Gudoomiye-Xigeenka Xisbiga Waddani oo Gurigiisa la weeraray,Xaaskiisana Xabsiga loo taxaabay xilli Raxan wasiiro ahi ku sugan yihiin Borama

0
Monday September 22, 2014 - 09:27:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye-Xigeenka Xisbiga Waddani oo Gurigiisa la weeraray,Xaaskiisana Xabsiga loo taxaabay xilli Raxan wasiiro ahi ku sugan yihiin Borama

    Boorama-(xogreebnews.­Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa xalay weerar culus oo gurigiisa waxyaalo ka soo gaadhay lagu q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama-(xogreebnews.­Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa xalay weerar culus oo gurigiisa waxyaalo ka soo gaadhay lagu qaaday. Boorama-(xogreebnews.­Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama ayaa xalay weerar culus oo gurigiisa waxyaalo ka soo gaadhay lagu qaaday.
sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyuhu mar wariyayaashu ku booqdeen gurigiisa wuxuyidhi isaga oo arinkaas ka hadlaya,”Habeenadii ugu danbeeyay oo ay xalay ugu darnayd waxaa la igu soo qaaday weerar u eekaa mid abaabulan,waxayna dadka weerarka soo qaaday adeegsanayeen,dhagxaan,Budad Iyo Saafaf kuwaas oo albaabkii guriga laga soo galayay gabi ahaan burburiyay.

Gudoomiye Seed oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey” Markii Falkaasi dhacayay waxaan xidhiidh la sameeyay taliyayaasha saldhigyada Barriga iyo Galbeedka Boorama oo aan ka codsaday inay gurmad ciidan ila soo gaadhaan,waxayse ay iigu jawaabeen inaysan hayn ciidan ay ii soo diraan.
Ugu Danbayn Gudoomiye Seed ayaa u sheegay Warbaahinta in barqadii maanta ciidan aad u hubaysan la soo duldhigay gurigiisa ayna kaxaysteen oo ay xabsiga u taxaabeen xaaskiisa oo xiligaas joogtay, kaasoo sheegay inuu xiligii xaaskiisa la xidhayay uu goobjoog u ahaa ciidankana waydiiyay sababta xaaskiisa loo xidhayo balse ayna wax jawaab ah ka siin.
Geesta kale xidhiidho aan la samaynay taliyayaasha ay arintani khusayso ayaaney noo suuragalin, tanina waxay ku soo beegmaysaa xili Raxan wasiiro ah oo ka soo jeeda Goboladani joogaan magaalada Boorama taas oo dareeno kala duwan dhalisay.
Dadka odorosa siyaasada ayaa ku tilmaamay falka masuulkan lagula kacay midaan noociisa oo kale hore loogu arag Boorama kaas oo ka cadhaysiiyey dadwayne iyo taageerayaal badan oo taageersan Gudoomiye Seed.
C/rashiid C/laahi Cumar
Boorama-Office-Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured