Wasaaradda Duulista Oo Faahfaahisay Qaad Yurub Loo Waday Oo Madaarada Dalka Lagu qabtay

0
Tuesday September 23, 2014 - 16:05:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Duulista Oo Faahfaahisay Qaad Yurub Loo Waday Oo Madaarada Dalka Lagu qabtay

    Hargeysa(Xogreebnews)Wasaaradda Duulista iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa sheegtay inay Madaarada dalka ku qabatay Qaad Ganacsi oo si Sharci daro ah loogu dhoofinayay wadamada Yurub. Qaadka waxaa sitay sida Wasaaraddu sheegtay dad u dhoofayay w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Wasaaradda Duulista iyo gaadiidka Cirka ee Somaliland ayaa sheegtay inay Madaarada dalka ku qabatay Qaad Ganacsi oo si Sharci daro ah loogu dhoofinayay wadamada Yurub. Qaadka waxaa sitay sida Wasaaraddu sheegtay dad u dhoofayay wadamo ay ka soo xagaa baxeen.

“Hawlwadeennada Ammaanka ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal waxay toddobaadyadii ugu dambeeyey qabteen Qaad sifo ganacsi oo sharcidarro ah la isku dayayey in dalka lagaga dhoofiyo loona waday qaar ka mida waddammada Yurub sida Ingiriiska, Iswiidhan, Noorway, iyo Dhenmaarik. Iyada oo qaar ka mid ah rakaabkii dhoofayey ay siteen, si ay qarsoodi ugu galiyaan waddammadaas” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay Waaxda Warfaafinta ee Wasaaradda Duulista.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Madaarada dalka ay mamnuuc ka yihiin in Qaad laga dhoofiyo “Waxaanu uga digaynaa dadweynaha rakaabka ah inay ku kacaan falal liddi ku ah shuruucda dalalka ay u dhoofayaan iyo midka ay ka dhoofayaan, taas oo saamayn ku yeelan karta socdaalkooda, dhinaca kalena sumcad xumo ku keeni karta Madaarrada dalkeena.” Ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured