Somaliland Oo Ku Burburaysa Gacanta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan Gali Oo Garoowe Ka Degay .

0
Wednesday September 24, 2014 - 18:33:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ku Burburaysa Gacanta Madaxweyne Siilaanyo Iyo Suldaanka Guud Ee Beelaha Warsan Gali Oo Garoowe Ka Degay .

    Hargeysa(xogreebnews.com— Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com— Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah Hargeysa(xogreebnews.com— Waxaa shalay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland lagu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka Guud ee Beelaha Warsangali. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Cuqaashi iyo weftigii ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoowe waxanay madaxtooyada kula kulmeen madaxweynaha Maamulkaasi Madaxweyne Gaas.”Farxad weyn ayay nootahay In Suldaan Siciid uu Maanta igu soo booqdo xafiiskayga isaga iyo waftiga balaaran ee uu hogaaminayo, ma aanan kala maqnayn ee waan wada joognay qalbigayaga iyo niyadayaduna waa wada joogeen ”Ayuu yidhi Madaxwayne Gaas. ”Suldaan Soo dhawoow Garoowe gurigaagi weeye, Madaxda shacabka iyo Saraakiisha Gobolkuba way ku soo dhawaynayaan ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas . ”’Waftiga na soo dhaweysay oo uu Madaxwaynuhuna Hogaaminayo aad baan uga mahadnaqaya sida wanagsan ee ay noo soo dhaweeyen ”Sidaasi waxaa yidhi Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire Garaad Cawl.Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa sidoo kale sheegay inay ajiibeen oo soo dhaweynayaan shirweynihii Beelaha Puntland ee madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwli Maxamed cali Gaas uu ku baaqay horaantii sanadkan. Geesta kale waxan meesha ka muuqan doorkii ay xukuumadda Somaliland ku lahayd deegaanadaasi iyo sida aanay uga war hayn ololaha uu maamul Puntland ka wado gudaha Somaliland.Beesha Warsan Geli ayaa soo saartay go’aamo ay ku sheegeen inay aaminsan yihiin 18 kii gobol ee Somaliya iyaga oo carabka ka ilaaliyay inay soo hadal qaadaan magaca Somaliland. Dhinaca kale, maamulka KHAATUMO ayaa gebi ahaanba ka soo horjeestay maamulka Somaliland waxaana dhawaan loo doortay madaxweyne Raysal Wasaarihii hore ee Somaiya Dr. Cali Khaliif Galaydh.Geesta kale, gobolada galbeedka ayaa saluug weyn ka muujiyay wax wada lahaanshihii Somaliand oo faraha ka baxay iskuguna biyo shubtay inay wax walba gacanta u gasho beesha dhexe, taasoo dhalisay ina Oday-dhaqmeedyo Miisaan ku leh gobolada galbeedka ay fool ka fool isu horfadhiistaan madaxweyne Siilaanyo kana dalbadaan in la saxo hadii kale ay go’aamo adag ka qaadan doonaan.xogreebnews.com-office Garoowe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured