,Md.Eng. Faysal Cali Waraabe,in uu yahay shaqsi ku caan ah had iyo jeerna u taagan difaacida midnimada iyo Qarannimada Somaliland.Shacabka reer Somaliland waxay markhaati cad ka yihiin in Eng.Faysal Cali Waraabe aanu weligii dembi ka gelin Qarannimada Somaliland.
4. Is araga ku dhexmaray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha iyo Raiisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya magaalada Birmingham 11/05/13, ee saxaafada , Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadiisu aad u buunbuuniyeen ,wuxuu ahaa :- Salaan dhex martay masuuliyiinta laba dhinac,mana ahayn Shir iyo kulan qorshaysnaa midna,salaantuna waa waajib.
Hadalka Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye :-Runtii waxaa wax lala yaabo ah,cambaareynta meel ka dhaca ah ee ka soo yeedhay Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye ––-.haddaba Xog.Guud ee Xisbiga kulmiye inta uu cambaareynayo salaan laba masuul dhex martay,waxaa ku habooneyn in uu cambaareeyo arimahan hoos ku qoran oo uu dhamaantoo goob joog ka ahaa Xilka Xisbiga Kulmiye β€”na uu hayey markay dhacayeen :-- Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye,miyaanu ogeyn,in goobta ay isku salaameen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal iyo madaxda Soomaaliya in ay fadhiyeen masuuliyiin Xil ka haya Xisbiga Kulmiye iyoXubno kale oo ka tirsan guddida fulinta ee Xisbiga uu Xog .guud ka yahay ee Kulmiye,mise Xisbiga Kulmiye ayaan isu war haynin.
- Waxaa habooneyd in aad cambaareyso dilkii iyo dhaawacii ka dhacay Xaafada Axmed Dhax,Saylac iyo Xaafada 26 Juun.
- Waxaa habooneyd in aad cambaareyso xadhiga,weerarada iyo cabudhinta maalinkasta loo geysto Saxaafada madaxa banaan.
- Waxaa habooneyd in aad cambaarayso dilka dhaawaca maalin kasta loo geysto dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan ee uu ugu dambeeyey kan maanta oo 13.05.13 Burco ka dhacay.
- Waxaa haboomayd in aad cambaareyso, musaqa,cadaalad darada iyo eexda maalin walba taagaan ee ay ku kacaan Xisbigaaga iyo Xukuumadiisu.
- Ugu dambayntii waxaanu u sheegayaa Xog Guud ee Xisbiga Kulmiye Md. Xasan,in ay hayd in aanu waqti badan ku lumin salaan laba masuul dhex martay,ee uu hoos u eego arimo fara badan oo fool xun oo ka dhacay maanta Somaliland,Xisbigiisa iyo Xukuumadiisuna masuul ka yihiin
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md,Abiib Timocad.Waxaa sidoo kale wax laga xishoodo ah hadalka ka soo yeedhay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md Abiib,Wasiirka waxaanu leenahay :-- Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md.Faysal Cali Waraabe,guud ahaan Madaxda Xisbiga iyo taageerayaasha Xisbiga midna loogama shakisana in ay khiyaameeyaan Qaranka Somaliland,balse cida keliya ee laga shakisan yahay Waa Xukuumada aad Wasiirka u tahay.
- Miyanad ogeyn in Wasiirka Arimaha Dibada ee Somaliland uu hambalyo u diray Shirkii London ka dhacay ee hore ay u qaadacday Xukuumada aad ka tirsan tahay.
- Miyaanad ogeyn in ay fadhiisatay Radio Hargeysa oo aad adigu Wasiir ka tahay,TV Qarankuna qarka u saaran yahay in uu fadhiisto,maxaad wax uga qaban wayday.
- Miyaanad ogeyn in Wasaarada aad Wasiirka ka tahay ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu musuq maasuqa badan Somaliland maanta.- Ugu dambayntii miyaanad ogeyn in aad tahay masuulkii ku xidhnaan jiray Saldhiga Hargeysa,miyaad ilowday dembiyadii lagu haystay in ay weli taagan yihiin,inta aad salaan laba masuul ka hadlayso.
Masuulinta Xisbiga UCID ee Gobolada Somaliland ;-- Dhamaan masuuliyiinta Xisbiga UCID ee Gobolada Somaliland,gaar ahaan Gobolada Saaxil iyo Maroodi Jeex waxaa lagu wargelinayaa in ay u diyaar garoobaan Soodhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga UCID Md,Faysal Cali Waraabe,iyadoo si dhaqso ah la idiinla soo socodsiin doono maalinta iyo saacada uu ku soo beegan yahay Somaliland.
ALLAA MAHAD LEHAbdi M.Saleiman(Mingiste)Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.Xisbiga UCIDabdi_saleiman@hotmail.com.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured