WAXAANU CADAYNAYNAA XISBI AHAAN IYO XUKUUMAD AHAANBA INAANAN KU TALA JIRIN SAMAYNINA XATAA XEERKA LAYSKU HAYSTAY INUU XANIBO DIWAAN GELINTA CODBIXIYAYAASHAÂ….GUDOOMIYE MUUSE BIIXI

0
Sunday September 21, 2014 - 19:45:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAANU CADAYNAYNAA XISBI AHAAN IYO XUKUUMAD AHAANBA INAANAN KU TALA JIRIN SAMAYNINA XATAA XEERKA LAYSKU HAYSTAY INUU XANIBO DIWAAN GELINTA CODBIXIYAYAASHAÂ….GUDOOMIYE MUUSE BIIXI

    Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay heshiiska ay xisbiyada mucaaridka ah ka gaadheen qodobo ku jira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay heshiiska ay xisbiyada mucaaridka ah ka gaadheen qodobo ku jira Hargeysa(xogreebnews.com-gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay heshiiska ay xisbiyada mucaaridka ah ka gaadheen qodobo ku jira xeerka diwaan gelinta madaniga ah Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo warbaahinta la hadlay markii ay heshiiska gaadheen xisbiyada mucaaridka ah ayaa waxa uu sheegay inaanu xisbiga Kulmiye marna ku tala jirin inuu qaado talaabooyin dib u dhigaya doorashooyinka. Ugu horayn gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen xisbiyada mucaaridka ah ayaa waxa uu yidhi “Inagu waynu iska af garanay murankii dhexdeena jiray, waxaanu cadaynaynaa marnaba xisbi ahaan iyo xukuumad ahaan inaana ku tala jirin samaynina xataa sharciga laysku haystay inuu xanibo diwaan gelinta codbixiyayaasha, qodobka laga heshiiyey waa 25aad waxaanu u qoran yahay daraafka uu ku joogo baarlamaanka “muwaadinta doonaya inuu qaato kaadhka codbixintu waa inuu sitaa warqadii dhalashada” intaas ayaa qornayd .”Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Walaaladay intaas meel xun ayey ka uriyeen waxaanay yidhaahdeen inoogu dara kii ka habsaama ee warqada soo qaadan waayo marka hore in goobtaas codbixinta lagu qaadayo ay joogto wasaarada arimaha gudaha iyo ciidankeedu oo iyadana halkaas lagu siiyo, waxba kama qabno ayaanu nidhi taasna waanu ka heshiinay.” Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo hadalkiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado olole balaadhan oo dadweynaha lagu wacyi gelinayo inay qaataan warqada dhalashada waxaanu yidhi “Maanta waxa inoo yaala inaynu labadii diwaan gelinood dadkeena fahamsiino oo muwaadinka la qaato, qof aan muwaadin qaadan codbixin heli maayo markaana waa in xoog loo ololeeyo oo la qaato warqada muwaadinta wixii ka hadhaana ay noqdaan tiro yar oo aan qiimo badan inagu kicin .” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured