Xildhibaan Cali Barre Oo Wasiirka Kaluumaysiga Ku Eedeeyay Inuu Cay La Daba Joogo Madaxdhaqameedka Badhan

0
Monday September 22, 2014 - 11:47:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cali Barre Oo Wasiirka Kaluumaysiga Ku Eedeeyay Inuu Cay La Daba Joogo Madaxdhaqameedka Badhan

    Hargeysa(Xogreebnews) Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cali Faarax Buureed inuu fidno-abuur iyo cay aan munaasib ahayn la daba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cali Faarax Buureed inuu fidno-abuur iyo cay aan munaasib ahayn la daba joogo madax-dhaqameedka iyo bulshada ku dhaqan Gobolka Badhan

Hargeysa(Xogreebnews) Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku eedeeyey Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cali Faarax Buureed inuu fidno-abuur iyo cay aan munaasib ahayn la daba joogo madax-dhaqameedka iyo bulshada ku dhaqan Gobolka Badhan.

Md. Cali-barre waxa uu sheegay in Wasiir Buureed marar badan si cad uga been sheegay ujeeddada shirkii beelaha Gobolka Badhan ku yeesheen dhowaan degmada Xiin-galool, kaas oo xildhibaanku ku tilmaamay inuu ahaa shir dhaqan oo aan wax lug ah ku lahayn arrimo siyaasadeed, isla markaana dawladda Somaliland si buuxda ula socotay, dhammaadkiisiina hambalyeysay.

“Waxa ayaan-darro iyo wax aad looga xumaado ah, in Wasiirka Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac Faarax Buureed uu si milgaha iyo dhaqanka bulshada Somaliland ka baxsan warbaahinta maxalliga ah ugu baahiyo warar been-abuura oo uu si joogto ah illaa waqtigan uga faafiyo shir-dhaqameedkii beelaha Warsangeli ku qabsadeen degmada Xiingalool, sidoo kalena maalin walba aflagaadeeyey madaxda dhaqanka ee beesha Gobolka Badhan ee uu ka dhashay.

Shirkaasi wuxuu ahaa shir dhaqan oo ka madaxbannaanaa arrimo siyaasadeed, dawladda Somaliland-na tallaabo-tallaabo ula socotay, wefti culusna u dirtay, go’aamadii ka soo baxayna way hambalyeysay, waayo dadka Gobolka Badhan waxay aaminsan yihiin qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka tirsan yihiin.

Hase ahaatee, Wasiir Buureed oo u muuqda nin aan laba socon siyaasadda dawladda Somaliland ee uu wasiirka ka yahay oo kelidii cidla’ ka sacab tumanaya, markii shirka Xiingalool socdayna dhuumasho ku joogay Badhan, iyadoon illaa hadda la garanayn sababta uu uga maagay inuu tago shirka beeshiisu qabsanaysay, talana ku yeesho, ayaa isagoo xaalkiisu sidaa yahay uu haddana marar badan oo xataa shirkuba dhammaaday warbaahinta ka sheegay inay shirkaas wadeen dad ka soo horjeeda qarannimada Somaliland, una adeegaya maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isagoo sidoo kalena ku kacay waxyaabo ka baxsan dhaqanka ummadda Somaliland iyo xurmada madax-dhaqameedku leeyihiin, waxaannu si fool xun u aflagaadeeyey, ugana been sheegay madaxda sharafta iyo karaamada mudan ee shacabka Gobolka Badhan,” ayuu yidhi xildhibaanku.

Md. Cali Barre oo Jamhuuriya u warramay shalay, Waxa uu intaa ku ladhay, “Sidaa darteed, waxaan uga digayaa, kana abhinayaa Wasiir Buureed inuu ka waantoobo fidno-abuurka iyo cayda madaxda dhaqanka madaxda sharafta iyo karaamada mudan ee shacabka Gobolka Badhan.”

“Ugu dambayn, Wasiir Cali Jaamac Faarax (Buureed) waxaan leeyahay haddii cid Puntland lagu sheegayo adigaa wasiir ka ahaa oo ka yimi shalay markii xilka lagaa qaaday, imminkana Somaliland ayaad wasiir ka tahay, markaa waxaan kugula talinayaa ha ku fogaan cayda iyo cambaaraynta Puntland, waayo waxaan filayaa haddii Madaxweyne Siilaanyo xilka wasiirnimada kaa qaado in aad berri Garoowe ku noqon doonto.

Midda kale, wasiir waxaan ku weydiiyey miyaanad ku shaqayn siyaasadda xukuumadda Somaliland ee ka tirsan tahay, illeyn waadigan beenta ka sheegaya shirkii Xiingalool ee dawladda Somaliland weftiga culus u dirtay, wixii ka soo baxayna hambalyeysaye?” ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Md. Cali Maxamed Aadan (Cali-barre), isagoo saxaafadda waddaniga ah ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka fidno-abuurka xambaarsan ee cid dan leh u gudbiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured