Gudoomiye Xigeenka Waddani Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Madaxweynaha Somalia Ka Soo Yeedhay

0
Wednesday September 24, 2014 - 18:34:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Xigeenka Waddani Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadal Madaxweynaha Somalia Ka Soo Yeedhay

    Hargeysa(xogreebnews.com) — udoomiye xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo Somaliland ku lid ah oo ka soo yeedhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) — udoomiye xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo Somaliland ku lid ah oo ka soo yeedhay
Hargeysa(xogreebnews.com) — udoomiye xigeenka 1-aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo Somaliland ku lid ah oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu sidoo kale Xukumadda ku dhaliilay inaanay wax jawaab ah ka bixin hadalka Jiritaanka Somaliland ka dhanka ah ee Xasan Sheekh ka soo yeedhay.
“Hadii uu qalalaase iyo dhib Doonayo Madaxwaynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Waxa ku Filan Tiisa ku haysata Somaliya,Lakiin Shacabka Somaliland Qaranimadood Iyo Gooni isu taagooda cidna uma dabo fadhiisanayaan,Xitaa haday Noqoto Somaliya,Shacabka reer somaliland Beesha caalamka Waxay uga fadhiyaan Aqoonsi Buuxa” ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Dhanka Kale waxa uu Xukumadda Somaliland ku dhaliilay inaanay arintan ka hadal “Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka dhawaajiyay in ay Gobolada Sool iyo Sanaag ka tirsan yihiin Somaliya, Somaliland na aanay ka go’ayn Somaliya,Waxaana kasoo Wareegta 70 Saacadood,Waxaanu Sugaynay Runtii inta ay xukuumaddu ka jawaabayso Lakiin, Xukuumada Wax hadal ah kamay Odhan Arintaas uu ka dhawaajiyay Xasan Sheekh Maxamuud,Arintaasna Runtii Xukuumada way ka gaabsatay” ayaa ka mid ahaa hadalka Axmed Muumin Seed.
Madaxweynaha Somalia ayaa dhawaan sheegay in 18-kii Gobo lee Somali aanay kala go’ayn islamarkaana Sool iyo Sanaag aanay Somaliland raacsanayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured