Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Addis-ababa kula Kulmay Madaxada Safaarada UK ee Itoobiya

0
Tuesday May 14, 2013 - 07:38:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Addis-ababa kula Kulmay Madaxada Safaarada UK ee Itoobiya

    Adis ababa-( xogreebnews.com- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan Magaalada Addis-ababa ayaa maanta Kulan kula yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis ababa-( xogreebnews.com- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan Magaalada Addis-ababa ayaa maanta Kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Addis-ababa kula Kulmay Madaxada Safaarada UK ee Itoobiya
Adis ababa-(xogreebnews.com-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ku sugan Magaalada Addis-ababa ayaa maanta Kulan kula yeeshay Xarunta Safaarada Wadanka UK uu ku leeyahay Magaalada Addis-baba masuulyiin ka tirsan safaarada oo uu hor kacayayay Mudane Chiris Allan oo ah Deputy Head of Mission iyo Mudane Roger Coleman oo ah Xoghayaha labaad ee Safaarada. Waxa laba dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya labada Dal iyo labada umadood,

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici waxa uu dawlada UK uga mahad celiyay sida ay mar walba gacanta ugu fidiyaan una caawiyaan Dalka Somaliland, waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland iyo Dawlada UK ay yihiin laba dal oo xidhiidh qoto dheeri uu ka dhxeeyo. Dhinaca kale Masuuliyiinta Safaarada ayaa tilmaamay in mar kasta ay Britain garab istaagi doonto shacbiga Somaliland,
sidoo kalana ay Xukuumada Ingiriisku soo dhawaynayso wada hadalada u bilaabmay labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne ku Xigeenka waxaa Kulankan ku wehelinayay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdi Casiis Samaale, Wasiirka Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif, Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Amb. Aadan Nuux Dhuulle iyo Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured