Berbera Oo Qarka U Saaran in Uu Ka Dhaco Kacdoon Dadweyne.

0
Monday May 13, 2013 - 20:04:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera Oo Qarka U Saaran in Uu Ka Dhaco Kacdoon Dadweyne.

    dadweynaha reer berbera ayaa waxay khaati ka joogaan dhalinyaro ka soo jeeda beesha madaxweyene siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dadweynaha reer berbera ayaa waxay khaati ka joogaan dhalinyaro ka soo jeeda beesha madaxweyene siilaanyo

Berbera Oo Qarka U Saaran in Uu Ka Dhaco Kacdoon Dadweyne.

dadweynaha reer berbera ayaa waxay khaati ka joogaan dhalinyaro ka soo jeeda beesha madaxweyene siilaanyo oo bar yahan danbe si gaar ah loogu biirayo magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil, dhalinyaradaasi ayaa gabi ahaanba waxaa laga shaqaaleysiyey dekeda magaalada berbera iyo xarunaha dhaqaalaha ee gobolka saaxil iyada oo dhalinyaradii gobolku ay bilaa shaqo yihiin isla markaana ay badaha ku dhamaadeen si ay nolol tan hdaanta u raad sadaan.

hadaba akhristow hadii aad timaado magaalada berbera arintaasi waad arki doontaa hadii kale oo aanad joogi magaalada berbera waxaad xog ka raadisaa dadka ku dhaqan magaalada berbera ee aan ahayn dhalinayarda ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo basle ah dadka u dhashay deegaanka ee arinat runta ka sheegi kara.

sida la socdo waxaa maanta magaalada burco ka dhacay kacdoon dadweyne kadib markii xukumadu ay qabyaaladaysay xarumihii dhaqaalaha taasina ay sababtay in dad aan waxba galabsan ciidamadu madax ka toogtaan sidii ay cadaw yihiin oo kale, hadaba arinat kale ee taa ka fool xumaam doonaa waxaa weeyi hadii aan guud ahaan wax garadka reer somaliland aysan ka hadal oo wax laga qaban waa duulaanka beesha madaxweyne siilaanyo ku soo qaaday magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil iyaga oo raadinayo dhaqaale isla markaana uga faa'iidaysanaya xukuumada maanta ay gacanta ku hayaan.

mushkilada kale ee magaalada berbera ka jirtaa waxaa weeyi in aysan masuuliiintii gobolka sida maareeyaha dekeda iyo abdhasaabka gobolku aysan wax gacan ah sinayn dhalinyarada u dhalatay deegaanka berbera base ay shaqooyinka iyo gacan siinta ay ku raali galiyaan madaxweyne siilaanyo oo ay dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo wax kasta la isula garab taago.

dadweynaha reer berbera ayaan wax kale hadal ahayn bar yahan danbe waayo waxaa magaaladadii ku soo batay oo shaqooyinkii ka qaaday dadkii deegaanka dhalinyaaro ak soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo.

ugu danbeytii hadii aan wax laga qaban dhibaatada dhabat ah ee ka taagan magaalada berbera waxaa xaqiiqo ah in kacdoon dadweyne oo samayn ku yeesha guud ahaan dalka in uu ka dhici doono magaalada berbera.

Qalinka:Mukhtaar Xasan Cabdi

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured