Madaxtooyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Ka Dalbatay Inay Maamuus Xayuubin Ku Sameeyaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag U Dhaliila

0
Tuesday September 23, 2014 - 16:27:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 869
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Ka Dalbatay Inay Maamuus Xayuubin Ku Sameeyaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Si Adag U Dhaliila

    Hargeysa(xogreebnews— Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dalbatay golaha wakiilada Somaliland inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddiga shuruucda, distorka iyo arrimaha xuquuqal insaanka ee gol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews— Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dalbatay golaha wakiilada Somaliland inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddiga shuruucda, distorka iyo arrimaha xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada Hargeysa(xogreebnews— Madaxtooyada Somaliland ayaa ka dalbatay golaha wakiilada Somaliland inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddiga shuruucda, distorka iyo arrimaha xuquuqal insaanka ee golaha wakiilada, oo dhawaan si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.Xildhibaanka ayaa toddobaadkan shacabka ugu baaqay inaanay aqbalin wax muddo kordhin ah marka la gaadho 26 June 2015 oo ay ku eegtahay shantii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo la doortay. Isagoo haddii muddo kordhin la sameeyana ku baaqay in la sameeyo dibad baxyo waaweyn oo mudaharaado ah.tyHaddaba, af-hayeenka Axmed Saleebaan Dhuxul, oo u waramay shabakadda Gudgudenews.com , ayaa wuxuu golaha ka dalbaday inay xildhibaan Siciid Cilmi Roobe ku sameeyaan maamuus ka xayuubin “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay ku kaceen labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, waxay ku dhawaaqeen oo iclaamiyeen waxyaabo dalka khal-khal gelinaya iyo kicin ay bulshadda ku abaabulayeen dagaal, xildhibaan Siciid Cilmi Roobe isaga oo golihii sharci dejinta ah ayuu dadka shacabka ah ku dhiirigeliyay inay hub soo qaataan oo ay xukuumadda dagaal la galaan. Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay tallaabo ka qaadan, oo ay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaasi oo ku kacay arrin ceeb ku ah qaranka iyo golaha wakiiladdaba.” Af-hayeenka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in ninkii 17-kii bishan magaaladda Qori-lugud ku dilay labadda sarkaal in la siiyay gaadhi uu ku baxsaday, isla markaana xildhibaan Siciid laga doonayo arrintaasi cadaynteedda inuu keeno. “ Ugu dambayn wuxuu afhayeenka madaxtooyadu yidhi “Xukuumaddu way ka xun tahay dhacdadaasi lagu dilay labadda sarkaal, hore ayaanay u tacsiyadaysay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla habeenkiiba tacsi ayuu u diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumka mudaharaadkii Gabiley ka dhasay, madaxweynuhuna wuu la kulmay waalidkii marxuumka dhalay dhalay, masuuliyiin xukuumadda ka tirsanina way u tageen, oo waa loo diray. Ugu danbayntii waxaan mar labaad ugu baaqayaa golaha wakiiladda in nimankaasi waxa ay ku dhawaaqeen ay cadaynteeda keenaan, imika xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu gaadhay wakhtigii uu kolba dhinac eegi jiray, waxaanan ku boorinayaa golaha wakiiladda inay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaas,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured