Khilaaf Horleh Oo Ka Dhex Qarxay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi iyo Sababta keentay

0
Monday September 22, 2014 - 19:58:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Horleh Oo Ka Dhex Qarxay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi iyo Sababta keentay

    Hargeysa(xogreebnews.com_Khilaaf horle ayaa soo kala dhexgalay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyada Somaliland Cali Xaamud jibriil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Aadan(Indha case) Khilaafkan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Khilaaf horle ayaa soo kala dhexgalay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyada Somaliland Cali Xaamud jibriil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Aadan(Indha case) Khilaafkan oo Hargeysa(xogreebnews.com_Khilaaf horle ayaa soo kala dhexgalay Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyada Somaliland Cali Xaamud jibriil iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Aadan(Indha case) Khilaafkan oo mudooyinkan dambe soo jiitamayey Wasaaradana ka dhex oognaa saamayn weyna ku yeeshay hawlmaalmeedkii Wasaarada ,ayaa waxaa uu ka bilaabmay ka dib markii uu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyadu uu si cad iskugu dayey in uu Wasiirka ka Maroorsado shaqadiisii,isagoo Agaasimuhu Waraaqo badan oo uu Wasiirku lahaa uu si qorsoodi ah u saxeexay Agaasime indha case oo uu wasiirkuna ka biyo diiday arintaasi ,iyadoo sababtay in Wasiirka Cali Xaamud jibriil iyo Agaasimaha Maxamed Cali Aadan(Indhac-case )ay ku kala badbaadeen fara cididood iyadoo ay Shaqaalaha Wasaaradu ku kala gudntadeen in ay gacanta iskula tagaan. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyada Ayaan aqoon badan iyo waayo aragnimo dheer u lahayn shaqada Dowlada maadaama oo aanu waligii Shaqo iyo xil mid aanu ka soo qaban Dowlahidii kala dambeeyey ee Somaliland hada ka hor,waxaanu Agaasime indha case ku fashilmay in uu ka soo baxo xilkii loo igmaday Khilaafkan baahsan ee ka dhex qarxay masuuliyiinta Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Cilmi Baadhista iyo Teachnolajiyada Somaliland ayaan hayn kii ugu horeeyey tan iyo markii uu Madaxweyne Silaanyo uu Wasaarada u soo magacaabay Agaasime indha case 11 July 2013 kii taasi oo hore khilaafkan oo kale ka dhex dhacay Wasiirkii hore ee Wasaaradan laga badaley iyo Agaasimahan Maxamed Cali Aadan(Indha case) kaasi oo uu wasiirkii hore markii uu u dhowr jeer shaqada ka joojiyey kuna amray in aanu wasaarada soo gali karin.Khilaafkan dambe ee ka dhex qarxay Wasaaradan ayaa laba garab u kala qaybiyey shaqaale weynaha Wasaaradaasi ka howl gala iyagoo la kala saftay labadan masuul.waxaana markale Madaxtooyada la gaadhsiiyey dhawaaqa iyo dhibaatada mar kale ka soo cusboonaatay Wasaaradaasi iyadoo laga yaabo in Arintani ay galaafato shaqada Agaasimaha guud Agaasime indha case ayaa ah nin Deegaankiisa iyo Beesha uu ka soo jeedaba aan ku lahayn miisaan culus iyadoo beesha uu ka soo jeedana ay dhowr jeer ka soo saareen Baaq ka dhan ah iyagoo Cod dheer ku sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeenWariye:Maxamed Jiciir Aw-AxmedMaxamed.jiciir@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured