Daniel Agger Oo Ka Tagitaankiisa Liverpool Ku Eedeeyay Tababare Rodgers

0
Monday September 22, 2014 - 20:05:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daniel Agger Oo Ka Tagitaankiisa Liverpool Ku Eedeeyay Tababare Rodgers

    xogreeb sports_Kabtan ku xigeenkii hore ee Liverpool Daniel Agger oo xagaagii dhawaa ka tagay kooxdiisa Reds ayaa tababarihiisii hore ee Branden Rodgers ku eedeeyay inuu sabab u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xogreeb sports_Kabtan ku xigeenkii hore ee Liverpool Daniel Agger oo xagaagii dhawaa ka tagay kooxdiisa Reds ayaa tababarihiisii hore ee Branden Rodgers ku eedeeyay inuu sabab u xogreeb sports_Kabtan ku xigeenkii hore ee Liverpool Daniel Agger oo xagaagii dhawaa ka tagay kooxdiisa Reds ayaa tababarihiisii hore ee Branden Rodgers ku eedeeyay inuu sabab u ahaa inuu Liverpool ka tago. Agger ayaa Anfield ku soo qaatay sideed sano wuxuuna dhawaan ku biiray kooxdiisii hore ee Brondby isagoo ugu biiray 4 milyan oo yuro. Kabtankan ree Denmark ayaa kursiga kaydka ugu jiray xili ciyaareedkii hore difaacyada Mamadou Sakho iyo Martin Skrtel . Saxiixa Dejan Lovren ayaa mugdi sii galiyay mustaqbalka Agger taas oo ugu danbayn keentay inay kooxdu iska iibiso.Agger ayaa yidhi: “Aan arinta idiin cadeeyo, aniga iyo tababaruhu waxaa laga yaabaa in aanaan inta badan xili ciyaareedkii hore isku dhinac ahayn. Waxaa jiray farqi wayn oo noo dhexeeyay, waxaan filayaa inuusan ku qanacsanayn wax tarkayga kooxda, markii aan arintaas ogaadayna waxay noqotay waqtigii aan kooxda ka tagi lahaa”.“Waxaan filayaa in halka ay wax ka qaldameen ay ahayd inaan anigu ahay qof aan qalooca aqoon, waxkastana waxaan u sheegay siday u jireen waxayna ahayd inay dadkuna sidaa sameeyaan”.Liverpool ayaa haddaba dareemaysa maqnaanshaha Daniel Agger waxaana taasi tusaale u ah in West Ham todoba daqiiqo gudahoo ay 2 gool ka dhaliso Liverpool.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured